Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Muxuu go’aanka Biden ka badalayaa loolanka doorashada ee xisbigiisa

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa soo afjaray ololihiisii dib u doorashada waxa uuna taageeray haweeneyda madaxweyne ku xigeenka u ah ee Kamala Harris in ay ku guuleysto xilka musharaxa Dimuqraadiga, waa go’aan aan caadi ahayn kaas oo kor u qaadaya loolanka adage e ka jira diyaar garowga doorashada Aqalka Cad.

Biden, oo 81 jir ah, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X ku sheegay in ay tahay “Mid uu ku faraxsanyahay” u adeegista qaranka balse ka harista loolanka doorashada ay “dan ugu jirto xisbiga iyo dalka”.

Ku dhawaaqista ayaa kusoo beegmaysa xilli buuq siyaasadeed uu hareeyay diyaar garowga doorasho ee Mareykanka, kaas oo ku billowday waxqabadkiisii iyo dood dhexmaray isaga iyo Donald Trump 27-kii June. Mr Biden ayaa sheegay in uu madaxweyne sii ahaan doono ilaa bisha Janaayo.

Kamala Harris, oo 59 jir ah, ayaa sheegtay in ay “sharaf u tahay” in ay matasho xisbiga iyadoona intaa hadalka ku dartay in ay “kasban doonto oo ay ku guulaysan doonto magacaabistan” ayna midayn doonto dalka.

“Waxaynu haysanaa 107 maalmood ilaa maalinta doorashada,” ayay tiri. “Si wadajir ah, waan u dagaalami doonnaa, si wadajir ah, ayaan u guuleysan doonnaa.”

In kasta oo Ms Harris ay taageero ka heleyso dad badan oo waaweyn oo xisbiga ka tirsan, wali si rasmi ah looma magacaabin, musharaxa xisbiga ku matalaya doorashada madaxtinimada ayaa lagu magacaabi karaa shirweynaha qaran ee dimuqraadiga ee Agoosto.

Dhanka kale Trump oo soo bandhigay olole xoogan ayaa ku horeeya codbixinta musharaxa xisbigiisa waxaana la xaqiijiyay inuu yahay musharaxa Jamhuuriga ee shirweynaha xisbiga ee Milwaukee toddobaadkan, shan maalmood ka dib markii uu ka badbaaday isku day dil.

Ka dib go’aankii Mr Biden, waxa uu ku dhawaaqay in madaxwaynuhu “uusan taam u ahayn inuu is sharaxo. Xubno sare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa ku biiray dhaleeceyntooda, waxayna ugu baaqeen Mr Biden inuu si degdeg ah uga baxo Aqalka Cad, kaliya maaha musharaxnimada Dimuqraadiga.

Maxaa suurta galinaya musharaxnimada Harris

Kamala Harris iyo Joe Biden

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Kamala ayaa kamid ah dadka ugu cadcad ee laga yaabo in xisbiga ay ku matalaan doorashada Mareykanka

Ilo wareedyo ayaa BBC-da u sheegay in xitaa shaqaalaha sare ee Aqalka Cad iyo saraakiisha ololaha doorashada loo sheegay go’aanka Mr Biden daqiiqado ka hor inta aan hadalka la sii dayn galabnimadii Axadda, in kasta oo madaxweynaha uu la hadlay Ms Harris iyo dad yar oo kale.

Xubno ka tirsan Dimuqraadiyiinta sare iyo kuwa waaweyn oo ay ku jiraan madaxweynihii hore ee Barack Obama, hogaamiyaha Senetka Chuck Schumer iyo afhayeenkii hore ee aqalka Nancy Pelosi ayaa isla markiiba bogaadiyay go’aanka waxayna amaaneen guulaha Mr Biden ee xafiiska.

Madaxweynihii hore ee Bill Clinton iyo musharaxa xisbiga Dimuqraadiga ee 2016 Hillary Clinton ayaa sheegay inay taageerayaan Kamala Harris in ay noqoto musharraxa xisbiga ee doorashada November, iyagoo sheegay inay “la dagaalami doonaan wax kasta oo ay ku soo bixi karto”.

In kasta oo Obama uu sheegay in uu “kalsooni aan caadi ahayn” ku qabo “musharax heersare ah uu soo baxo”, balse si cad uma uusan magacaabin Ms Harris ama musharax kale.

Peter Welch, oo ah senatarkii ugu horreeyay ee Dimuqraadiga ka tirsan uguna baaqay Biden inuu ka tanaasulo dib-u-doorashadiisa, ayaa horay uga dhawaajiyay “ka harista doorashada ee Biden” waxa uuna haatan taageeray in la magacaabo Harris.

Laakiin waxaa durbadiiba soo baxay calaamado muujinaya in qaar badan oo xisbiga ka tirsan ay ku taageero u muujin doonaan haweeneydaan, waxaana dadka la filayo kamid ah siyaasiyiin caan ah oo loo maleynayo inay ku tartami karaan magacaabista haddii ay dhacdo Mr Biden inuu meesha ka baxo.

Duqa California Gavin Newsom, oo la rumeysan yahay inuu leeyahay hammi madaxweyne, ayaa ku ammaanay Mr Biden inuu yahay “mid aan daniiste ahayn” wuxuuna sheegay inuu taageerayo “cabsi la’aanta” iyo “ku adkaysiga” in Kamala Harris ay wajahdo Trump.

Gretchen Whitmer, gudoomiyaha gobolka Michigan, ayaa sheegtay in shaqadeeda “ay ahaan doonto sideedii… samaynta wax kasta oo aan awoodo si aan u doorto Dimuqraadiyiinta iyo joojinta Donald Trump.”

Guddiga Qaranka ee Dimuqraadiga ayaa dhanka kale gudbiyay si uu wax uga beddelo magacyada guddiyada lacag-ururinta ee Sanduuqa guusha iyo waxqabadka Harris.

Laba deeq-bixiyeyaal dimuqraadi ah oo waaweyn – maalgeliyaha LinkedIn Reid Hoffman iyo maalgeliyaha Alexander Soros – ayaa si cad u taageeray Harris.

Saacad gudaheed ka dib markii Mr Biden lagu dhawaaqay, sanduuqa ololaha ee Trump ee super-PAC Make America Great Again ayaa dhajiyay xayeysiis lagu weerarayo Mr Harris, iyagoo ku andacoonaya “in ay qarisay hoos u dhaca maskaxeed ee Joe”.

Ka harista doorashada ee Biden oo ku soo aaday dood kulul iyo toddobaadyo baaritaan xooggan ah.

Madaxweyne Biden iyo Trump

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Madaxweyne biden ayaa hadalo is qilaafsan ku hadlay xiligii dooda iyo shir uu qabtay oo uu isku qalday magacyo

Mr Biden waxa uu la kulmay baaritaan adag tan iyo waxqabadkiisii doodda bishii June. Wax ka yar laba toddobaad ka hor, waxa uu Washington ku marti galiyay shir madaxeed heersare ah oo uu la yeeshay hogaamiyayaasha Nato.

Doodaas ayaa dhalisay in xisbiga Biden lagu dhaliilo waxqabadka Aqalka Cad, waxaana sidoo kale dooda laga dheehan karay isku dhexyaac uu la kulmay Biden isagoo isku qalday magacyada mar uu rabay in u uku dhawaaqo magaca madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayuu ugu yeeray “Madaxweyne Putin”, sidoo kale waxa uu galay qalad kale isaga oo Ms Harris ugu yeeray magaca Trump.

Hadalkiisa Axadii, Mr Biden waxa uu u mahad celiyay Ms Harris, isaga oo sheegay in ay tahay “qof si wanaagsan ula shaqeysay”.

“Oo aan muujiyo sida aan ugu mahadcelinayo dadka Mareykanka aaminaada iyo kalsoonida aad i siiseen,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Qaranka ee Dimuqraadiga ayaa yeeshay kulan degdeg ah fiidnimadii Axadda.

Waxaana diiradda lagu saarayaa qabsoomidda shirweynaha xisbiga ee heer qaran oo la qorsheeyay inuu furmo 19-ka bishan August.

Mr Biden ayaa u gogol xaaraya musharaxnimada Kamaala ka hor shirka xisbiga, iyadoona ergooyinka gobolada ku matalaya shirweynaha loo bandhigay in ay u codeeyaan, balse waxaa suurtagal ah in ay musharax kale u codeeyaan.

BBC

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles