Muxuu Zaniolo Kutilmaamay Unai Emery Iyo Qodobo Kale

Diego Dalot Xiddiga Reer Portugal Iyo Kooxda United Ayaa Ammaan Kala Duldhacay Xiddiga Ay Isku Xulka Yihiin Ee Costa Kaasoo Ah Goolhaya Xulka Portugal Iyo Kooxda FC Porto.

” Waxaan U Heystay Fursado Dhoormar Inaan Usheego Inuu Leeyahay Tayo Fiican , Aniga Ahaanne Wuxuu Noqon Doonaa Mid Kamid Ah Goolhayaasha Caalamka Ugu Fiican Waqti Dhaw” Sidaas Dalot Ayaa Dhahay Mar Uu Lahadlaayey Sport TV .

Sidoo Kale Wuxuu Dhahay ” Waxaan U Maleynaa In Costa Uu Marki Horeba Diyaar U Ahaay Inuu Kubiiro Kooxaha Waaweyn Ee Yurub , Marka Uu Go’aansado Inuu U Dhaqaaqo Waana Diyaar Waana Mid Kamid Ah Kuwa Ugu Fiican Wuxuuna Leeyahay Potential Fiican Taasoo Dhaxalsiineyso Inuu Mustaqbalka Kasoo Muuqdo Masraxyada , Waa Saaxib Fiican Waana Qof Weyn Oo Miisaan Leh”.

Goolhaye Costa 146 Kulan Ayuu U Saftay FC Porto Halka Xulkiisa U Ciyaaray 19 Kulan, Mar Wax Laga Weydiiyey Xagaagii Hore Kahor Inta Aysan United Keensan Onana Xiisaha Ay Asiga U Qabto Ayaa Wuxuu Cadeeyey In United Dooqiisa Tahay Islamarkaana Ay Fiicnaan Laheyd Balse Uu Qandaraas 2027 Ah  Kula Jiro FC Porto Islamarkaana Uu Asiga Xooga Saarayo .

Zaniolo Muxuu Kayiri Unai Emery.

Xiddiga Reer Italy Iyo Kooxda Aston Villa Ee Zaniolo Ee Aan Doorka Badan Ku Laheynin Kooxdaas Ayaa Amaanay Macalnkiisa Unai Emery Asigoo Kutilmaamay Mid Kamid Ah Macalimiinta Caalamka Ee Kubadda Cagta.

Zaniolo “Unai Emery Waa Mid Kamid Ah Macalimiinta Ugu Fiican Caalamka Waana Heerka Pep Guardiola,  Jurgen Klop Iyo Jose Mourinho”.

“Waa Run maciyaaro Kulamo Badan Waana Rajeynayey I Aan Ciyaaro, Laakiin Waxaan Si Daacad Ah U Leeyahay Unai Emery Waa World Class Manager”  Siduu U Sheegay CorSport.

Dhanka Kale Dani Parejo Ayaa Heshiis Cusub U Saxiixay Kooxda Villareal Kaasoo Dhacaya Illaa June 2026 Waa Heshiis Laba Sano Ah Oo Uu Xiddiga Kusii Nagaanayo Villareal.

Manuel Akanji Oo Katirsan Xulka Switzerland Iyo Kooxda Man City Ayaa laga Saaray Xulka Qarankiisa Kadib Dhaawac Soo Gaaray Sida Uu Xaqiijiyey Murat Yakin .

City Waa Lagu Wargeliyey Inuu Ciyaaryshaanka Uu Dib Ugu Soo Laabanaayo, Sidoo Kale Maalin Dhaxdaas Walker Ayaa Ka Dhaawacmay De Bruyne Asigane Waayadaan Dhaawacle Ayuu Noqday City Bisha April-na Kulamo Muhiim Ah Ayaa Sugaayaan Ma Isbixin Karaan Mise Saameyn Ayey Ku Yeelan Doontaa.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles