Maxaa Kala Socotaa Isku Dhacii Galabta Ee MO Salah Iyo Jurgen Klop

Jurgen Klop Iyo Laacibkiiss MO Salah Ayaa Galabta Hadallo Kul Kulul Isku Tuureen Marki Uu Badal Kusoo Galaayey MO Salah Kahor Inta Aan Keydka Lagu Soo Bilaabin Waxaana Kaamirooyinka Ay Qabanayeen Ayagoo Isku Qeylinayaan Balse Waxa Ay Isdhahayeen Cidna Ma Maqleynin  Kulankaan Ayaa Kusoo Idlaaday 2-2 Oo Liverpool Rajadeeda Horyaalka Ceel Kusii Riday Inkastoo Horeba Rajo Badan U Qabin.

Sida Wararka Xanta Ah Sheegayaan Klop Ayaa Hadalka Bilaabay Asigoo Kuheystay Maxaa Ciyow Isku Diyaarin Weysay Marki Ladhahay Isdiyaari Salah Si Dhaqsi Leh Muusan Isugu Diyaarin Wuxuuna Ka Careysnaa Sababta Keydka Loo Dhigay .

Klop Marki Laweydiiyey Waxa Ay Isku Qabteen Salah Wuu Ka Gaabsaday Waliba Wuxuu Dhahay Wax Walba Qolka Labiska Ayaa Ku Dhameysannay Oo Sidii Larabay Ayaa Loo Sameeyey Taasna Waa Sida Uu Sameyn Lahaay Macalin Sida Klop Oo Kale Ah Oo Marwalba Qadarinta Aanan Katagin Xaalad Walbo Uu Kujiro.

Laakiin Salah Ayaa U Hadlay Si Xushmad Darro Ah Kadib Markii Uu Dhahay “Hadii Aan Hadlo Waxaa Kici Doono Dab” Hadalkaas Waxaa Laga Dheehan Karaa Inuu Jiro Isku Dhac Xoogan Oo Noqon Kara Inuu Keenay Form Xumada Kooxda Gashay Xilligaan Iyo Kulamada Qaar Oo Kursiga Keydka Lagaliyo Oo Uu Ka Careysanyahay Ayadoo Ladhihi Karo Waxaa Sababay Qasaaradiisa Oo Badatay Iyo Jahwareerka Kooxda Gashay Go’aanka Macalinka Marba Nuuc Ayuu Noqonaa Xilligaas Oo Kale Waana Wax Dabiici Ah Balse Waxaas Dhan Wuu Iska Indha Tiray Macalinkii Soo Saaray Ayuu Ku Fur Furtay .

Arrintaan Hadii Aad Dhinacyo Badan Kafiiriyo Adiga Ahaan Yaa Kula Qaldan Klop Ama Salah Fikirkaaga Hoos Noogu Reeb.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles