Muxuu kadhigan yahay Xiriir ee yeeshaan Alshabaab iyo Xuutiyiinta Yeman?

Saraakiil sare oo ka tirsan Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay xiriir iskaashi la billaabeen kooxda Xuutiyiinta Yemen, si ay isugu dayaan in awooddooda ay ku ballaariyaan Soomaaliya.

Saraal sare oo ka tirsan ciidamada difaaca Mareykanka oo ka gaabsaday in codsaday in aanan la magac-dhabin ayaa sheegay in Al-Shabaab ay la shaqeynayaan Xuutiyiinta, isagoo ku tilmaamay wax la yaab leh oo laga walaaco.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in Xuutiyiinta, oo ah koox gacan ka hesha dowladda Iran ay doonayso in ay abuurto jiho cusub oo badweynta Hindiya ah oo Al-Shabaab ay ka heli karaan gantaalada casriga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Haddaba xiriirka iyo iskaashiga la sheegayo inay xuutiyiinta oo shiico ah doonayaan inay la yeeshaan kooxda sunniga sheegata ee Al-Shabaab, muxuu uga dhigan yahay nabadda iyo Soomaaliya iyo tan gobolka

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles