Onana Oo Sheegay In Ay Top 4 Soo Galayaan Iyo Waxyaabo Kale Oo Dheeri Ah

Walaalka Jude Bellingham Oo Wacdareynaya .

Walaalka Jude Bellingham Ee U Ciyaara Kooxda Sunderland Kaasoo Lagu Magacaabo Job Bellingham Ayaa Muujinayo Wacdaro Isagoo Maanta Dhaliyey Gool Indha Qabad Leh Kaasoo Dhigay 6 Wadarta Goolasha Uu Dhaliyey Xilli Ciyaareedkaan Asigoo Khad Dhexe Ah .

Waa 18 Jir Dhashay 2005 Ma Isleedahay Sida Walaalkiis Wuu Noqon Doonaa Oo Kooxo Waaweyn Ayaa Mustaqbalka La Saxiixanaya .

Onana Oo Hadlay Kadib Kulanki Everton.

Goolhaya Kooxda United Andre Onana Oo Hadlay Kadib Guushi United Ee Ka Gaartay Everton Asigoo Sameeyey Bad Baadino Cajiib Ah Kulankaan Ay United Qaadatay Shabaqeeda Oo Nadiif Ah .

Waxa Uu Yiri “Waa Ku Faraxsanahay Bandhiga Aan Sameeyey I Aamin Waxbadan Oo Kale Ayaadna Iga Arki Doontaa”.

“Sanadaha Soo Socda Waxaan U Dagaallami Doonnaa Waxyaabo Badan Oo Waaweyn Sanadkaanne Waxaan Rajeynaa Inaan Top 4 Soo Galno Sababtoo Ah Aad Ayey Muhiim Inoogu Tahay .

Harry Iyo Record Jabin Maxaa Kala Heysta .

Wuxuu Dhaliyey 36 Gool , 10 Caawin Iyo 34 Kulan Tartamada Oo Dhan Waa Wax Aan Caadi Aheynin .

Waa Laacibkii Ugu Horeeyay Abid Ee Dhaliyey 4 Hatrick Kulamo Kala Duwan Xilli Ciyaareedkiisi Ugu Horreeyey Ee Bundesliga Ee Sidaas Sameeya .

Waa Ciyaareedkii Ugu Horreeyey Ee Abid Dhaliya +2 Gool Macnaga Laba Gool Iyo Kabadan 8 Kulan Oo Kala Duwan Xilli Ciyaareedkiisi Ugu Horreeyey Ee Bundesliga Maxaa Ka Dhihi Laheyd Record’s-ka Cajiibka Ah Ee Uu Bundesliga Ka Sameynayo.

Courtois Iyo Militão Maxaa Ka Cusub .

Macalinka Reer Italy Iyo Kooxda Madrid Carlo Ancelotti Ayaa Sheegay In Courtois Iyo Militão Ay Soo Laaban Doonaan Kadib Fasaxa Ciyaaraha Xulalka.

MO Salah Iyo Mustaqbalkiisa .

Xiddiga Faraaciinta Reer Masar Iyo Kooxda Liverpool Mohamed Salah Ayaa Sheegay In Aysan Saameyn Doonin Go’aanka Macalin Klop Ee Ku Aadan Katagitaanka Dhamaadka Xilli Ciyaareedkaan Ee Kooxda Liverpool.

Asigoo Arrintaasi Kahadlay Ayaa Wuxuu Dhahay Maalin Un Waa Katagaa Liverpool Balse Saameyn Ku Yeelandoonto Go’aan Macalin Arrimaha Mustaqbalkeyga .

Salah Wuxuu Muujiyey In Hadii Macalinka Baxo Dhamaadka Xilli Ciyaareedka Uu Eegayo Sida Ay Wax U Socdaan Kadib Markaas Uu Go’aan Gaari Doono Adiga Ahaan Maxee Kulatahay Fikirkaaga.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles