Muxuu yahay wax ka beddelka ay shirkadda Apple ku sameyneyso taleefannadeeda Iphone

Shirkadda soo saarta taleefannada casriga ah ee Apple ayaa waxa ay sheegtay in ay ka shaqaynayso in ay si degdeg ah u xallineyso arrin sababtay in qaar ka mid ah bulshadu ay ka cawdeen taas oo ah in mararka qaar xilliga saacadda ee lagu diiwaan gashado taleefanka si loogu kaco ama wax loogu xusuusto ee loo yaqaanno alaarmiga aysan soo dhicin ama dhawaaqin, taas oo ka dhigtay in qofku uu hurdo wakhti xad dhaaf ah ama uu ka habsaamo howshii uu doonayay in wakhtigaas uu qabsado.

Dad badan, ayey telefoonnadoodu marin habaabiyeen kadib markii saacadda alaarmiga ay ku xirteen, waxaana ay taasi keentay in ay soo dhici weydo ama uusan taleefanku soo shanqarin xilligii lagu borogaraamiyay.

Qayladhaan arrinkaasi ku aaddan ayaa is qabsatay baraha bulshada, ka dib markii dad badan ay ka cawdeen in ay habsaameen iyaga oo isku halleeyay saacadda ay ku xirteen taleefankooda ay soo saartay shirkadda Apple ee Iphone-ka.

Mid ka mid ah Tik-Tokarrada caanka ah ayaa ka cabatay in ilaa shan mar oo kala duwan ay wakhtiga alaarmiga ku xiratay taleefankeeda balse aysan soo dhawaaqin ee kaliya taleefanku uu soo iftiimay.

Shirkadda Apple waxa ay xaqiijisay inay ka warqabto arrintan, laakiin weli ma aysan qeexin waxa ay aaminsan tahay in cilladdan ay keentay, ama waxa ay isticmaalayaashu samayn karaan si ay uga fogaadaan in ay habsaamaan marar kale ama hurdo ay la tagto.

Sidoo kale ma cadda inta qof ee ay arrintani saamaysay ama in dhibaatadu ay ku kooban tahay noocyo gaar ah oo kamid ah taleefannada iPhone-ka ah.

Apple

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Dhaleeceynta ay la kulantay Apple

Walaaca markii ugu horreysay waxaa kiciyay warbaahinta NBC gaar ahaan barnaamijkeeda bandhigga maanta oo warkan daaha ka soo qaadday.

Helitaan la’aanta xalka rasmiga ah ee looga gudbi karo cilladdan iyo kuwa seexda iyaga oo ku kacaya alaarmiga, waxa ay heli karaan xal fudud oo aan sidaa u badneyn.

Mid waa in qofku iska ilaaliyo khaladka caadiga ah ee bini’aadamka iyo hubsiino la’aanta, sidaa daraadeed waa in aad laba jeer hubisaa halka alaarmiga looga xirto taleefanka kadibna aad hubisaa in codku uu qor u qaadan yahay ama uu dheereysan yahay.

Iyada oo dadka qaar ay farta ku fiiqeen naqshadeeyayaasha Apple-ka ayaa waxa ay sheegeen in “sifada ka warqabka iyo feejignaanta” ee iPhone-ka ay eedda yeelan karto shirkadda qudheedu.

Marka, kuwani waxay awood u siinayaan isticmaalaha taleefannada iPhone-ka inuu hubiyo in uu fiiro gaar ah u leeyahay qalabkiisa oo uu si toos ah tallaabo u qaado.

Apple ayaa sheegtay inay rajaynayso inay si degdeg ah u xalliso arrinta.

Iphone

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Dhacdooyinkii hore ee lagu dhaliilay shirkadda

Sanadkii 2020-kii Shirkadda teknoljiyadda ee Apple ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa lagu ganaaxay lacag dhan 27 milyan oo doollar, kadib markii si bareer ah ay culeys u saartay noocyadii hore ee taleefoonadii ay soo saartay, arrintaas oo aysan ku wargelinin macaamiisheeda.

Ganaaxan ayaa shirkadda Apple waxaa saaray hey’adda Dowladda Faransiiska u qaabilsan ka hortagga waxyaabaha been abuurka ah, waxaana ay sheegtay in macaamiisha iibsaday taleefoonadii hore ee Apple aanan lagu wargelinin in sidaas lagu sameynayo taleefoonnadooda.

Sanadkii 2017-kii, Apple ayaa xaqijisay in ay si bareer ah culeys u saartay isticmaalka qaar kamid ah taleefoonadi hore ee ay shirkadda sameysay, waxaana ay intaa raacisay in sababta ay sidaas u sameysay ay tahay in la yareeyo isticmaalka mudada dheer ee taleefoonadii hore.

Apple ayaa markii ganaaxa la saaray ka dib war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in xal u helidda arrintaas ay isla meel dhigeen iyaga iyo Dowladda Faransiiska.

BBC Somali

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles