Maxaa kataqaan qofka uu yahay ma-gafaha ugu khatarsan ee dadka ka dhex tahriibiya Yurub?

Wuxuu iska meereysanayey meel barxad ah oo dadku ay ku nastaan, mana uusan ogayn in la daba socdo. 39 jirkan gaaban ee kuusan wuxuu xirnaa isku joog cagaaran iyo koofiyad, wuxuuna u muuqday qof caadi ah oo isaga maja-baxsanaya xarunta dadka soo galotiga ah lagu soo dhaweeyo ilaa iyo halka laga raaco baska xadiidka ku socda (tram).

Kooxdeenni ayaa halkaa u dhaqaaqday.

“Waan ku garanaynaa, waxaad tahay tahriibiye” ayaan ku iri marki aan u soo dhawaannay oo aan ka soo gudubnay barxadda caasimadda Luxembourg.

Wajihidda tahriibiyahaas waxay ahayd mirihii baaritaan ay BBC samaynaysay oo billowday 4 saac ka hor markii ah 5 qof geeriyoodeen 51 maalmood ka hor, waxaana ku jirtay Sarah oo 7 jir ahaydoo ku qarraqantay badda waqooyiga ka xigta Faransiiska. Rakaab kale ayaa kula dhex tuntay doon cinjir ka samaysan, ayagoo dusheeda ku soo dhacay.

Baaritaankan ayaa meelo kala duwan na geeyey, ka billow meelaha aan rasmiga ahayn ee ah kaamamka muhaajiriinta, ilaa iyo Calais iyo Boulogne, ilaa iyo waaxda booliska Faransiiska ee magaalada Lille, ka dibna waxaan u gudubnay magaalada laga dukaamaysto ee Essex, halkaana waxaan ka sii aadnay magaalo-xeebeedka Belgium ee Antwerp iyo Berlin, ugu dambayntiina waxaan nimid Luxembourg, halkaasoo aan ka billownay in aan isha ku hayno irdaha laga soo dhaweeyo muhaajiriinta dalka soo galaysa muddo 3 maalmood ah.

Hadda waxaan wajahaynaa nin indha yaryar, oo garbaha iyo gacmaha si diidmo ku jirto kor ugu taagaya, laakinse waxaan hubnaa inuu yahay ma-gafaha lacagta lagu siiyey inuu diyaariyo safarki khatarta lahaa ee ay Sarah iyo qoyskeedu u so galeen England.

Wuxu ku jawaabay “Waxaan ku dhaaranayaa in aanan tahriibiye ahayn”. Waa uu ku cel-celiyey kalmadaas isagoo u sii durkayey dhanka maxaddada tram-ka oo ku xigta maxkamadda cadaaladda ee Yurub.

Laakinse waxaan haysannay baasaboorkiisa Ciraaqiga iyo warqadda aqoonsiga ee Talyaaniga. In yar ka dib markii uu billowday iska hor imaadkii na dhex maray, wax kasta way noo kala cadaadeen markii u taleefankiisa ka dhawaaqay jeebkiisa.

Ma gafe
Qoraalka sawirka, Ma gafaha

Markii hore wuu iska dhega tiray, laakinse markii dambe ee uu jeebka ka soo saaray , innaguna aan aragnay lambarka soo dhacaya waxaa noo cadaatay in qofkan uu yahay dambiile. Innaga ayaa wacnay si aan u ogaanno inuu yahay qofka lambarka iska leh.

Todobaadyadii la soo dhaafay qof ka mid ah kooxda baaritaanka ee BBC ayaa iska dhigay tahriibe doonaya in laga gudbiyo badda u dhaxaysa Faransiiska iyo Ingiriiska. Ka dib markii u la xiriiray dhow qof oo u dhaxeeya, una shaqeeya shabakadda balaaran ee ma gafahan, ayaa saaxiibkeen Maxmuud waxaa u suurto gashay inuu toos ula xiriiro.

Waxaa noo suurto gashay in aan si qarsoodi ah u duubno dhowr wadahadal oo telefoonka nagu dhex maray ma gafahan, waana isla taleefanka uu gacanta ku haysto. Wicitaannadaas wuxuu ku xaqiijiyey haybtiisa, wuxuuna noogu sheegay inuu weli ku jiro shaqada tahriibka.

Wuxuu noo sheegay inu diyaarin karo “safar sahlan” isagoo lacag la siinayo, uuna na siinayo “waardiye dheeraad ah oo dhamaantood hubaysan” doonta xigta ee ka baxaysa waqooyiga Faransiiska. Qiimaha qof walba oo dontaas raacaya laga qaadayo wuxuu ahaa 1,500 oo Yuuro.

Wicitaanka aan lambarkiisa wacnay wuxuu nooga dhignaa in aan helnay ninkii aan raadinaynay.

Waxa nagu dhiirigeliyey baaritaankan wuxuu ahaa waaya aragnimada in aan indhaheenna ku aragno shil aad u daran oo dad la tahriibinayo ay ku galeen xeebta Faransiiska 23 Abriil.

Waxaan habeenkii oo dhan ku sugaynay xeebta magaalada dalxiiska ee Wimereux oo ah meel aan ogeyn inay tahay halka loogu jecel yahay in doomaha tahriibku ka baxaan. Waxaan filim ka duubnay koox boolis Faransiis ah oo isku dayaya inay qabtaan doon, taasoo iska hor imaad uu ku dhex marayey tahriibiyeyaal iyo rakaabkii.

Ugu dambayntii boolisku wuu ku guul darraystay inuu ka hor istaago in ay doonta fuulaan, rabshad ayaana halkaa ka bilaabatay markii laba kooxood oo rakaabka ka mid ah ay ku dagaallameen boos yar o ku yaalla doon cinjir ka samaysan oo aad u buuxdhaaftay. Ma gafayaashu waxay inta badan doomaha noocaas ah saaraan in ka badan 60 qof, laakinse tani waxay sidday in ka badan 100.

Gabar yar oo xiran jaakad basali ah muddo gaaban aabaheed dhabarka u saarnayd ayaa ugu dambayntii lagu sheegay inay ahayd Sarah. Daqiiqado yar ka dibmarkii ay doontu dhaqaaqday, Sarah iyo afar qof oo kale ayaa geeriyooday markii ay is buurteen dadkii saarnaa doonta.

Kooxaha samata bixinta ee Faransiiska ayaa soo badbaadiyey dadka qaar, meydadkana xeebta ayaa la keenay, laakin doonta ma aysan soo noqon, waxayna hore ugu sii socotay safarkeeda England.

Tani waa markii labaad ee shil lagu geeriyooday oo doon yar ay ku lug leedahay uu ka dhaco Wimereux sannadkan. Waxaan ka sheekeysanay labada shil.

Sara iyo qoyskeeda waxaa laga soo musaafuriyey dalka Sweden

Maalmo ka dib waxaan helnay qoyska Sarah, waxaana la hadalnay aabaheed Axmed. Waxa uu muujiyay sida uu uga xun yahay in isaga iyo xaaskiisa ay khatar galiyeen saddex caruur ah oo ay dhaleen, waxaana uu daboolka ka qaaday in cabsida laga qabo in laga masaafuriyo Yurub ay kentay go’aanka uu qaatay ee ah inuu isku dayo inuu dhinaca Britain u gudbo.

Markii uu ka soo qaxay Ciraaq 14 sano ka hor, Belgium ayaa dhowr jeer diidday dhammaan codsiyadii magangelyo ee Axmed, iyagoo sabab uga dhigay inuu ka soo jeedo Gobolka Basra, oo hadda loo aqoonsaday meel ammaan ah. Axmed ayaa dhawaan helay digniino sheegaya in maalmo gudahood looga musaafurinayo dalka Belgium. Inkastoo caruurtiisa ay ku dhasheen Yurub oo ay ku soo koreen qaraabo ku nool Sweden, haddana dhammaantood waxay heleen amar kama dambeys ah oo ah inay dalka ka baxaan.

Laakiin waxaan sidoo kale rabnay inaan si qoto dheer u baarno kiiska, si aan u helno kooxaha dambiilayaasha ah ee mas’uulka ka ah doontaas, iyo si aan u fahanno sida ay ugu milmeen shabakad weyn, oo faa’iido badan, taas oo sii waday in ay sii xoojiso tobanaan kun oo muhaajiriin ah oo ku wajahan meel yar oo xeebta Faransiiska ah.

Bishii June 18-keedii, 15 doonyood oo yar-yar ayaa ku dhawaad 882 qof ka qaaday Channel-ka Ingiriiska, waana tiradii ugu badnayd ee la tahriibiyey hal maalin sanadkan, waxaana tani ay tirada guud ee tahriibayaasha sanadkan galay Britain ka dhigtay in ka badan 12,000 oo muhaajiriin ah.

Dhimashadii Sarah ka dib, booliiska Ingiriiska ayaa isla markiiba ku dhawaaqay in la xiray laba qof oo looga shakisan yahay mukhalasiin kuwaas oo hadda sugaya in loo gacan geliyo Faransiiska. Laakin kuwani waa niman dhallinyaro ah oo la sheegay in ay isku doon ka shaqaynayeen, ee maaha madaxdii waaweynayd ee daaha gadaashiisa ahayd joogtay.

Markaa waxaanu u dhaqaaqnay inaanu raadino oo aanu la hadalno intii ka badbaaday habeenkaas April intii aanu kari karnay, anagoo la kulmayna qaar iyaga ka mid ah oo ku jira xeryo muhaajiriin ah oo aan rasmi ahayn ama hoyga dhallinyarada ee magangelyo-doonka ee u dhow xeebta Faransiiska. Dadkii aan la kulanay ayaa ka codsaday in aan qarinno haybtooda, gaar ahaan maadaama qaarkood ay qorsheynayeen isku dayo kale oo ay ku doonayaan inay kaga gudbaan kanaalka.

Magaalada Essex ee dalka Britain waxaan kula kulannay nin dhalinyaro ah oo Kuwaiti ah. Waxa uu ag joogay Sarah markii ay ku dhimatay doonta, waana qofkii u yeeray booliiska Faransiiska si uu u caawiyo. Waxa u suurto gashay inuu gaaro Ingiriiska dhawr todobaad ka dib safarkii ugu horeeyay.

Gabadhan yar waxay ku geeriyootay isbuurasho ka dhacday doon ay muhaajiriin saarnaayeen
Qoraalka sawirka, Gabadhan yar waxay ku geeriyootay isbuurasho ka dhacday doon ay muhaajiriin saarnaayeen

Qaar badan oo ka mid ah dadkii doonta la raacay Sarah iyo qoyskeeda ayaan garaneyn cidda ka dambeysay tahriibka. Waxa ay la hadleen oo kaliya niman yar yar oo inta badan laga heli karo meel ka baxsan saldhigyada tareenada ee Calais ama Boulogne, iyaga oo raadinaya macaamiil doonaya inay tahriibaan.

Marka qiimaha lagu heshiiyo, inta badan daba-gal badan ka dib, muhaajiriinta badankood waxay si elektaroonig ah lacagta ugu shubaan dilaal. Waxay noo sheegeen in dallaalleydan ay inta badan yihiin ganacsato la aamini karo, oo mararka qaarkood ka shaqeeya dukaamada timo-jaraha ama dukaamada raashinka ee meelaha ay ka midka yihiin Turkiga, Paris ama London. Dalaaliinta ayaa lacagtan ku wareejiya kooxda tahriibka isla markiiba ka dib markii ay ku guulaystaan in ay ka gudbaan badda.

Laakiin saddex qof oo laba ka mid ah ay saarnaayeen isla doontii ay Sarah ku dhimatay ayaa noo sheegay in ay is heleen koox burcad wax tahriibisa dekedda Beljim ee Antwerp, oo ah magaalo caan ku ah shabakadaha dambiyada iyo daroogada sida sharci darrada ah looga ganacsado.

Waxaa jiray heshiis u dhaxeeyey hoggaamiyihii kooxdaas oo ahaa qofka la yiraahdo “Jabal” oo ah kalmad Carabi ah. Laba ka mid ah ayaa si toos ah ula kulmay Jabal, balse kii saddexaad ayaa telefoon kula hadlay.

Baaraitaankayagu waxa uu ka sii socday dhinaca bari ilaa Berlin, waxaana ilo kale ay noo xaqiijiyeen in uu yahay Jabal, waxaana ay noo sheegeen in uu u ballan qaaday in uu mar labaad isku dayay in uu ka gudbo, kadib markii uu kii hore ku fashilmay. Dhammaan ilaheenna markan waxay noo sheegayeen in Jabal uu joogo Beljamka, ayna u badabn tahay in laga helo Antwerp.

Waxaan nimid Antwerp bishii Maajo waxaana bilownay in aan ka shqayno qorshe aan ku ogaaneyno halka uu joogo ka dibna aan ku wajahayno inaan foodda gelinno buur. Mid ka mid ah macaamiishiisa hore ayaa na siiyay sawirkiisa, mid kalena wuxuu na siiyay nuqul ka mid ah baasaboorkiisa Ciraaq iyo kaarka aqoonsiga Yurub oo u muuqday in 2021 laga bixiyay magaalada buuraleyda fog ee Talyaaniga, halkaas oo ay ka socdaan baaritaanno lagu hayo dambiyada.

Waxaan ogaanay in magaca saxda ah ee qofkan lagu naaneeso Jabal uu yahay “Rebwar Abbas Zangana” oo ah Kurdi ka soo jeeda waqooyiga Ciraaq, kaas oo aan guursan oo u muuqda inuu yahay Muslim khaalis ah.

BBC muddo ayey dabagal ku wadday ninkan
Qoraalka sawirka, BBC muddo ayey dabagal ku wadday ninkan

Jabal qudhiisa waa soo galooti, balse ma cadda sharcigiisa socdaalka, waxaana la og yahay inuu dhawaan ku noolaa Calais, Brussels iyo Antwerp. Waxaa naloo sheegay inuu la shaqeeyay laba nin, waxaana laga yaabaa inuu jiro qof isaga ka muhiimsan Ciraaq.

Saaxiibkeen Maxamuud oo ku hadla luqadda Carabiga iskana dhigaya nin tahriib ah oo doonaya in uu Britain galo, ayaa magaalada Antwerp kula kulmay nin dillaal ah oo jooga meel timo-jare ah, kaas oo u xaqiijiyey in uu Jabal garanayo oo uu nala soo xiriiri doono.

Waxaan sugeynay qiyaastii laba toddobaad, laakiin ugu dambeyntii taleefoonkayagu wuxuu soo dhacay habeen goor dambe.

Codkii taleefoonka ayaa yiri, “Hello. Markaa, ma rabtaa inaad aado Britain, imisa kursi ayaad u baahan tahay, diyaar ma u tahay?”

Jabal wuxuu nagula hadlay weero gaagaaban oo kooban. Wicitaankaas, iyo laba taleefan oo xigay, wuxuu noo xaqiijiyey inuu weli aad u xiiseynayo mawduuca, isagoo noo xaqiijiyey in safarka kanaalka uu ahaa “ammaan”, iyo inuu hagaajiyay waxqabadkiisa tan iyo dhimashadii Sarah.

“Immisa idinka mid ah ayaa diyaar ah?” Gebel ayaanu waydiinay, isaga oo intaa ku daray in aanay suurtogal ahayn in laga gudbo kanaalka maalinta xigta, sababtoo ah cimilada Calais oo aan fiicnayn.

Laakiin saacado kadib wicitaankaas ugu horreeyay, waxaan ka ogaannay ilo in Jabal uu dhawaan si degdeg ah uga tagay Antwerp. Sababtu waxay ahayd in loo xidhay ku lug lahaanshaha shantii dhimasho ee dhacay bishii Abriil. Buurtii baxsad ayey markan noqotay.

Isha xogteenna ayaa nala wadaagay sawir uu ka qaaday taleefanka Jabal, oo laga soo qaaday gudaha teendho cad oo weyn oo sariiro madow yaallaan, nooca aad ka heli karto xero qaxooti. Markii aan khadka internetka ka raadinay sawirro la mid ah, waxaan si degdeg ah u helnay mid la mid ah oo aad ugu dhow, oo ah sawir lagu daabacay maqaal 2022 ee xarun cusub oo rasmi ah oo loogu talagalay qaxootiga iyo soogalootiga Luxembourg.

Isla markiiba halkaa ayaan u jihaysannay.

Luxembourg waa waddan yar. Xarunta ugu weyn ee qaabilaadda qaxootiga iyo soo galootiga waxay ku taal xarunta maamulka ee casriga ah ee caasimadda. Laakiin su’aashu waxay tahay sababta ay buurtu halkan u timid? Waxa laga yaabaa inuu si fudud u rajaynayay inuu muddo is qariyo, ama uu magac cusub ku codsado magangelyo.

Laakiin sidee ku hubaa inuu halkan joogay? Si fudud uguma wareegi karno dhismaha, waxay ahayd mid ka xidhan dadweynaha, waxaana jirtay hal meel oo laga soo galo ama laga baxo oo ay ilaalinayeen ugu yaraan afar ilaalo gaar ah.

Fiidnimadii ugu horreysay Luxembourg, saaxiibkay waxa u suurtagashay in uu telefoonka kula hadlo Jabal, waxa kale oo uu sheegay in uu yahay muhaajir la odhan jiray Maxamuud. Dhaqdhaqaaq la isku dubariday, saaxiib kale oo BBC-da ah oo gaari wada ayaa la soo wareegay wareegay hareeraha dhismaha, isagoo hoonka gaariga garaacaya. Markii aan dhageysanay sheekadii, waxaan si cad u maqalnay dhawaaqa hoonka gaariga saaxiibkeen kale ee gadaal ka soo yeeraya mukhalasiinta si loo xaqiijiyo inuu ku sugan yahay xaruntan. Buurtii ayaa xaruntan joogta.

Ka dib kulankeena Jebel, waxaan ku wargelinay booliiska Faransiiska, oo hogaaminaya baaritaanka dhimashada ee dhacay Abriil, natiijada aan helnay. Waxay sheegeen in aysan diyaar u ahayn inay ka hadlaan

Britain ayaa u qoondeysay nus bilyan gini muddo saddex sano ah si ay u taageerto dadaallada booliiska Faransiiska ay ku sugayaan ammaanka xeebaha iyo dabagalka iyo carqaladeynta shabakadaha dadka tahriibiya ee Yurub oo dhan.

Balse booliiska xuduudka Faransiiska ayaa noo sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin rabshadaha sii kordhaya ee ay wadaan mukhalasiinta, inkastoo ay sheegeen in xoogaa lagu guuleystey qabashada hoggaamiyeyaasha kooxaha burcadda ah, saraakiisha sare ee Faransiiska ayaa si gaar ah u tilmaamay in xalka mustaqbalka fog ee dhibaatada uu ku xirnaan doono in Britain ay beddesho socdaalka iyo siyaasadaha shaqada iyo shaqaalaha.

bbc

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles