Muxuu Phil Foden Kadhahay Bandhiga Sxbkiis Rodri Kadib Guushii Xalay Ay Ka Gaareen Aston Villa

Xiddiga Reer England Iyo Kooxda Man City Phil Foden Ayaa Ammaan Ugu Qubeeyey Saaxiibkiisa Ay Isku Kooxda Yihiin Ee Rodri Kaasoo Ah Mashiinka Qadka Dhexe Ee Kooxdaas.

Foden Xalay Wuxuu Dhaliyey Hatrick-kiisa 3-aad Ee EPL Iyo Midkiisa Labaad Oo Isla Fasalkaan Ah Waana Wax Ay Yartahay In Qof Walba Sameyso Wuxuuna Lamid Noqday Ciyaartoy Legends Ka Ah EPL Sida CR7 , Frank Lampard Didier Drogba Iyo Qaar Kale Horyaalka 8 Kulan Ayaa Kadhiman Wuxuu Jaanis U Heystaa Wixi Ay Xiddigahaan EPL Ka Sameeyeen Taariikhdooda Inuu Hal Fasal Kusameeyo Hadii Waqtiga Uu Usaamaxo Bandhigiisane Uu Joogteeyo.

Kadib Kulanki Xalay Ay Aston Villa Ku Qaarijyeen Goolal Gaaraya 4-1 Kulan Ay Ku Marti Qaadeen Gigada Etihad Stadium Wuxuu Ammaan Kala Duldhacay Sxbkiis Rodri Asigoo Yiri Sida Tan :

“Ma Hayo Erayo Aan Ku Qeexo Ninkaan Saaxiibkey Ah Wax Walba Wuu Sameyn Karaa, Wax Daciifnimo Ah Kama Arko Kulankiisa Aniga Ahaan Waa Ninka Noogu Muhiimsan”.

“Aniga Ahaan Waa Dhaxda Ugu Fiican Caalamka Qabashada Kubadda Iyo Maamulideedaba 100%  Dbab Ahaan Waxkasta Wuu Sameyn Karaa” Intaas Ayuu Hadalkiisa Kusoo Gaba Gabeeyey .

Xiddigaan Reer Spain Wuxuu Kujiraa Form Waali Ah Kaasoo Ah Inaan Laga Badin 63 Kulan Oo Xiriir Ah Intuu Kooxdiisa U Safnaa Fasalkaan Wuxuu Ciyaaray Illaa Iyo Hadda 39 Kulan 8 Gool Ayuu Dhaliyey Guud Ahaan 12 Caawin Ayuu Sameeyey Sidoo Kale Dhanka Digniinta 9 Jaale Ayuu Qaatay Halka 1 Roose Uu Qaatay Fasalka Qeybihiisa Hore .

Maxaa Ku Qiimeyn Laheyd Xiddigaan Sanadba Sanadka Kadanbeeya Form-kiisa Kor Usii Kacaayo Malagu Soo Dari Karaa Liiska Kubad Sameeyaashii Ugu Wanaagsanaa Caalamka Ee Booska 6-aad Mise Wali Waqti Ayuu U Baahanyahay Oo Uu Ku Cadeeyo Inuu Uqalmo Soo Galitaanka Liiskaas Fikirkaaga Hoos Noogu Reeb .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles