Messi Oo Tilmaamay Ragga Ku Tartami Doono Ballon Di’Or Iyo Bellingham Oo Uusan Kusoo Darin

Xiddiga Kooxda Inter Miami Iyo Xulka Argentina Lionel Messi Ayaa La Weydiiyey Waa Kuwee Ciyaartoyda Mustaqbalka Ah Ee Ku Tartami Doona Abaalmarinta Ballon Di’Or Sanadaha Soo Socda .

Messi Ayaa Tilmaamay Dhoor Ciyaaryahaan Oo Waqti Xaadirkaan Dunida Kubadda Cagta Ka Sameynayaan Bandhigyo Indha Qabad Leh.

Wuxuu Sheegay In Mbappe, Vinicius Junior Iyo Haaland Ay Yihiin Kuwa Ku Tartami Doono Sidoo Kale Lamine Yamal Oo 16 Jir Ah Oo Barcelona Iyo Xulka Ka Wacdareynaya  Ayuu Kusoo Daray Liiska Ku Tartami Doono Mustaqbalka.

Wuxuu Iska Indha Tiray Bandhiga Jude Bellingham Ee Uu Waqti Xaadirkaan Ka Sameynayo Madrid Asigoo Aanan Marnaba Soo Hadal Qaadin Islamarkaana Aanan U Arkin Mustaqbalka Inuu Ku Guuleysan Karo Abaalmarinta Ballon Di’Oro Halka Warbaahinta Ingiriiska Ay Hadda Buun Buuninayaan Inuu Sanadkaan Ku Guuleysanyo Haduu Bandhigiisa Joogteeyo .

Bellingham Wuxuu Dhaliyey 22 Gool Guud Ahaan 9 Caawinna Wuu Sameeyey 41 Kulan Uu Saftay Guud Ahaan Kooxdiisa Madrid Waa Hogaamiyaasha LALIGA Champions league Wuxuu Joogaa 8-Dhamaadka .

Sidee U Aragtaa Hadalka Messi Ee Ku Aadan Ragga Mustaqbalka Ku Tartami Doono Ballon Di’Or Iyo Iska Indha Tirkiisa Ku Aadan Bellingham Inuusan Ku Darin Fikirkaaga Hoos Noogu Reeb .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles