Hadaladi dhiilada lahaa ee banaanbixi Muqdisho ee maanta (sawiro)

Munaasabad ballaaran oo lagu muujinayey taageerada ay u hayaan dhameeystirka dastuurka Soomaaliya loo maamulayo ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Shacabka oo watay boorar ay ku xar-dhan yihiin in la dhameystiro Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu baaqeen in ay Ansixiyaan Dhameystirka Dastuurka. Iyagoona Madaxwaynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ku taageeray ka dhabeynta balan-qaadkiisa ahaa in uu dhameystirayo Dastuurka dalka.

Dad muhiim ah oo ay ka mid yihiin Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaalah oo ay wehliyaan madax kale ayaa dadweyne aad u fara badan kula hadlay fagaaraha taallada daljirka dahsoon. Dhammaantood waxay taageereen in Dastuurka la dhameeyo, waxayna ka codsadeen cid kasta oo aan raali ka ahayn inay wax ka bedelaan maslaxadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in dhameystirka Dastuurka uu yahay mid muhiim ah. Waxay wax ka tari doontaa in qof kasta oo kuu nool Gobolka Banaadir uu helo xuquuqdii uu xaqa u lahaa, waxayna sidoo kale gacan ka geysan doontaa in go’aan laga gaaro maqaamka rasmiga ah ee magaalada Muqdisho ee caasimadda. Guddoomiyaha Gobolka ahna Duqa Magaalada ayaa doonaya in Xildhibaanada Baarlamaanka ay isku raacaan oo ay dhameystiraan Dastuurka dalka Soomaaliya oo dhan.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles