Muxuu Madaxweyne Xasan kuyiri Shacabka reer Xaradheere?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta gaaray magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha waxaa safarkan ku wehlinayay madaxweynaha Galmudug, wasiirada Gaashaandhigga, arrimaha gudaha, saraakiil ciidan iyo xildhibaano.

Madaxweyne Xasan oo meel fagaare ah kula hadlay dadka shacabka ah ayaa ku amaanay sida ay ugu fara adeegeen magaalada oo ay uga difaacdeen Shabaab, wuxuuna tilmaamay in garabka dowladda marnaba uusan dhankooda ka bexeenin.

Si kastaba, magaaladan sanad ka hor ayaa laga xorreeyay kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, iyadoo u eheyd meel istiraatiji u ah kooxdaasi.

Xarardheere ayaa astaan u ah adkeysi iyo fara-adeyg ay sameeyeen dadkeeda in magaalada noqoto meel ka caagan argagixisada, maadaama ay noqotay deegaan si rasmi ah loo xasiliyay oo noloshii ay dib ugu soo laabatay, sida waxbarashadii iyo adeeggii kale ee bulshada.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles