Maxaa kala socotaa Dilka Jeneraalka ee dowlada Iiraan sida weyn uga carootay.

Weerar qorsheysan oo lagu weeraray qunsuliyada dowlada Iraan ee kuleedahay Dimishiq ayaa lagu dilay kow iyo toban qof oo ku jiraan saraakiil caan ah.

Saraakiisha halkaa kudhimatay ayaa waxa kamid ah Janaraalka saameenta badan ee Sarreeye Guuto Maxamed Reza Zahedi oo ka mid ah saraakiisha ugu sarraysa ee ilaalada kacaanka dalka Iiraan.

Weerarkaani oo aad u xoogan ayaa gabi ahaan lagu bur buriyay dhismaha qunsuliyada oo dhabarka kuhaayo safaarada dalka Iiraan ee wadanka Siiriya.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Iran iyo Suuriya ayaa cambaareeyay weerarka, waxayna farta ku fiiqeen Israa’iil oo ciidankeedu ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suuriya, diyaaradaha Israa’iil ayaa weeraray dhismaha qunsuliyadda iyafoo kasoo galay buuraha Golan Heights 5:00 galabnimo. wakhtiga maxaliga ah ee Isniinta.

 

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles