Maxkamad Kutaalo dalka Hindiya oo Xukun adag kuriday Soomaali

35 qof oo Soomaali ah ayaa la geeyay maxkamad ku taal Mumbai, oo ah caasimadda gobolka lagu magacaabo Maharashtra. Dadka loo maleeyay in ay khalad sameeyeen ayaa la geeyay maxkamad ku taal magaalada Mumbai, taasoo lagu magacaabi jiray Bombay.

Xaakimka Mumbai ayaa sheegay in boolisku ay xabsiga ku hayn karaan qofka ay u arkaan in uu khalad sameeyay muddo 10 maalmood ah inta ay soo uruurinayaan dhammaan cadeymaha ay u baahanyahay kiiska.

Ciidamada Badda Hindiya ayaa gacanta ku dhigay Eedeysanayaashan Soomaalida ah kadib dagaal socday 40-saacadood oo dhacay 15-kii bishii March.

6-dii sano ee la soo dhaafay, burcad-badeedda lagu qabtay Hindiya waxay ahayd tii ugu badnayd ee la tijaabiyo marka loo eego wax kasta oo kale.

Sannadkii 2011-kii, 120 qof oo Soomaali ah oo lagu qabtay badda Soomaaliya ayaa loo qaaday dalka Hindiya si loogu maxkamadeeyo.

Qof ku sugan magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ayaa noo sheegay inay xabsiga ku jiraan 7 sano.

Labo nin oo burcad badeed ah ayaa xabsiga la dhigay iyagoo si murugo leh halkaas ugu dhintay, balse inta kale ee burcadbadeedda ah oo 118 ka mid ah ay dhameysteen ciqaabtooda ayaa dib loogu celiyay dalalkoodii.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles