MoU: Itoobiya & Somaliland Vs Somalia….

Is-af garadkii dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland ee ku saabsan in Somaliland ay itoobiya siiso ama ka kirayso dhul badeed gaadhaya 20 KM muddo 50 sano ah, wuxuu abuuray dhibaato siyaasadeed oo cakiran. Dunida badankeedu Somaaliya ayay la safety. Lkn hal bill kadib, marka bayaanada dunidu hadda soo saartay laga gudbo, xaalku wuxuu noqon xabaal iyo ninkeed loo kala tag. Taas oo ah, sidii Itoobiya iyo damaceeda looga bad-baadin lahaa dhulka Somaliyeed, waa arrin u taalla dowladda federaalka Somaaliya iyo shacabka Somaaliyeed guud ahaan.

Marka maxay  tahay sida ugu haboon ee dowladda Somaaliya uga jawaabi karto fara-galinta qaawan ee ay Itoobiya ku soo qaaday wadankeena?

Si aan su’aashaas uga jawaabno, waxaa lagama maarmaan ah inaan marka ugu horraysa qiimayno awoodaha kala duwan, ama waraaqaha(kaadhadhka), ay kala haystaan Itoobiya, Somaliland iyo Somaliya kuwaas mid walba u sahli kara inay loolankan siyaasadeed ku guulaystaan.

Is-bar-bar-dhig waraaqaha cadaadiska:

Haddaan ku horayno oo aan is-bar-bar dhigno waraaqaha (cards) ay isticmaali karaan Somaaliya iyo Somaliland, ma aha waraaqo isu dhigma ama isku miisaan ah, waayo awoodu waxay aad ugu jan-jeedhaa dhinaca Somaaliya, sababtuna waxay tahay Somaaliya waxay haysataa dhowr waraaqood oo ay Somaliland ku saari karto cadaadis culus.

Tusaale:

–Somaaliya waxay kontorooshaa hawada Somaliland oo ay xidhi karto.
–Somaaliya waxay kontorooshaa badda Somaliland oo aysan soo gali Karin cid aan Somalia fasax ka haysanin.

—————Haddii xaalku adkaado, oo ay dowladda federalka Somaaliya u aragto inay ku jirto maslaxada ummadda Somaaliyeed, waxay awood u leedahay inay gobollada Somaliland u kala aqoonsato dowlad goboleedyo seddex ah: Awdal State, Middle State, iyo SSC State.

Kaadhadhkaas aan kor kusoo sheegnay waa kuwo aad u xoog badan, oo Somaliland wax  ay kaga jawaabto aysan haysanin. Taasoo dowladda federalka Somaaliya u suurto galinaysa inay ku
qasbi karto Somaliland inay ka noqoto ama ka laabato tallaabo kasta oo ummadda Somaaliyeed dhibaato usoo jiidaysa oo dowladda federaalku aysan raali ka ahayn.

Dhinaca kale, Somaliland ma haysato hal waraaq oo la tilmaami karo oo ay Somaaliya cadaadis ku saarto. Haddii Somaliland ay wali ka tirsanaan lahayd Somaaliya, waxay haysan lahayd kaadh xoog badan oo ay ku cadaadin karto dowladda Somaaliya iyadoo odhanaysa, “Haddii  waxaan rabno naloo yeeli waayo, Somaaliya waan ka go’aynaa!” Dowladda  Somaaliyana waxaa qasab ku noqon lahayd inay u samayso Somaliland wax kasta oo ay rabto, si ay wadanka midnimadiisa u ilaaliso. Lkn hadda Somaliland kaadhkaas ma haysato, oo  waxay isticmaashay 30 sano ka hor, iyada oo aan wax gor-gortan ah galin, wax xuquuq ahna kasoo  dhacsanin koonfurta Somaaliya.

Is-bar-bar dhig waraaqaha Itoobiya iyo Somaaliya:

Itoobiya waxay haysataa 5 waraaqood oo ay Somaaliya ku cadaadin karto, kuwaas oo ah:

1—Inay Somaliland ictiraaf buuxa siiso.
2—Inay dagaal cusub ka abuurto gobolada SSC.
3—inay Koonfurta Somaliya gaar ahaan koonfur-galbeed dhibaato ka abuurto.
4—inay car-qaladayso wabiyada Somaaliya ee Jubba iyo Shabeelle, siday  Masar ku samaysay.
5—inay duulaan kusoo qaado Somaaliya oo isku daydo inay xeebaheeda mid ka mid ah qabsato.

Waraaqahan aan kor ku sheegay ma aha kuwo Itoobiya aysan garanaynin, ama illowsan tahay oo aan anigu xusuusinayo, waayo waraaqahaas badankooda is-ticmaalkooda Itoobiya way  ku dhex jirtaa.  Tusaale, arrintii ku dhacday ciyaartoyda gobolka Konfur-galbeed, iyo sawaxankii ka dhashay ma aysan u muuqanin arrin iska dhacday, ee waxay u muuqataa arrin si fiican loo diyaariyay, oo gacmo shisheeye, oo adeegsanaya dad Somaali ah ay ka dambeeyeen.

Waraaqaha  Itoobiya waa kuwo xoog badan, haddii aan si dhakhso ah looga hor-taginna Somaaliya oo dhan burburin kara. Lkn haddii ay dowladda federaalka Somaaliya ay la tashato dadkeeda, oo si deggan oo isku kalsooni ku jirto uga hortagto damaca qaawan ee Itoobiya, waraaqaha itoobiya oo dhan Somaaliya way bur-burin kartaa oo mid ka shaqaynayo ma jiro.

Somaaliya waraaqaha ay haysato ee ku aadan Itoobiya waa waraaqo  Difaac ah, oo  lagaga hortagi karo, laguna bur-burin karo waraaqaha Itoobiya haysato.

Intaana u gelin sida ay Itoobiya  u isticmaali doonto waraaqaheeda, iyo sida ay Somaaliya uga jawaabi doonto, waxaan rabaa inaan tilmaamo dhowr qodob oo ku saabsan habka ugu haboon ee  loo isticmaalo waraaqaha cadaadiska (leverage), waayo HABKA aad u isticmaasho waraaqahaaga, oo badanaaba la xidhiidha waqtiga aad isticmaalayso kaadhkaaga, ayaa waraaqahaaga ama xoog iyo culays siin kara, ama qiimo tiri kara.

Qodobada ugu muhiimsan ee waraaqaha cadaadisku (leverage), waa:

— inaadan deg-degin, oo aad waraaqahaaga si tar-tiib ah u isticmaasho.

–Waligaa laba waraaqood oo cadaadis isku mar, ama hal-mar ha isticmaalin.

–Had iyo jeer waa inaad isku daydo inaad haysato waraaq kuu qarsoon, ama kayd kuu ah, oo haddii cadowgaagu waxaadan filayn lasoo baxo, ama tallaabo aadan la filayn qaado, aad iskaga difaaci karto.

–Haddii aad digniin bixiso, ama aad tidhaahdo tallaabo ayaan qaadayaa, waa inaad kaga dhabayso. Haddii aad kaga dhabayn waydo, sumcadda ayaa kaa dhiman.  Taasina waxay adiga iyo waddankaaga idiin horseedi inaad noqotaan waddo-halaq, cid waliba ku dul-socoto.

Dad badan oo  Somali ah ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay inay gaabisay oo loo baahnaa in safiirka Itoobiya waddanka laga caydhiyo. Eedayntaasi sax ma aha. Dowladda federaalku sax ayay ku ahayd inayna caydhinin safiirkii  Itoobiya, waayo safiirka oo la  caydhiyo
Waa tallaabada ugu dambaysa, ee dawladda Somaaliya ay qaadi doonto, marka xidhiidhka aan la leenahay Itoobiya uu gaadho meel aan kasoo noqosho lahayn.

Dagaalka siyaasadu wuxuu la mid yahay midka milatariga. Marka kasoo qaad in ciidankaagii iyo kii cadowgu isku heleelaan goob dagaal, oo aad hubkaaga noocii ugu khatarsanaa aad maalinta ugu horraysa ee dagaalka aad wada isticmaasho. Haddii cadowgu maalintaas koobaad ee aad hubkaagii ugu khatarsanaa aad isticmaashay  uu jabi waayo, dagaalkaas waa lagaa guulaysanayaa waayo cadowgaagu hubkiisa ma wada isticmaalin, Lkn adiga waxba kuuma hadhin.

Arrin midaas aan kasoo sheekaynay u dhiganta ayaa beri dhoweyd khaliijka ka dhacday. Waxaa Qatar isugu tagay oo goobtay afar wadan oo carab ah, Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Bahrain. Bishii June 2017 ayaa waxay ku qaadeen dagaal siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo aan waxba loola hadhin. Waxay Qatar cuna-qabatayn iyo go’doomin kaga sameeyeen dhinacyada cirka, dhulka iyo badda intaba. Waxay yidhaahdeen haddii ay Qatar rabto in laga qaado cuna-qabatayntaas waa inay soo buuxiso 13 shardi oo ay ku xidheen, oo ay ka mid ahaayeen inay Ciidamada Turkiga wadankeeda ka saarto, inay Iran cilaaqaadka u jarto, IWM.

Qatar waa wadan yar. Runtiina  uma aysan babac-dhigi Karin afartaas dowladood ee isugu tagay. Lkn 4 sano kadib, afartii dowladood ee carabta ahaa ee Qatar isugu tagay, ayaa iyagoo uu jab iyo waji gabax isugu darsamay kusoo noqday Qatar oo yidhi aan heshiino, wixii ay cuna-qabatayn saareen oo dhanna way ka qaadeen.  Taasi waxay ahayd is-dhiibid ay 4-tii dowladood is-dhiibeen, waayo Qatar hal-shardi ama shuruud lagu xidhay  oo ay fulisay ma jirin, waayo dhamaantood way diiday oo gaashaanka ayay ku dhufatay.

Sababta ay taasi u dhacday waxay ahayd inay 4-tii dowladood ee carbeed ee Qatar goobtay inay ku gafeen nidaamka ama habka isticmaalka kaadhadhka cadaadiska (leverage) markay kaadhadhkoodii oo dhan, iyo wixii ay talaabo ama cuna-qabatayn samayn kareen oo dhan maalintii ugu horraysay ayay dhamaantood wada isticmaaleen, wax ay la hadheena ma jirin.
Taas oo keentay inay ku fashilmeen inay sii kordhiyaan cadaadiska ay Qatar ku hayeen maadaama ay hubkoodii oo dhan maalintii ugu horraysay ee dagaalka ay wada isticmaaleen, inay guul-darraysanyaan way iska caddayd.  Wayna guul-darraysteen. Haddii kaadhadhkooda ay todobaadkiiba ama bishiiba hal kaadh oo cadaadis ah soo saaraan, oo cuna-qabataynta sii kordhiyaan, Cadaadiska Qatar iyo madaxdeeda haysta wuxuu noqon lahaa wax aad u culus, oo ayna u dulqaadan Karin, wayna is dhiibi lahayd. Lkn sidaan soo  sheegnay, kaadhadhkoodii oo dhan iyo wixii cuna-qabatayn samayn kareen hal maalin ayay isticmaaleen. Wayna guul darraysteen.

Aan Fahanno Abiy Ahmed:

Sida uu ku sharxay maqaal uu  ku qoray Wardheernres Calculated Ambiguity, Professor Ezekiel Gebissa wuxuu sheegay in PM Abiy Ahmed uu caado u leeyahay inuu sheego been xad-dhaaf ah, taasoo Abie Ahmed u ekeysiinaysa inuu yahay Cab-qari iyo hogaamiye Itoobiya usoo hoyiyay guulo waa weyn.

Innaga Somaali ahaan, marka uu Abiy Ahmed leeyahay  “120 million oo Itoobiyaan ah bad la’aan ma ahaanayaan, ee waa inay ama xoog ama xeelad ku helaan” wuu iska hadlay.  Haddii Itoobiya aysan bad lahayn, taasi waa mushkilad Itoobiya haysata.  Hadaan nahay Somaali runtii dhibaatadaas Itoobiya haysata dan kama lihin, namana khusayso.  PM Abiy Ahmed xisaab khaldan ayuu isku darsaday: haddii uu ku fekeray in intuu dowladda federaalka Somaaliya ka tallaabsado uu heshiisyo la galo madax goboleedyo ku yaalla woqooyi iyo koonfur, oo uu sidaas badda Somaaliya ku qaadan karo, wuu riyoonayaa. Abiy Ahmed intuu dhul Somaaliyeed kusoo duulo maanta xoog kuma qaadan karo.  Maanta shalay ma aha. Wixiisu waa dig-dig iyo caga-juglayn. Yaan loo jixin-jixin.

Yugoslavia-dii Geeska Afrika:

Dadka Itoobiya waa dad aan wadaagin af, dhaqan iyo diin, oo aa aad u kala duwan. Dadyowgaas badankoodu sida Oromada, dadyowga koonfurta, Cafarta, iyo Somaalidu ma aha dad iskood u noqday Itoobiyaan, ee waa dad dhulkoodii xoog lagu qabsaday, waligoodna sugayay inay heer-yada gumaysiga Itoobiya iska tuuraan. Taariikhdu way wareegtaa.  Duruuftu way is bedeshaa. Kuwii dadyowga dulman ee Itoobiy xasuuqi jiray, iyagii  ayaa hadda la xasuuqay! Tigree waa ku daysay. Amxaarana way ku xigtaa. Itoobiyana way bur-buri. Abiy Ahmed waxaa wada, oo dabada ka riixaya waa jihaynta taariikhda.  Wuxuu isu maleeyaa inuu yahay Menilik, Lkn runtii waa Slobodan Milosevic! Qorshaha musta-xiilka ah ee Abiy Ahmed ku doonayo bad Somaaliyeed oo uusan helaynin, waxuu la mid yahay midkii Mr. Milosevic isku dayay  in shucuubtii Yugoslavia ee kala tagtay inuu Serbia hoosteeda ku hayo. Taasi ma shaqaynin, oo Yugoslavia way kala tagtay. Itoobiyana taas ayaa u dambaysa.

Itoobiya waa dal gumayste ah, oo dhaqaalihiisii bur-buray. Qowmiyadihiisiina is-cunayaan. Taariikh ahaanna joogaa waqtigii uu bur-buri lahaa. Damaca indhaha la’ ee Abiy Ahmed ku doonayao badda Somaalia wuxuu ku dhammaan doonaa guul-darro iyo bur-burka Itoobiya, oo qowmiyadaheeda midba meel aado. Burburka Itoobiya  wuxuu isla markaaba dhalinayaa dib u midaynta Qaranka Somaaliyeed, waayo gobolka Somaali-galbeed wuxuu kusoo biiri doonaa walaalahayaga Jamhuuriyadda Somaaliya. And oh! Slobodan Milosevic xaggee ku dambeeyay?
Bishii March 11, 2006, ayuu ku dhintay jeelka Maxkadda adduunka ee ku yaalla magaalada Hague, waayo waxaa lagu xukumay dambiyo dagaal (war crimes).  Abiy Ahmed wuxuu u baahan yahay inuu taariikhda akhristo, oo xusuusto gummaadkii uu ka gaystay  Tigray, isla markaana waa inuu  fahmo mustaqbalka madow ee sugaya.

Waraaqaha Itoobiya iyo sida ay Somaaliya isaga difaaci karto.

Waxaan hadda ka hor soo sheegay in waraaqaha cadaadiska ee ay Itoobiya haysato oo dhan ay Somaaliya iska caabiyi karto, oo bur-burin karto, haddii ay dowladda federaalku si feejigan, oo wadaninimo iyo daacadnimo ku jirto ay Itoobiya uga hor tagto. Marka aan mid mid usoo qaadanno waraaqihii cadaadiska ee Itoobiya.

1—Duulaan ay Itoobiya ku soo qaado Somaaliya:

In kasta oo dagaal toos ah oo ay Itoobiya kusoo qaado Somaaliya, hadday dhacdaba, uu noqonayo malahayga tallaabada ugu dambaysa ee Itoobiya  ay qaado, markay ku fashilanto tallaabooyinka kale oo dhan, haddana tallaabada duulaanka ayaan ku billaabi waayo sidii tallaabadan looga hortagi lahaa waxay dowladda Somaaliya iyo madaxdeeda siinayaan fikrado iyo qorshayow ay ku wiiqi karaan damaca Itoobiya.

Si damaca qaawan ee Itoobiya looga hortago, oo jid-gooyo loogu sameeyo, dad uu ka mid yahay Faysal Rooble ayaa ku taliyay inay Somaaliya iskaashi dhinaca badda ah la samaysato wadanka Turkiga. Fikraddani runtii waa mid aad u qiimo badan, waayo waxay Somaaliya heshiis kula galaysaa wadanka Turkiga inuu usoo diro dhowr markab oo ilaaliya xeebaha Somaaliya, woqooyi iyo koonfurba, kuwaas ka mamnuucaya dowladda Itoobiya in hal-markb ama doon ay Itoobiya leedahay ay soo gali karto badda Somaaliyeed!

Tallaabadani  waxay soo af-jaraysaa oo ay daaqadda ka tuuraysaa damicii Itoobiya ee xeebaha Somaaliyeed oo dhan. Waxaa kale oo arrintani ay qiimo tiraysaa, oo ay hal-bacaad-lagu-lisay ka dhigaysaa is-af-garadkii MoU-da ee dhex maray Itoobiya iyo Somaliland.  Waxaa kale oo iskaashiga badda ee aan la yeelanayno Turkiga uu jid-gooyo aan la dhaafi Karin ku samaynayaa dig-digtii, iyo hanjabaadii Itoobiya ku hanjabaysay inay deked Somaaliyeed ku qabsan doonto xoog. Sababtuna waxaa weeye, muxuu duulaan Itoobiya u tari haddii aysan xeebta iyo dekadaha Somaaliyeed tagi Karin, hal markab ama doon ay leedahay xeebaha Somaaliya soo gali Karin?  Waxba.

Arrintan iskaashiga badeed ee Somaaliya la galayso Turkiga waxaa sahlaya dhowr arrimood:

1—Turkiga iyo madaxdiisu waa saaxiib dhab ah oo ummadda Somaaliyeed, oo heshiiskii lala galo laysku hallayn karo.

2—Turkigu waa wadan quwad leh oo u babac-dhigi kara dowladaha laga yaabo inay Itoobiya gadaal ka riixayaan sida Imaaraadka, iyo Israel oo iyaduna Imaaraadka gadaal kasoo riixaysa.

Iskaashiga badeed ee Somaaliya Turkiga la galayso wuxuu Somaaliya u suurta galinayaa laba arrimodd oo masiiri ah:

1—Wuxuu waxba-kama-jiraan ka dhigayaa is-af-garadkii MoU ee dhex maray Itoobiya iyo Somaliand.

2—Wuxuu jid-gooyo aan laga tallaabi Karin u dhigayaa hanjabaadii Itoobiya ku hanjabaysay inay duulaan iyo xoog ku qabsan doonto deked Somaaliyeed, waayo muxuu duulaan  Itoobiya u tari haddii hal markab ama doon Itoobiya leedahay aysan iman Karin badda iyo dekedaha  Somaaliyeed?  Waxba u tari maayo.

Iskaashigani wuxuu dharbaaxo kulul ku noqonayaa Abiy Ahmed, oo si niyad-jab ah ku garwaaqsan doona inuusan badda iyo xeebaha Somaaliyeed xoog iyo xeelad midna ku qabsan Karin. Sheekadii MoU ee u dhexaysay Itoobiya iyo Somaliland halkaas ayay ku gubanaysaa.
Waxa uu Abie Ahmed u sheegi doono dadkii Itoobiya ee uu beenta u sheegay, isaga ayay jirataa.

2–Ictiraafka Somaliland:

Haddii ay Itoobiya berrito ku dhawaaqdo inay ictiraaf buuxa siisay Somaliland, sidee ayay dowladda federaalka Somaaliya kaga jawaabi kartaa?

Ictiraafka ay hadda Itoobiya siinayso Somaliland wuu ka duwan yahay ictiraafkii caadiga ahaa, ee uu wadan wadan kale aqoonsan jiray, taasoo wadanka la aqoonsaday u sahli jirtay inay dunida kalena aqoonsato. Ictiraafkan ay Itoobiya waddo waa mid ay si cad u sheegtay inay  doonayso inay dhul iyo deked Somaaliyeed ku qaadato.  Arrintani khatar wayn ayay ku tahay ummadda Somaaliyeed oo dhan, gaar ahaan waxay  khatar aan la qiyaasi Karin ku tahay  gobolada woqooyi ama Somaliland oo ay Itoobiya si tartiib-tartiib ah u liqi karto, hadhowna wax ka kicin karaa uusan jirin.

Si khatartaas Somaali oo dhan kusoo wajahan, gaar Ahaana gobolada woqooyi kusoo foolle looga hor tago, dad uu ka mid yahay Prof. Xasan Caynaanshe ayaa soo jeediyay inay dowladda federaalka Somaaliya ay aqoonsato Awdal State, una aqoonsato inay tahay mid ka mid ah dowladaha federaalka ee Somaaliya. Aqoonsiga Awdal State iyo aqoonsiga SSC state waxay soo af-jarayaan oo ay meesha ka saarayaan gooni-u goosadkii Somaliland oo gabigiisuba meesha ka baxaya. Madaxweyne Muuse Biixi iyo dadkii rabay inay Ictiraaf dhul-badeed ku badashaan, waxaa ku dhacaysa ‘wax-badso wax-beel bay leedahay.’  Kaadhkii Ictiraafka ee Itoobiya halkaas ayuu ku gubanayaa.

3—Inuu Abiy Somaliland hubeeyo oo degaal cusub ka billaabo gobolada SSC:

Dagaalka ay Itoobiya rabto in SSC laga abuuro san-saantiisii way billaabatay. Nuux Taani, hogaamiyaha ciidamada Somaliland waxaa lagu casuumay Addis Ababa halkaas oo si fiican loogu soo dhoweeyay. Dabcan inay Itoobiya odhanayso waxaan idinku caawinaynaa sidaad xuduudiinii  usoo ceshan lahaydeen shaki kuma jiro. Arrintaas oo ah waxa ugu fiican ee Madaxwene Muse Biixi dhagihiisa kusoo dhaca. Taasina waxay keenaysaa in Itoobiya siiso Somaliland hub iyo saanad kale waxay u baahan tahay. Siyaasiyiinta Somaliland waxay durtaba billaabeen inay arrintaas u gogol-xaadhaan iyagoo sheegaya in Somaliland iyo Itoobiya ay yeelanayaan is-kaashi milatari. Arrimahan oo dhan waxay tilmaamayaan inay Somaliland oo Itoobiya dabada ka waddo ay soo weerari doonaan degaanada SSC. Kaliya waxaan la ogayn maalinta uu dagaalkaasi billaaban doono.

Dagaalkan soo socda wuu  ka duwan yahay kii markii hore u dhexeeyay Somaliand iyo xoogagga SSC, waayo maadaama Itoobiya si dadban ama toos ah ay qayb uga noqonayso, dagaalku weji kale ayuu qaatay: markay dhalinyarada Burco iyo Hargeisa iyo kuwa Buuhoodle iyo Laas caanood isku dhammaadaan, Itoobiya ayaa qaadanaysaa dhulkii iyo baddii Somaaliyeed! Waa geeri qof Somaali ah ku dhacda tii ugu xumayd.

Tani waxay tusaysaa in dagaalka Itoobiya rabto inay ka abaabusho SSC uu guul darro u yahay  shacabka Somaaliyeed oo dhan qabiilkay rabaanba ha ahaadeene. Dadka reer woqooyi kuma jiro hal-qof oo raba inuu xabashi danaheed u dhinto.  Lkn dadka waa la khaldi karaa.  Sidaas darteed, waxaa haboon in shacabka somaliyeed, gaar ahaan shacabka woqooyi in  la wacyi galiyo, oo la yidhaahdo cidi duulaan idinkuma aha, dhul laydin kama haysto, ee Xabashi ha u dhimanina. Taasi waa dhinaca shacabka.

Marka maadaama Itoobiya abaabulayso dagaalkan soo  socda, oo ay u egtahay inaan laga fursan doonin, waxaa la gudboon dowladda Federaalka Somaaliya inaysan sugin inta dagaalku billaabanayo, balse ay mowqif cad iska taagto intuusan dagaalku billaabanin, iyadoo muujinaysa inay ujeedadeedu tahay inay ka hortagto, fara galinta iyo fidmada ay Itoobiya ka waddo Somaalida dhexdeeda. Dowladda Federaalka Somaliya guul weyn ayay u noqonaysaa haddii ay baajiso inuu dagaal cusub ka dhex qarxo Somaliland iyo SSC, waayo dhiig Somaaliyeed ayaa sidaas ku bad-baadaya.

Si kastaba ha ahaatee, maadaama Itoobiya  aysan marna iyadu dagaalkaas kaligeed soo qaadaynin, ee ay tahay Somaliland iyo madaxdeeda cidda dagaalkaas ama soo qaadaya ama joojinaya, dowladda federaalka Somaaliya waxay haysataa laba kaadh oo culus, oo Somaliland ku cadaadin kara inay ka fogaato dagaal dambe oo ay kusoo qaado SSC. Tusaale, waxay dowladda Somaaliya labadaas kaadh u ciyaari kartaa sidan:

Digniin:

“Waxay dowladda federaalka Somaaliya uga digaysaa Somaliand iyo madaxdeeda inay dagaal dambe ka ridaan gobollada SSC.  Haddii Somaliland iska indha tirto digniintaas, oo ay dagaal gacmo shisheeye ka dambeeyaan ka abaabusho gobolladaas, dowladda fedaraalka Somaliya waxay qaadaysaa tallaabooyinka soo socda:

1—Hawada gobollada woqooyi ama Somaliland waa la xidhayaa wax diyaarad ahina kama soo degi doonto.

2—Somaliland waxaa loo kala qaybinayaa seddex federal states: Awdal State, Middle State, iyo SSC state.

Dowladda federalka Somaliya waxay diyaar u tahay inay wixii khilaafaad ah ee jira nabad galyo iyo is-af-garad lagu dhameeyo, sidii Somaali laysugu keeni lahaana laga shaqeeyo.  Lkn midinimada, dhulka, cirka, iyo badda Somaaliyeed gor-gortan gali maayaan.”

Nin gar-yaqaan ah, oo reer Somaliland ah, oo caqli badan, ayaa Madaxweyne Muse Biixi la taliyay oo yidhi, “Madaxweyne, al-baab aynaan garanaynin wax  kasoo bixi doona, ha inagu furin!”

Markii uu Madaxweyne Muse Biix uu MoU-da la saxiixayay Itoobiya, maskaxdiisa kuma soo dhicin in hawada Somaliland diyaaradaha laga xidhi doono, iyo in Somaliland lafteeda loo kala qaybin doono seddex dowlad goboleedyo. Madaxweyne Muse Biixi al-baabkan inuu si dhakhso ah isaga xidho ayuu u baahan yahay, intay goori-goor tahay.

Geesi khaladkiis wuu qirtaa:

Markuu arko in MoU-dii uu Itoobiya la saxiixday Icrtiraaf iska-daaye inay Somaliland jiritaankeedaba khatar ku tahay, Itoobiyana aysan bad Somaaliyeed hal-taako ka qaadan Karin, Madaxweyne Biixi haddii uu geesi yahay wuxuu garwaaqsanayaa inuu furay al-baab khatar ku  ah  jiritaanka Somaliland, wuxuuna go’aansanayaa inuu al-baabkaas xidho. Sida ugu habboon ee uu u xidhi karo al-baabka MoU-da waxay noqonaysaa inuu yidhaahdo, “Somaliland waa Dimoqraadiyad.  Sidaas darteed, waxaan MoU-dii aan Itoobiya kala saxiixanay u gudbinayaa Baarlamaanka Somaliland si ay uga doodaan oo go’aan uga gaadhaan.”

Baarlamaanka Somaliland markay arkaan khatarta MoU  usoo jiiday ee uu Muse Biixi arkay, waxay waxba-kama-jiraan ka dhigayaan MoU-dii u dhexaysay Somaliland iyo Itoobiya.

4—Inuu Abiy Ahmed rabshado ka abuuro Koonfurta Somaaliya:

Waxaa muuqata inuu khilaaf u dhexeeyo Madaxweynaha koonfur-Galbeed C/Casiis Laftagareen iyo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud.  Waxaa kale oo khilaaf u dhexeeyaa Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweyne Xasan  Sheikh Maxamud.

Runtii anigu uma-dhuun duleelo waxyaabaha khilaafaadkaas gun-dhigga u ah. Lkn wax kasta oo jira, maanta wadanku meel khatar ah ayuu marayaa.  Sidaas darteed waxaa loo baahan yahay iyadoo la fiirinayo danaha guud ummadda Somaaliyeed, inuu Madaxweyne Xasan Sheikh soo af-jaro khilaafaadkan si wadanku hal meel uga soo wada jeedsado, cadowga dibadda ee duullaanka inagu ah. Sidii aan kor ku sheegay, waxaad moodaa Itoobiya iyo dad Somaali ah oo ay adeegsanayso inay durtaba billaabeen inay sii xumeeyaan khilaafka u dhexeeyay konfur-galbeed iyo dowladda federaalka iyagoo ka faa’iidaysanaya dhibaatadii ku dhacday ciyaartoydii Konfur-galbeed ee ka qayb galayay ciyaarihii gobollada.

—-Waxaa kale oo muuqatay  inay dowlad goboleedka koonfur-galbeed ay sii buun-buunisay dhibaatadii halkaas ka dhacday, buun-buunintaas oo isa-sii nacsiinaysa oo kala fogaynaysa dadka Somaaliyeed oo maanta loo baahan yahay in midnimadooda la ilaaliyo.

—-Maadaama ciidamo Itoobiyaan ah ay joogaan gobollada koonfur-galbeed, waxaa la gudboon Madaxeyne C/Casiis Laftagareen inuusan ku dhicin dabinkan khatarta ah: inuu isku dayo inuu ciidamada Itoobiya ee Jooga gobollada Koonfur-galbeed uu  u Isticmaalo kaadh-ahaan (leverage) uu kula gor-gortamo dowladda federaalka, isagoo dhinaca saaraya dowladda Itoobiya iyo ciidamadeeda. Haddii uu Lafta gareen sidaas sameeyo, wuxuu ku ciyaarayaa dab.  Dabkaasna wuu ku guban doonaa, wuxuuna ka shallaayi doonaa, goor shallayto aysan waxba u taraynin.  Xabashi dad lasoo dhoweysto ma aha, waayo Somaali ayaa horay uga maah-maahday oo tidhi:
“Xabashi iyo Dameero-ba oodda ugu dhow bay cunaan!”

Markuu wadanku nabad yahay, waxyaabo badan ayaa la iska indho-tiri karaa.  Lkn markii uu Itoobiya dagaal noo dhexeeyo, ninkii Somaali ah ee Itoobiya soo dhoweysta wuxuu noqonayaa cadowga ummadda Somaaliyeed, guul-darro ayaan u dambayn.

—Si loo yareeyo fad-qalallada ay Itoobiya iyo ciidamadeedu ka wadaan gobollada koonfurta Somaaliya, waxaa haboon inay dowladda federaalku amar ku bixiso in dhamaan ciidamada Itoobiya ka baxaan hal-asbuuc gudihii oo ku eg taariikhdan……. Haddii Itoobiya ay ciidamadeeda kaga saari waydo waqtiga loo qabtay, Somaaliya dacwo rasmi ah ayay ka dacwayn UN-ta iyo Midowga Afrika.

Itoobiya waa wadan dhaqaalihiisu bur-buray, dagaallo sokeeye ay ka holcayaan, runtiina aan wax awood ah oo qiimo leh lahayn.  Abie Ahmed  bur-burkii uu Itoobiya u gaystay meel uu ku qariyo oo kula gal-gasho ayuu rabaa. Jil-jileec yuusan inaga helin.

5—Inay Itoobiya car-qaladayso biyaha webiyada Somaaliya:

Waxaan shaki ku jirin, in mark ay dowladda  Itoobiya ay ku guul-darraysato damaceedii xeebaha iyo dekedaha Somaaliya, inay ku fekeri doonto sidii ay mashaakil ugu abuuri lahayd Somaaliya iyo shacabkeeda.  Markaas ayaa laga yaabaa inay Itoobiya tidhaahdo mashaariic koronto IWM ayaan  ka samaynaynaa wabiyada Shabeelle iyo Juba, si ay u car-qaladayso biyaha webiyada Somaaliya.

Marka haddii ay Itoobiya tallaabdaas oo kale ku dhaqaaqdo, sidee ayay Somaaliya ugu jawaabi kartaa?  Ama kaadh noocee ah ayay Somaaliya isticmaalaysaa si ay u difaacdo biyaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle?

Run ahaantii ma jiro kaadh Somaaliya diyaar u ah oo ay arrinkaas iskaga difaaci karto. Lkn waxaa jira kaadh ay ku  samaysan karto karteedeeda, oo ay si fiican ugu difaaci karto biyaha wabiyadeeda. Kaadhkaasi waa sidan:

Maalinta ugu horraysa ee dowladda Somaaliya ay maqasho inay Itoobiya sheegtay inay wax car-qalad ah ku samaynayso biyaha wabiyada Somaaliya ee Jubba iyo Shabeelle, dowladda Somaaliya waxay u yeedhi safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho, waxayna u dhiibi farriintan so socota: “haddii dowladda Itoobiya wax car-qaladayn ah, nooca ay rabtaba ha ahaatee, ku samayso biyaha webiyada Somaaliaya ee Jubba iyo Shabeelle, waxaan xarunta Midowga Afrika ka raraynaa magaalada Addis Ababa, waxaana u raraynaa waddan kale oo Afrikaan ah!”

Kolkay  madaxda Itoobiya maqlaan hanjabaadda Somaaliya, way qoslayaan oo waxay  odhanayaan, “Oo Somaaliya xaggee ayay ka keenaysaa awooda ay xarunta Midowga Afrika kaga rarayso Addis Ababa?” Lkn Qosolka dabadiis fikraddu wal-bahaar ayay ku ridaysaa madaxda Itoobiya, waayo, in xarunta Midowga Afrika laga raro Addis Ababa waxay Itoobiya ku noqonaysaa  jab dhaqaale iyo mid siyaasadeed iyo mid nafsi (psychological) oo aan runtii la qiyaasi Karin. Hadday arrintani dhacdo, Itoobiya gabbalka ayaa u dhici, oo adhaxda ayay ka jabi.

Si kastaba ha ahaatee, qorshaha ay Somaaliya ku rarayso xarunta Midowga Afrika waa sidan.

Kow, Somaaliya waxaa looga baahan yahay inay keento magaaladii iyo waddankii xarunta Midowga Afrika loo rari lahaa, maadaama fikradda iyadu wadato. Magaalada iyo wadanka ay  Somaaliya magacawdo waa inay laba shardi  buuxiyaan:

1—Magaaladu waa inay tahay magaalo weyn oo caalami ah, waddanka ay  ku taalaana wuu inuu Afrika dhexdeeda ku leeyahay culays siyaasadeed.

2—Magaaladu waa inay noqoto mid Aq-labiyadda dowladaha Qaaradda Afrika ay coodkooda siinayaan.

Tusaale, afartan caasimadood ee kala ah, Qaahira, (Egypt), Niamey, (Niger), Bujumbura, (Burundi), iyo Freetown (Sierra Leone) looma rari karo xarunta Midowga Afrika, waayo labada shardi ee kor ku qoran ma buuxinayaan.   Qaahira waa magaalo weyn. Masarna waa wadan culays siyaasadeed leh. Lkn Qaahira kuma guulaysanayso inay noqoto xarunta Midowga Afrika sababtoo ah wadamada Afrikada madow marna yeeli maayaan inay fursad dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo xoog leh intay ka qaadaan Itoobiya inay siiyaan wadan carbeed. Ma dhacayso. Midda kale, maadaama Masar iyo Itoobiya ay colaad u dhexayso, qorshahan oo dhan waxaa loo arki inay Masar wadato, sidaas darteed meel ma  gaadhayo.  Wadamada kale ee Afrikaanka ah ee kor ku xusan culays siyaasadeed ma leh, magaaloyinkooduna sumcad-caalaminimo ma leh, sidaas darteed midkoodna ma guulaysan karaan.

Magaalada ugu haboon ee ay Somaaliya u rarayso xarunta Midowga Afrika waa magaalada Nairobi, ee wadanka Kenya. Inay Somaaliya Nairobi soo  sharraxdo faa’iido ballaadhan ayay u leedahay Somaaliya, waayo Qorshihii rarista xarunta Midowga Afrika ayay aad u sah-laysaa.  Sahalkaasi waxaa dhalinaya labadan arrimood:

a—Maadaama Itoobiya ay cadaawad ka dhexayso Masar, Sudaan, iyo Somaaliya oo ay hadda amuuraheedii soo fara-galisay, wadamada carabta ah ee ku jira Midowga Afrika oo dhan waxay taageerayaan Somaaliya waxayna u codaysnayaan in xarunta Midowga Afrika loo raro Nairobi. Sidoo kale, waxay Somaaliya taageero ka heli doontaa wadamawadamada Afrikiada madow ee Muslimiintu u badan yihiin sida Niger, Nigeria, Chad, Burkina Fasso, Mali, Guinea, Sierra Leone, Gambia iyo Senegal.

b—Maadaama inay hesho xarunta Midowga Afrika ay Kenya usoo jiidayso dhaqaale ballaadhan, iyo Sumcad caalami ah oo aan lacag lagu qiyaasi Karin, dowladda Kenya iyo madaxdeedu waxay qaadayaan Olole weyn oo aysan waxba la hadhaynin sidii ay wadamada Afrikada madow ee aan Muslimiinta ahayn ugu qancin lahaayeen sidii xarunta Midowga Afrika loogu soo rari lahaa Nairobi, kol haddii Itoobiya ay noqotay waddan aan deganayn, oo dadkiisii gumaadaya( markii hore dadka Tigree, haddana dadka Amxaarada), deriskiisana fara-galin iyo fad-qalallo ka dhex wada, oo aan hadda u qalmin inuu xaruntii Afrika ahaado. Shaki kuma jiro inay Kenya iyo Somaaliya oo is-kaashanaya ay si dhib-yar ugu guulaysanayaan in Aq-labiyadda wadammada Afrika ay taageeraan in xarunta Midowga Afrika laga raro Addis Ababa, oo loo raro magaalada Nairobi ee Kenya.

(Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa ku taalla waxaa lagu dhisay lacag gaadhaysa $200 million oo uu wadanka Shiinuhu maal-galiyay. Dowladda Kenya xaruntaas mid u dhiganta ama ka fiican ayay dhisi doontaa, waayo faa’iidada kasoo gaadhaysa inay xarunta Midowga Afrika hesho, lacag laguma qiyaasi karo. Somaaliya waxay khaliijka ku leedahay saaxiibo fara badan oo si dhib yar iyada iyo Kenya uga caawin doona lacagta lagu dhisi doono xarunta cusub ee Midowga Africa ee laga dhisi doono magaalada Nairobi.)

Kaadhkani sidaan hadda ka hor sheegay, waa mid ay dowladda Somaaliya dedaalkeeda ku keensan karto, mar kasta oo ay u baahato. Maadaama biyaha webiyada Somaaliyeed ay geeri-iyo-nolol u yihiin shacabka Somaaliyeed, kaadhkani waa kaadh difaac kaliya, mana haboona in qof Somaaliyeed ama dowladda Somaaliyeed iyo madaxdeedu ka hadlaan, ama ka sheekeeyaan.

Xataa haddii dowlado kale oo ay Itoobiya isku kacsan yihiin isku dayaan inay Somaaliya ku qalqaaliyaan inay u ololeyso, oo hor-boodo, sidii hadda xarunta Midowga Afrika looga rari lahaa Addis Ababa, Somaaliya waa inay arrintaas kasoo jor jeedsato oo diido, waayo kaadhkani waa mid lagu difaaci doono biyaha iyo nolosha ummadda Somaaliyeed.  Sidaas darteed, haddii Itoobiya ay biyaha webiyada Somaaliya ammaan siiso, oo aysan wax car-qalad ah ku samaynin, Somaaliyana ammaan ayay siinaysaa Itoobiya, oo masoo hadal qaadayso xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa ku taalla.

Gebagabo:

Laba arrimood:

1—Arrinta kowaad waa mid nabad-galyada sugaysa. Waxaa magaalooyinka Somaaliyeed sida Hargeysa, iyo Muqdisho kusoo batay dad Somaaliyeed oo qabiilada Somaaliyeed si dadban isugu dira, isla markaana u ololeeya  Oromada, oo yidhaahda Oromada walaalo ayaan nahay. Dadkani waa dad dawladda Itoobiya ay gadaal kasoo riixayso, waa arrintan lasoo af-jaro, oo aan la ogolaanin, dad Somaali ah oo Oromo, Itoobiya, ama ajaanib kale uga ololeynaysa Somaalida dhexdeeda. Wasaaradda arrimaha guduhu waa inay dadkan lasoo diray u fiirsato oo tallaabooyin deg-deg ah ka qaado.

2—Haddii dowladda Somaaliya rabto inay si dhab ah oo la taaban karo u muujiso sida ay uga cadhootay fara galinta qaawan ee Itoobiya ku hayso Somaaliya, waxay dowladda Somaaliya cuna-qabatayn kusoo rogi kartaa shirkadda diyaaradaha ee Ethipian Airlines, iyadoo odhanaysa tusaale ahaan, haddii dowladda Itoobiya ay muddo bil ah ka noqon weydo MoU ay la gashay Somaliland, shirkadda Ethiopian Airlines waxaa laga mamnuucayaa inay soo gasho hawada Somaaliya laga billaabo Feb. 20, 2024, matalan.

Ugu dambayn, maadaama damaca Itoobiya uu khatar ku yahay jiritaank ummadda Somaaliyeed, waxaa madaxweynaha la gudboon inuu soo xusho, oo dhiso guddi joogto ah oo shaqadeedu tahay sidii loo fashilin lahaa dhamaan dabinnada, iyo tallaabooyinka gurracan ee Itoobiya, kuna caawiya madaxweynaha iyo dowladda Somaaliyeed inay ku burburiyaan qorsheyowga Itoobiya oo dhan.

Madaxweyne Xasan Sheikh si fiican ayuu uga jawaabay damaca Itoobiya ee dhulkeena, haddii uu modwqifkiisa adag ku adkaysto, oo yidhaahdo dhulka iyo badda Somaaliyeed gor-gortan ma galayaan shacabka Somaaliyeed oo dhan, gudo iyo dibadba way taageri mowqifkiisa, Itoobiyana waa laga guulaysan.

Maxamed Heebaan mohamed18456@gmail.com

 

Leave a Comment

Array

Related Articles

English News

Facebook Feed

Articles