“NGO-yada waan u sheegnay, Maraykankana sidan u sheega, bariis baa buuxa, digir baa dalkan buuxda, lacagta aad beeraleyda Mareykanka siineysaan siiya beeraleyda dalkeena,

Waxa soo ifbaxday dood ka dhex dhacday shabakadaha bulshada ee Tanzania, ka dib markii dowladda Mareykanka oo kaashaneysa beesha caalamka ay cunto gargaar ah gaarsiisay dugsiyada magaalada Dodoma ee dalkaas.

Wasiirka Beeraha Xuseen Baashe ayaa sheegay in ganacsatada wax soo dejisa aysan ahayn inay keenaan raashinka mucaawinada ah, isagoo sababta ku sheegay in Tanzania ay heysata cunto ku filan oo isugu jira bariis iyo digir.

“NGO-yada waan u sheegnay, Maraykankana sidan u sheega, bariis baa buuxa, digir baa dalkan buuxda, lacagta aad beeraleyda Mareykanka siineysaan siiya beeraleyda Tanzania, bariiska halkan ka iibsada, digirtana halkan ka iibsada, kadibna halkan geli nafaqooyinka oo dhan si aynu dhammaanteen u aragno.

Baashe waxa uu intaa ku daray in sidoo kale ay jirto caqabada ka haysata ka qayb galka mashaariicda, oo mashaariic badan ay si madaxbanaan u socdaan.

Sida laga soo xigtay Mareykanka, barnaamijku wuxuu ka tarjumayaa sida ay uga go’an tahay Mareykanka in kor loogu qaado caafimaadka, waxbarashada, iyo fursadaha dadyowga adduunka oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayeysan si wanaagsan u jeclaysan shabakadaha ku sugan dalkaasi oo su’aal ka keenay in dalku u baahan yahay cunto gargaar ah.

Elias G balimuma ayaa yiri, “Runtii ma waxaan uga baahanahay cunto gargaar oo naloogu keeno Tanzania? Wuxuu ku daray: Cunto??? Digir, Bariis, Saliida ubaxa cadceedda??

Wuxuu yiri, Walaalaha Mareykanka, aan iska kaashano arrimaha kale ee muhiimka ah si dhaqaalaha kor loogu qaado. Gargaarka cuntada Tanzania maya maya. Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado hogaamiyahayga oo codsaday caawimaad cunno ah. Ninkan ayaa taa beddelkeeda ka codsaday Maraykanka in uu gargaar la mid ah siiyo qaranka Suudaan.

Dhinaca kale, mid kale oo ka mid ah dadka isticmaala barta X, magaciisana lagu sheegay CAT POWER, ayaa cambaareeyay falkaasi, isagoo dalbaday in si deg deg ah shaqada looga eryo Wasiirka Gargaarka loo fidiyay.

Waxa uu sheegay in Tanzania ay tahay waddan soo saara bariis ku filan oo ay ka maqan tahay suuq. Waxa uu waydiiyay sida ay tahay in ay u isticmaalaan bariiska uu nafaqeeyay Maraykanka?.

Tanzania

XIGASHADA SAWIRKA,US EMBASSY TANZANIA

Qoraalka sawirka,Wasaaradda Beeraha

Haddaba waa kuma wasiir Xuseen Baashe?

Tanzania

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK

Xuseen Maxamed Baashe waxa uu 26-kii August 1975 ku dhashay gobolka Nzega, magaalada Tabora ee dalka Tanzania.

Wuxuuna siyaasadda uu ku soo biiray xilliyadi uu dugsiga sare ka baxay.

Waa siyaasi reer Tanzania oo ka tirsan xisbiga talada haya ee CCM, waana xildhibaan ka tirsan baarlamanka dalkaasi oo 2015-kii deegaan doorashada Nzega laga soo doortay. Wuxuuna soo ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha.

Xuseen oo dalka Tanzania caan ka ah, siyaasadda ka sokoow waxaa lagu yaqannaa inuu yahay ganacsade weyn oo dhanka beeraha horumar ka gaaray.

Wax soo saarka beeraha dhaqaalaha guud ee dalka Tanzania wuxuu ka qaataa 65% halka wax soo saarka dalka Tanzania uu dhoofiyo 24% ay yihiin wax soo saarka beeraha.

Seddex meelood laba meel shacabka dalka Tanzania ku nool noolashooda waxay ku tiirsan tahay wax soo saarka beeraha.

Dhaqaalaha gaarka ah ee wasiirka ayaa sanadki dhammaaday ee 2021-ka waxaa lagu qiyaasay inuu gaaray $3-$5 malyan oo dollar, isaga oo dhaqaalahaasi ka sameeyey wax soo saarka beeraha.

Xuseen Maxamed Baashe oo haatan ay madaxweynaha Tanzaniya ay u magacaawday wasiirka Beeraha oo sanadki hore BBc uga warramay taariikh noolaleedka madaxweynaha dalka Tanzaniya halkan ka dhageyso.

BBC

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles