Meleeshiyaad ka tirsan kooxda alshabaab oo weerar ku qaday saldhiga ciidamada ATMIS ee duleedka Baraawe

Waxaa xalay meleeshiyaad ka tirsan kooxda alshabaab ay ku qaadeen weerar dhaliyay qasaaro fara badan saldhiga ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin duleedka magaalada Baraawe ee Shabeellada Hoose.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo degan xerada iyo xubnihii Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday halkaasi.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta iyo hub culus oo ay is weydaarsadeen labada dhinac, inta uu socday dagaalka dhex maray.

Ciidamada ATMIS ayaa lasoo wariyay in iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday, waxaana ugu dambeyn dib u laabtay maleeshiyadii Al-Shabaab ee beegsatay saldhiggaasi.

Kooxda oo war kasoo saartay dagaalkan waxa ay barahooda bulshada ku sheegtay inay weerartay saldhig ay leeyihiin ciidanka Uganda, ayna khasaare gaarsiisay, inkastoo aysan shaacin tiro rasmi ah.

Dhankooda ciidamada ATMIS oo kaashanaya kuwa Xoogga dalka ayaa dagaalka kadib howlgallo ay ku baacsanayaan ragga soo weeraray ka sameeyay aagga Baraawe. Xaalada ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca ATMIS iyo saraakiisha dowladda oo ku aadan dagaalkaas iyo howlgallada.

Ciidamada Uganda ayaa marar badan weeraro kala kulmay Al-Shabaab, waxaana aad loo xasuustaa weerarki askarta badan looga dilay ee horraantii  2023-kii ka dhacay magaaalada Buulo-mareer.

Maalmihii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fulineyso gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana weerarkii ugu dambeeyay oo lagu dilay askar iyo saraakiil uu kamid ahaa Liibaan Golcad uu ka dhacay deegaanka Dhanaane oo tirsan gobolkaasi.

Mudooyinkii u dambeeyay ayaa kooxda Al-Shabaab waxa ay weeraro dheeraad ah ka geysanayeen deegaanka Shabeelaha Hoose. Dhawaan ayay ahayd markii ay weerar ku qaadeen kuna dileen ciidamo iyo saraakiil uu ku jiro sarkaal lagu magacaabo Liibaan Golcad weerarkaasi oo ka dhacay deegaanka Dhanaane ee ka tirsan gobolkaasi.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles