Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa Xukun ku riday Sufyaan TAAKEYE.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka ayaa maanta xukun ka soo saartay Sufyaan Sheekh Axmed Sheekh Maxamed (Taakeeye), iyada oo ku xukuntay 2 Sano oo il ku hayn ah.

Sufyaan waxaa lagu eedeeyay inuu aasaasay xisbi la yiraahdo Talo-kunool. xisbigaas oo haysteen fikrado aan ku wanaagsanayn Diinta, Dalka iyo Dawladnimada. Waxay kaloo jeclaadeen oo ay taageereen ficillada xun xun ee Argagaxisada.

Taakeeye, ayaa waxaa lagu soo qabtay iskaashi amni oo ay wada yeesheen Sirdoonada Soomaaliya iyo Kenya 28-kii September 2023.

dhanka kale Askari ka tirsan ciidamanka xooga dalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Dable Yaasiin Axmed Maxamed Cabdulle ayaa ku biiray si Online ah xisbiga talo ku nool ee uu aasaasay Takeeye waxaana sidoo kale lagu riday xukun.

Yaasiin ayaa la sheegay inuu garab istaag u muujiyay Taakeeye markii gacanta sharciga uu soo galay, waxaana laga saaray ka mid ahaanshiyaha Ciidanka Xoogga.

Yaasiin ayaa la sheegay in uu gacan ku siiyay sara u qaadida xisbiga tala ku nool, Yaasiin ayaa laga saaray ciidanka xooga dalka.

Dhinaca kale Maxkamadda ayaa sii daysay Maxamed Cabdulqadir Cali Nuur (Sandheere) oo isna ka mid ahaa kooxda Taakeeye kaga biirtay Online-ka.

Dhinaca kale, Maxkamaddu waxay fasaxday Maxamed C/qaadir Cali Nuur (Sandheere), oo isna ka mid ahaa kooxda Taakeeye kaga biirtay Online-ka.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles