Maxey kawada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga?

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa kulan la qaatay Dhaxal-sugaha dalkaas, Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdi-casiis.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka, xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sucuudiga, Arrimaha Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Ganacsiga, Difaaca iyo Amniga, madaxbannaanida Soomaaliya.

Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxay soo bandhigtay sida ay u garab taagan tahay midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo tilmaamay gafka iyo dhibaatada heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la saxiixatay Maamulka Soomaaliland, kaas oo caqabad ku ah daris-wanaagga iyo xasilloonida Gobolka.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles