Maxaa kataqaan Webiga looga tallaabo xuduuda Jarmalka

Halkani waa magaalada Görlitz ee dalka Jarmalka iyo magaalada Zgorzelec ee dalka Poland, waxay ku kala yaalaan hal webi labadiisa dhinac, waxaana u dhexeeyo buundadaasi yar ee sawirka ka muuqata. Waa xad isku furan oo muwaadiniinta labada dhinac ay dhib la’aan isugu kala gudbaan.

Waana laba magaalo oo mataano ah taariikhna wadaaga.

Isbuucyadii iyo bilihii lasoo dhaafay ku dhawaad maalin walba waxaa lagu qabtaa dad muhaajiriin ah oo Poland kasoo tagaya, Jarmalkana soo galaya. Dadkaasi la qabtana waxaa ku jira Soomaali.

Boliiska si joogto ah ayuu war saxaafeed uga soo saaraa dadka ay qabtaan. Marwalbana waxaad arkaysaa ayagoo qoraya Landkreis Görlitz oo lagu qabtay muhaajiriin.

Görlitz waxay ku taallaa gobolka Sachsen ee dalkan Jarmalka, markii ugu danbaysayne Landkreis Görlitz tiro ahaan waxaa dagnaa 35 Soomaali ah. (Tirakoobkii 2022).

  1. W/Q- Ahmed Kadiye

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles