Maxamed Haaruun: “Waxa aan awoodi waayay in meydka walaalkay aan aaso”

Dagaal qaraar oo ka socda magaalada El Fasher ee go’doonsan ee dalka Suudaan ayaa noqday mid aad u xooggan, taasoo keentay in Maxamed Haruun Cabdallah uu awoodi waayay inuu aaso walaalkii.

Waxaa todobaad ka hore lagu dhaawacay weerar lagu qaaday magaalada ku taalla galbeedka gobolka Darfur, waxaana uu dhintay Isniintii la soo dhaafay.

“Waxay dantu igu qasabtay in aan ka tago maydka walaalkay markii aan aaday dhanka xabaalaha,” Maxamed oo 30 jir ah ayaa sidaas u sheegay BBC.

Sawirro cusub oo lagu soo qaaday dayax-gacmeed ayaa muujinaya ciidamada RSF, oo dagaal ugu jira sidii ay magaalada ugala wareegi lahaayeen ciidamada dowladda, ayaa si ula kac ah u beegsanaya xerada Abu Shuk, halkaasoo Cabdallah iyo dad lagu qiyaasay 100,000 oo kale ay ku nool yihiin iyagoo ka soo cararay colaad qowmiyadeed hore.

Kooxaha milatariga ee iska soo horjeeda ayaa midba midka kale ku dagaalamayey guud ahaan dalka Sudan tan iyo bishii Abriil 2023 – waxaana magaalada Darfur rabshaduhu soo xusuusiyeen xasuuqii qowmiyadeed ee ay maleeshiyaadka Carabtu ku hayeen bulshooyinka aan Carabta ahayn labaatan sano ka hor.

"Waxaa jira cadeymo cad oo si ula kac ah loo gubay dhismayaal rayid ah qaarkoodna duqeyn lala beegsaday," Nathaniel Raymond, oo ah agaasimaha Machadka, ayaa u sheegay BBC.

XIGASHADA SAWIRKA,ABDULHAFEEZ AL GHALI

Qoraalka sawirka,“Waxaa jira cadeymo cad oo si ula kac ah loo gubay dhismayaal rayid ah qaarkoodna duqeyn lala beegsaday,” Nathaniel Raymond, oo ah agaasimaha Machadka, ayaa u sheegay BBC.

Sawirada dayax-gacmeedka ee uu falanqeeyay machadka cilmi-baarista bini’aadantinimada ee Jaamacadda Yale (HRL) ayaa muujinaya sida ay RSF u beegsanayso guryaha rayidka ah ee El Fasher iyo agagaarkooda, oo ah meeshii ugu dambaysay ee ciidanku ku lahaayeen Darfur.

“Waxaa jira cadeymo cad oo si ula kac ah loo gubay dhismayaal rayid ah qaarkoodna duqeyn lala beegsaday,” Nathaniel Raymond, oo ah agaasimaha Machadka, ayaa u sheegay BBC.

“Waqtigan xaadirka ah ku dhawaad 100 garoon oo kubbadda cagta ah oo dad rayid ah hooy u hayd ayaa la burburiyay labadii toddobaad ee la soo dhaafay.”

Waxa uu ka digay in go’doomin ay ku jireen tan iyo bartamihii bishii April, ay ciidamadu hadda la halgamayeen sidii ay saadka u heli lahaayeen, dagaalka ugu dambeeyana ay u badan tahay in uu noqdo “xasuuq dhiig badan u uku daato”.

Lataliyaha gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan ka hortagga xasuuqa ayaa sheegay in khatarta xasuuqa ay sii kordheyso maalin kasta.

“Daarfur iyo El Fasher, dadka rayidka ah ayaa lagu weeraray oo lagu dilay sabab la xiriirta midabka maqaarkooda, iyo qowmiyadooda,” Alice Wairimu Nderitu ayaa sidaas u sheegtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Talaadadii.

Ciidanka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay duqeymo aan loo meel dayin iyo duqeymo dhanka cirka ah oo ay ka geysanayaan goobaha ay dadku ku badan yihiin.

Ibrahim al-Tayeb al-Faki oo ka mid ah dadka deegaanka El Fasher ayaa sheegay in walaashii lagu dilay weerar cirka ah oo sidoo kale lagu burburiyay gurigiisa.

47-jirkan ayaa BBC-da u sheegay in uu u diray saddex carruur ah oo uu dhalay si ay ula noolaadaan awoowgood balse gurigiisa ayaa sidoo kale la weeraray. Qoysku hadda waxay gabaad ku yihiin burburka.

“Ma jirto meel ammaan ah oo ku taal El Fasher hadda,” ayuu yiri.

Hay'adda samafalka caafimaadka ee Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa sheegtay in shaqaalaha isbitaal ay ka howlgasho oo ku yaalla magaalada ay la halgamayeen sidii ay ula qabsan lahaayeen.

XIGASHADA SAWIRKA,PLANET LABS – 18 MAY 2024

Qoraalka sawirka,Hay’adda samafalka caafimaadka ee MĂ©decins Sans Frontières (MSF) ayaa sheegtay in shaqaalaha isbitaal ay ka howlgasho oo ku yaalla magaalada ay la halgamayeen sidii ay ula qabsan lahaayeen.

Hay’adda samafalka caafimaadka ee MĂ©decins Sans Frontières (MSF) ayaa sheegtay in shaqaalaha isbitaal ay ka howlgasho oo ku yaalla magaalada ay la halgamayeen sidii ay ula qabsan lahaayeen.

Tan iyo markii uu dagaalku ka billowday magaalada 10-kii May, 809 dhaawac ah ayaa soo gaaray Isbitaalka Koonfurta 93 kalena waa ay ku dhinteen, sida ay sheegtay MSF.

Isbitaalku waxa uu lahaa hal dhakhtar oo keliya, in ka badan 70 qofna waxa ay sugayeen qalliin, Claire Nicolet oo ka tirsan MSF ayaa BBC-da u sheegtay, iyada oo ka digtay in sahayda caafimaad ay dhowaan dhammaan doonto.

Xaalada ayaanan waxba ka duwanayn Cisbitaalka Sacuudiga oo ay gacanta ku hayso Wasaaradda Caafimaadka, kaasi oo qeyb ka mid ah uu soo gaaray burbur.

Agaasimaha caafimaadka Modther Ibrahim Suliman ayaa BBC-da u sheegtay in biyaha iyo nidaamyada cadceedda la burburiyay ayna ku shaqeynayaan xaalad “aad u adag”.

Dadka deegaanka Ceel Fasher ayaa sheegay in helitaan cunto iyo biyo ay noqotay mid aad u adag. RSF waxa ay magaalada ka soo weerartay saddex dhinac waxayna xirtay dhammaan waddooyinka saadka.

“Badbaadiddu aad ayay u adag tahay,” ayuu BBC-da u sheegay qareen Maxamuud Axmed Adam oo 32 jir ah, kaas oo dhowr jeer isku dayay inuu meesha tago si uu dagaalka uga baxsado.

“Dad badan ayaa ku nool dugsiyada iyo xarumaha qaxootiga kuwaas oo aan haysan adeegyada aasaasiga ah ama gargaarka,” ayuu yiri.

Mr Abdallah, oo walaalkii ka dhintay, ayaa sheegay in Dugsiga Al Saalam ee kaamka Abu Shouk ay hadda labanlaabmeen dadka gabbaadka ka dhiganaya.

Todobaadkan ayaa sidoo kale la duqeeyay, taasoo keentay in gabadh yar ay lugteeda ku waydo.

“Waxay hadda ka helaysaa gargaarka degdegga ah xarunta caafimaadka ee kaamka maadaama aysan jirin dariiqo lagu geeyo Isbitaalka u yaalla dhanka Koonfurta,” ayuu yiri.

BBC

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles