Maxaa Kala Socotaa Rabitaanka PSG Ee Bruno Guimaraes Iyo Qodobo Kale Oo Xiiso Leh

Kooxda PSG Ayaa Xiiseyneysa Mashiinka Qadka Dhexe Ee Kooxda Newcastle Iyo Xulka Brazil Bruno Guimaraes Kaas Oo Qandaraaskiisa Dhacaayo Dhamaadka June.

£100M Oo Pound-ka Ingiriiska Ah Ayaa Lagu Jibin Karaa Heshiiska Xiddigaan Waxaana Sidoo Kale Lafahansanayahay In Ay Xiiseynayaan Manchester City Iyo Real Madrid Oo Tartan Siinayaan Dhigooda PSG.

Goorta Ay Bayern Kudhawaaqayaan Macalinkooda Cusub .

Director-ka Kooxda Bayern Munich Max Eberl Ayaa Xaqiijiyey In Aysan Go’aan Ka Gaari Doonin Macalinka Cusub Ee Kooxda Maamuli Doono Kahor Kulanka Real Madrid Ee Tallaadada .

Waxa Uu Cadeeyey In Magacaabista Macalinka Cusub Ay Noqoneyso Kadibka Real Isbuuca Bilaabanaya Dhamaadkiisa Oo Ah Bilaawga May .

Record-ka Kane .

Harry Kane Oo Galabta Dhaliyey 2 Gool Oo Mid Rigoore Ahaay Ayaa Waxa Ay Uga Dhigantahay Inuu Sameynaayo Record Shaqsiyadeed Oo Ah 42 Gool Tartamada Oo Dhan .

Wuxuu Ciyaaray 42 Kulan Wuxuuna Dhaliyey 42 Gool Waa Kulankasta Iyo Gool Guud Ahaan Noloshiisa Wuxuu Dhaliyey 400 Gool Koox Ahaan Iyo Xul Ahaanba Maxaa Kutilmaami Kartaa Laacibka Nuucaan Ah Waa Number 9 Dhameystiran Oo Adeegyo Dheeraad Ah Laga Helo Mararka Qaar  Sida Isku Xerka Weerarka Iyo Dhaxda Iyo Hogaaminta .

Wirtz Iyo Joogitaankiisa Leverkusen.

Laacibka Qadka Dhexe Ee Weerarka Ah Ee Reer Jarmal Iyo Kooxda Bayern Leverkusen Florian Wirtz Waxa Ay Kooxdiisa Qeexday Inuu Yahay Lama Taabtaan Marka Uu Furmo Xagaaygaan Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda .

Maamulka Waxa Ay Sheegeen In Wirtz Yahay Mid Kamid Ah Waxyaabaha Ugu Muhiimsan Ee Sababay In Xabi Alonso Kooxda Siijoogo Markii Uu Alonso Kooxda Qandaraaska U Kordhinaayey Waxaa Heshiiska Kujirtay In Florian Uusan Iib Aheynin  Kooxo Badan Oo Kasocdaan 5-ta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Ayaa U Hanqal Taagayaan Laacibkaan Sanadka Wacdaraha Dhigaayo .

Se Rossi Oo U Digay Wiilashiisa.

Macalinka Kooxda Roma Daniele De Rossi Ayaa Uga Digay Wiilashiisa Kooxda Napoli Oo Kutilmaamay In Aytahay Kooxda Ugu Fiican Serie A Italy Marki Laga Reebo Inter Milan Oo Sanadkaan Qaaday Horyaalka Scudetta-ha Talyaaniga .

Fadalkaan Napoli Koox Ahaan Waa Liidataa Waliba Waxa Ay Kujirtaa Kaalinta 8-aad Kala Sareynta Horyaalka Ayagoo Leh 49 Dhibcood Balse Sikastoo Ahaato De Rossi Wiilashiisa Wuu Uga Digaa Haliista Ay Leedahay Kooxdaas Waliba Victor Osimhen Ayuu Aad Uga Digay In Difaacyadiisa Feejignaan Badan U Yeeshaan Maadaama Ay U Halgamayaan Top Kufitaanne Xilli Dhibaato U Keeni Karto .

De Rossi Xilli Ciyaareedkaan Shaqo Fiican Ayuu Ka Qabanayaa Kooxda Kadib Markii Uu Shaqada Kala Wareegay Jose Mourinho Oo Bartankii Fasalkaan Kooxda Laga Buriyey Kadib Markuu Keenay Natiijooyin Aanan Lagu Qancin De Rossi Wuxuu Tiigsanayaa Top 4 Oo Looga Hogaaminaayo 4 Dhibcood Balse Jaanis Waxa Ay U Heystaan 5-aad Hadii Ay Kudhameystaan In Ay Champions league Imaan Karaan Maadaama Xilli Ciyaareedka Danbo Italy 5 Kooxood Ka Imaaneyso .

Sidoo Kale Hadii Atlanta Ay Qaado Europe League Waxa Ay Ku Imaan Karaan 6 Kooxood Taasna Jaanis Ayey Utahay Kooxaha Italy Kasocdaan.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles