Mudane katirsan baarlamaanka oo dalbaday in Maxkamad looga yeero Farmaajo

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre oo wareysi siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sheekh Cismaan Barre ayaa eedeymo culus u jeediyay Farmaajo oo haatan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu gaystay dambiyo waa weyn.

“Shantii sano ee uu joogay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynihii hore runtii waxaa dalka maanta haysto dhibaatooyinkii uu xilligaas gaystay oo jariimooyinka ahaa oo waa weynaa” ayuu wareysiga ku yiri guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada HirShabelle.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in soo laabashadiisa ay caqabad weyn ku tahay dalka iyo horumarkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

“Soo labashada uu soo laabtay waxay imtixaan ama ay caqabad ku tahay dalka Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Isaga oo sii hadlaya Sheekh Cismaan Barre ayaa waxa uu farriin u diray baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna ka dalbaday inay xasaanadda ka qaadaan, si loo maxkamadeeyo.

“Waxaan rabaa inaan ka codsado baarlamaanka Soomaaliyeed in ay ka qaadaan xasaanadda, si loogu maxkamadeeyo dilalkii Ikraan Tahaliil, Eng Yariisoow, Xildhibaan Aamino iyo weerarkii madaxweynayaal hore” ayuu mar kale yiri Cismaan Barre.

Sababta uu u doonayo in xasaanadda looga xayuubiyi ayaa waxaa ku sheegay “Waa nin dambiile ah ama eedeysane ah marka xasaanad ma leh”.

Ugu dambeyntii wuxuu ka codsaday hay’adaha ammaanka dowladda inay sidoo kale la socdaan dhaq-dhaqaaqiisa, ayna xadiidaan muddada uu joogo magaalada Muqdisho.

“Hay’adaha dowliga ah ee amniga waxaan rabaa maadaama uu Farmaajo ku caan baxay iska horkeenidda shaqsiga in dhaq-dhaqaaqiisa ay xadiidaan” ayuu kusoo gabagabeeyay.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles