Masjid kuyaalo Dalka Norway oo loo diray Baakad ee kujiraan walxaha qarxa.

Masjid kuyaalo magaalada Stavanger ee dalka Norway ayaa waxa maalinimadi shalay boosto loogu diray Baakad ee kujiraan Budo kasameesan walxa qarxa taasi oo qal qal xoogan gelisay jameecada masjidka.

Baakadaan ee kujiraan walxaha qarxa ayaa sidoo kale waxa la socday warqad ee ku qoran yihiin erayo cunsurnimo iyo hanjabaad loogu geesanayo muslimiinta kudukatay masjidka.

Booliska gaarka ah ee arimaha qaraxyada ayaa diyaarad gaar ah oo ee ka qaateen magaalada Oslo ayaa gaaray magaalada Stavanger gelinki dambe ee maalinimadi shalay.

Majirto faah faahin dheeri ah oo kasoo baxay dhanka hay’adaha amniga dalka Norway hasa yeeshe arintaani ayaa imaaneeso xili ee sii xoogeesanayaan hanjabaadyada ka dhank ah muslimiinta kunool dalka Norway.

Horaanti bisha Mars ayaa qeybo badan oo kamid ah masjidyada kuyaalo magaalada Oslo ee heleen hanjabaadyo ka dhan ah xili dadka muslimiinta ee isku diyaarinayeen maalinta weyn ee Ciidul Fidriga, hasa yeeshee hay’adda nabadsugida dalka Norway oo xogtaan heshay ayaa dalabatay ciidamo dheeri ah oo suga amaanka masjidyada kuyaalo guud ahaan wadanka norway, si Muslimiinta dalkaasi ee ugutaan waajibaadkooda diiniga ah.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles