Maxay tahay farriinta cusub ee Xamaas ka timid ee ay ka naxeen ehelada dadka u afduuban?

Abu Cubeyda, oo ah afhayeenka guutada Al-Qassam, garabka militariga ee Xamaas, ayaa ku dhawaaqay in xiriirku dhanka isgaarsiinta uu lumay koox dagaalyahano ah oo ilaalinayay u ahaa afar la haystayaal Israa’iili ah.

Abuu Cubeyda ayaa farriin uu soo mariyay barta Telegram-ka wuxuu ku yiri , “Natiijadii duqeyntii wuxuushnimada Sahyuuniyadda tobankii maalmood ee la soo dhaafay, xiriirkii aan la lahayn koox ka mid ah mujaahidiintayada ayaa go’ay, annaga oo ilaalinayna afar maxbuus oo israa’iliyiin ah, oo uu ku jiro maxbuus lagu magacabo Hersh Goldberg Pauline.”

Dabayaaqadii bishii hore, guutooyinka Al-Qassam ayaa baahiyay muuqaalka Bolin – oo sidoo kale heysta dhalashada Mareykanka – kaasoo uu ku dhaleeceeyay “Dowladda Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inay dayacday maxaabiista, wuxuuna ka dalbaday inay ka shaqeyso sidii loo sii deyn lahaa.

Horey qaar ka mid ah maxaabiista ay haystaan Xamas ayaa waxay sheegeen in ay ku dhinten duqeymaha ay Israa’iil ka waddo marinka Qaza.

Ku dhawaad 120 qof ayay Xamas ku afduubteen weerarkii ay Israa’iil 7-dii Oktoobar ku qaadeen, inkastoo qaar ka mdi ah maxaabiista lagu siidaayay heshis.

“Weerarka iyo carqaladaynta gargaarka”

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Urdun ayaa cambaareysay “Weerar lagu qaaday baabuur ay leedahay Qaramada Midoobay oo ka dhacay magaalada Rafah ee koonfurta Marinka Gaza Isniintii, kaas oo sababay dhimashada shaqaale iyo dhaawac shaqaale u dhashay Urdun, taas oo keentay in Israa’iil ay balaadhiso howlgalkeeda milatari ee Rafah.”

Afhayeenka rasmiga ah ee wasaaradda, Sufyan Al-Qudah, ayaa ku nuux-nuux saday in ay lagama maarmaan tahay in la xaqiijiyo ilaalinta Qaramada Midoobay iyo shaqaalaha gargaarka, kuwaas oo door weyn oo bini’aadantinimo u haya Falastiiniyiinta, iyadoo la eegayo masiibada bini’aadantinimo ee aan horay loo arag ee Qaza ka jirta.

Daanta Galbeed, dibad-baxayaal Israa’iiliyiin ah ayaa waxay qabteen baabuur gargaar ah oo ku sii jeeday Gaza Isniintii, iyagoo ku tuuray baakado cunto ah.

Ciidamada Israa’iil ayaa afar qof oo Israa’iili ah oo mudaaharaadka qeyb ka ahaa ku xiray goob ay cidamad dadka ku baaraan oo ku taalla Tarqumiya ee galbeedka magaalada Hebron ee daanta galbeed ee la haysto, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen qareennada u doodaya mudaharaadayaasha.

Burburka soo gaaray Jabaaliyah

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Duulaanka Israel ee Jabalia

Subaxnimadii hore ee isniinta ayaa la arkayay duullaan ay soo qaadeen taangiyada Israa’iil, deegaanka Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo warbaahinta Falastiin.

Iyadoo duqeymo dhanka cirka ah lagu garaacay magaalada Rafah ee koonfurta, taangiyada ku sugan Jabalia ayaa isku dayay inay u dhaqaaqaan dhanka xerada magaalada oo ah tan ugu weyn sideedda xero qaxooti ee taariikhiga ah ee Gaza.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in madaafiicda Taangiyada lala beegsaday bartamaha xerada, iyadoo duqeymo dhanka cirka ah ay burburiyeen guryo dhowr ah.

Magaalada Rafah ee u dhow xuduudka Masar, Israa’iil waxay xoojisay duqeymaha cirka iyo dhulka ah ee ay ka geysanayso deegaannada bari ee magaaladaas, waxayna dadka ku dileen weerar xagga cirka ah oo ay ku qaadeen guri ku yaalla xaafadda Brazil.

Dhanka Israa’iil, ciidamada ayaa dhowr jeer ka dhawaajiyay gambaleelka digninta deegaannada ku dhow Qaza, iyaga oo ka digay suurtagalnimada gantaallo ama madaafiic Falastiiniyiin ay soo rideen oo laga soo riday dhanka xadka.

Dhanka kale kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan oo ay taageerto Iran ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerar ay Israa’iil sheegtay in ay ku dhaawacday afar askari oo ka dhacay waqooyiga dalkaas, waana weerarkii ugu dambeeyay ee xuduudka laga galo in ka badan toddobo bilood oo ay labada dhinac isku dhaceen.

BBC

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles