Maxeey United Kaga Dhigantahay Guuldarrada Caawa Kasoo Gaartay Arsenal Iyo Qodobo Kale Oo Xiiso Leh

Waa Markii Ugu Horreysay Ay Kooxda Facaweyn Ee Manchester United Soo Gaarto 14 Guuldarro Hal Xilli Ciyaareed Gudihiisa Sida Magaca EPL Loogu Horyaalkaan Kadib Guuldarro Qaraar Oo Caawa Kasoo Gaartay Dhigooda Arsenal Oo Halgan Ugu Jirto Sida Ay Ugu Guuleysan Laheyd Horyaalka EPL Muddo 20 Sano Ah Kadib .

United Waxa Ay Kujirtaa Mid Kamid Ah Waqtiyadeeda Ugu Xumaay Waayaha Ay Kubadda Cagta Kujirto Taasoo Loo Aaneyn Karo Maamul Xumo Baahsan Oo Kooxdaan Ladagtay Tan Iyo Markii Uu Shaqada Katagay Macalinkooda Halyeeyga Ahaay Ee Sir Alex Fergusen, Kadib Fergusen United Dab Ma Aysan Shidanin Oo Maqaamki Lagu Yaqaanay Waa Aay Kasoo Dagtay Ayadoo U Muuqato Koox Meeldhaxaad Ah Oo Marna Usoo Baxdo Koobabka Yurub Marna Kaharta .

Eric Choupo-Moting Iyo Bouna Sarr Oo Macsalaameynayaan Bayern.

Laacibka Weerarka Kaga Ciyaara Kooxda Bayern Munich Iyo Xulka Cameron Eric Choupo-Moting Ayaa Dhamaadka Xilli Ciyaareedkaan Si Bilaasha Ah Kaga Tagaya Kooxda Bayern Sida Lagu Sheegay Bayaan Kasoo Baxay Kooxda Oo Labada Dhinac Isku Afgarteen .

Sidoo Kale Bouna Sarr Laacibka Reer Senegal Ayaa Bayern Katagay Dhammaadka Xilli Ciyaareedkaan Waxa Ayna Labada Laacib Raadsanayaan Kooxo Cusub Oo Ay Kubiiraan .

Newcastle Oo Laba Xiddig  Beeca Xorta Ah Kuqaadaneyso .

Kooxda Kubadda Cagta Newcastle Ayaa Dooneysa In Ay Lasoo Saxiixato Labada Laacin Ee Kala Ah Lloyd Kelly Iyo Tosin Adarabioyo Kuwaasoo Ukala Ciyaaraan Kooxaha Bournemouth Iyo Fulham.

Newcastle Waxa Ay Qorsheyneysaa In Ay Labadaan Laacib Ku Qaadato Beeca Xorta Ah Waliba Qorshahooda Waa Dag Dag Siwanaagsanna Wax Waa Ugu Socdaan Ayadoo Horeba Adarabioyo Uu Kooxdiisa Ugu Sheegay Inuu Baxaayo Dhamaadka Fasalkaan.

Tanganga Oo Kuwajahan Millwall.

Kooxda Yar Ee Millwall Ayaa Heshiis Joogta Ah Lagaartay Japhet Tanganga Oo Katirsan Kooxda Tottenham Hotspur Kaasoo Sida Lasheegay Kooxdiisa Spurs Qorsheyneysay In Ay Iska Iibiyaan.

Hadda Wax Walba Waxa Ay Ku Xeranyihiin Tanganga Sida Uu U Aqbalo Dhameystirka  Heshiiskaan Halka Spurs Qorshaha Uusan Ugu  Jirin Xiddigaan .

Xavi Hernandez Oo Waxyaabo Badan Kahadlay.

Macalinka Kooxda Barcelona Xavi Hernandez Ayaa Wax Laga Weydiiyey Mustaqbalka Xiddiga Ay Milkiyadiisa Leedahay Kooxda Barcelona Ee Ansu Fati’s Wuxuuna Ku Jawaabay Sida Tan :

“Ha Iweydiinin Wax Badanoo Kusaabsan Qorshaha Ciyaartoyda Aanan Halkaan Joogin , Taasi Waxa Ay Laxiriirtaa  Dhamaadka Xilli Ciyaareedka Iyo Xaalada Aan Kusugannahay”.

Sidoo Kale Waxaa Laweysiiyey Hadii Wali Uu Jecelyahay Mark Zubimendi Iyo Hadii Kale Wuxuuna Yiri Sidaan ” Haa Waa Jeclahay Zubimendi Sidaanba Hore Usheegay Sanadkii Hore Balse Asiga Kaligiisa Ma Ahin Sidoo Kale Takefuso Kubo Waa Ciyaaryahaan Cajiib Ah Waxa Ayna Heystaan Macalin Heersare Ah Sida Imanol” Sida Hadalkiisa Laga Fahmaayo Waa Xod Xodasho Toos Maxaa Yeelay Dooqiisa Ayuu Ammaanay Wuxuuna Credit Siiyey Macalinkooda Ugu Danbeyntii Waa Siyaasad Beer Laxaawsi Ah Oo Muujineysa Sida Uu U Doonayo In Xiddigahaan Uu Helo Waa Hadii Sida Uu Wax U Doonayo Udhacaan .

Mustaqbalka Modrić Ee Madrid .

Mashiinka Qadka Dhexe Ee Kooxda Real Madrid Iyo Xulka Croatia Luka Modrić Oo Wax Laga Weydiiyey Hadii Uusii Joogaayo Gigada Santiago Bernabeu Ayaa Wuxuu Yiri “Waa Arkeynaa Waxa Dhaca Waxaan Doonayaa Inaan Si Wanaagsan Ku Dhameysto Xagaaygaan Kadib Waa Arki Doonnaa” .

Majiro Wax Heshiis Ah Oo Ay Modrić Iyo Madrid Wada Gaareen Wali Sidoo Kale Kroos Waa Lamid, Sida Wararka Xanta Ah Ay Tibaaxayaan Waqti Dhaw Mustaqbalkooda Waa La Go’aamin Doonaa Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan Kadib Lakulankooda Madaxweynaha Real Florentino Pérez Kahor Kulankii Bayern Munich Ee Semifinal-ka Champions League.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles