Mas’uuliyiin Cusub oo katirsan Hirshabeele oo maanta lagu dhawaaqay.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo shir-guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle ayaa lagu dhaariyay wasaarado isku shaandheyn kooban lagu sameeyay.

Wasiirada la magacaabay ee la dhaariyay ayaa waxaa ay kala yihiin;
1. Saciid Hagar Camalloow (Wasiirka Wasaarrada Waxbarrashada iyo Tacliinta sare).
2. ⁠Cabdifataax Xasan Faarax (Wasiirka Wasaarrada Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada).
3. ⁠Sakariye Khaalid Cabdi (Wasiirka Wasaarrada Ganacsiga iyo Warshaddaha).

SIdoo kale kulankan ayaa waxaa Wasaaradaha Amniga, Arrimaha Guddaha iyo Xannaanada iyo Xoollaha laga dhageystay warbixino ku aadan xaaladdihii amni ee ugu dambeyay Dowladda Hirshabeelle, Shirweynihii dhawaan ka dhacay magaalada Jowhar iyo sida ay u socoto shaqadda Wasaarrada Xannaanada iyo Xoollaha.

Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle ayaa ansixiyay Hindise sharciyeedka qaab-dhismeedka shirkaddaha amni ee gaarka loo leeyahay.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa kula daar daarmay mas’uulyiintaan iney laba laabeen howlaha iminka kasocda gobolka.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles