maxey yihiin go’aanada cusub ey soo saareen Golaha Wasiirada Maamulka Puntland …..

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa toddobaadkan shir la yeeshay mas’uuliyiin, Waxay ka hadleen ilaalinta dadka, hubinta in qof kastaa uu si cadaalad ah u codayn karo, ka hortagga cudurrada faafa, daryeelka dabeecadda, iyo horumarinta dalxiiska iyo ilaalinta meelaha muhiimka ah ee hore.

Madaxda Puntland ayaa sameeyay xeerar iyo qorshayaal ay ku hagaajinayaan dowladooda. Waxay eegeen warbixin ka timid Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dimuqraadiyadda si ay uga caawiso samaynta xeerarkan.

Qodobada ayaa kala ah :

1- Dhamaystirka 3-da Degmo ee dhiman oo kala ah Garowe, Dangaroyo iyo Godobjiraan.

2- Fariisinta Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Dhiman ee Jariiban, Bursaalax, Murcanyo iyo Xumbays.

3- Tababarka 33-da Degmo iyo qoondaynta kharashkii ku bixi lahaa.

4- Dib-u-eegista shuruucda Doorashooyinka sida L.7 iyo Xeerarka Doorashooyinka.

5- Dhamaystirka Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC.

6- Dib-u-eegista iyo Is-waafijinta qodobada Dastuurka ee Is-khilaafsan.

Sidoo kale waxaa Golaha looga hadlay :

1-Amniga Guud: Wasaaradda Amniga ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta Amniga Guud ee Puntland iyo shaqada socota ee lagu dardargelinayo sugida Amniga.

2-Xaaladda Cudurada Faafa: Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha la wadaagay xaaladda cudurada faafa sida Shuban-biyoodka iyo dadaalada Dowladdu Kula tacaalayso.

3-Xaaladda Deegaanka Puntland: Wasaaradda Deegaanka, ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta xaaladda deegaanka iyo howlgalada looga hortagayo xaalufka iyo waxkasta oo khatar ku ah deegaanka.

4- Dalxiiska iyo Goobaha Taariikhiga ah: Wasaaradda Warfaafinta ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan dalxiiska Puntland, Illaalinta Goobaha taariikhiga ah iyo qorsheyaasha dhow ee ay ku horumarinayaan arrimaha Dalxiiska Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa faray dhammaan Hay’adaha ka tirsan dowladda inay iska kaashadaan caawinta bulshada, iyadoo la raacayo xeerar iyo qorsheyaal.

Leave a Comment

Array

Related Articles

English News

Facebook Feed

Articles