Muxuu yahay xanuunka ka dillaacay Uganda ee sababay inay mamnuucdo hilibka?

Waaxda xayawaannada ee Uganda ayaa la sheegay inay caasimadda Kampala ka mamnuuceen iibka hilibka, tallaabadan oo qeyb ka ah xayiraado wax looga qabanayo xanuunka kudka oo ka dillaacay halkaas, kaasoo saameynaya xayawaannada.

“Kala gudbinta lo’da, ariga, idaha, doofaarka iyo manaafacaadka hilibkooda, iyadoo la marsiinayo Kampala amaba gudaheeda, waa mamnuuc ilaa amar dambe,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumeysiga.

“Suuqyada xoolaha, meelaha lagu gowraco, oo ay ku jiraan halka hilibka lagu iibiyo, iyo meelaha lagu soo bandhigo xoolaha ee guud ahaan degmada ayaa degdeg loo xiray.”

Warqaddan ayaa ku asteysan March 1 balse waxay waaxaha Kampala heleen shalay oo Khamiis ah, sida lagu sheegay warar uu daabacay wargeyska gaarka loo leeyahay ee Daily Monitor.Sarkaal maamulka magaalada ka tirsan ayaa wargeyska u sheegay inay la shaqeyn doonaan hay’adaha kale si ay u hirgeliyaan tallaabooyinka karatiinka, balse warbaahinta gudaha ayaa sheegaya in dukaamada magaalada ee hilibka lagu iibiyo ay weli shaqeynayaan.

Xanuunkan oo aad u faafa kuna dhaca afka iyo cagaha ayaa sababa qandho iyo nabro biyo wata oo xanuun badan oo gudaha afka kasoo baxa, xoolahana way u dhiman karaan.

Muxuu yahay xanuunka kudka?

kudka

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Xanuunkan kudka ayaa ah mid aad u faafa oo ay sababto bakteeriyo, wuxuuna ku dhacaa xoolaha balse wuu u gudbi karaa bani’aadamka.

Sida laga soo xigtay Waaxda Xakameynta Cudurrada iyo Kahortagga, kudku waa cudur halis ah oo aad u faafa, waxaana sababta bakteeriyada Bacillus anthracis.

Wuxuu xoolaha usoo raacaa ciidda, isaga oo saameeya xoolaha la dhaqdo iyo waliba duurjoogta.

Xanuunkan kudka ayay dadka iyo xoolaha uu ku dhacaba u jirradaan.

Sidee loo kala qaadaa xanuunka kudka?

Kudka

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

  • Taabashada tooska ah ee bukaanka cudurka qaba oo la taabto, ayaa ka mid ah sida loo kala qaado.
  • Hawo qaadashada oo ay kuu soo raacdo bakteeriyada ka dibna aad ka liqdo sanka ama afka hawo wasakhaysan.
  • Quudashada hilibka bukaan cudurkani hayo
  • Taabashada carrada wasakhaysan ee hore bakhti ama hadhaa xoolo uu cudurkani dilay loogu aasay ama loo dhigay.

Dadka ugu badan ee cudurkani qaadi karaa waa dhakhaatiirta ama kaaliyayaasha caafimaadka xoolaha iyo shaqaalaha hiliblayda ah.

Cudurkan ayaa ah mid nla daweyn karo, balse mararka qaar waxaa dhacda ayada oo aan la ogaan uu dilo xoolaha.

Waa maxay saddexda calaamadood ee kudka?

Kudka

XIGASHADA SAWIRKA,THINKSTOCK

Kudka wuxuu dadka ama xoolaha ugu dhacaa saddex qaab, sida ay sheegtay WHO:

  • Kudka maqaarka: caabuqa ayaa gala halka dhaawaca ka ah xoolaha – waa nooca ugu badan uguna halista yar. Wuxuu ku billowdaa nabro jirka kaoso baxa, xanuun la’aan ah oo bar madow yeesha. Dadka qaar ayaa kadib waxay la kulmaan madax xanuun, murqo xanuun, qandho iyo mantag
  • Kudka caloosha: Noocan ayaa sababa calaamado hore oo la mid ah sumowga cuntada, balse wuxuu keeni karaa xanuun ba’an oo caloosha ah, mantag dhiig ah amaba shuban daran
  • Kudka limooniyada: Kani waa nooca ugu khatarsan wuxuuna marka hore u ekyahay sida hargabka, balse wuxuu keeni karaa dhibaatooyin ba’an oo neefsashada ah

BBC

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles