Pep Guardiola”Kompany Wuxuu Noqon Doonaa Macalinka Man City Mustaqbal ” , Xavi ” Maalin Un Waa Kusoo Laaban Doonnaa Barcelona ” Iyo Warar Kale Oo Xiiso Leh

Macalinka Cabriga Ah Ee Man City Pep Guardiola Ayaa Ammaanay Difaaciisi Hore Ee Kooxda Man City Hadana Ah Macalinka Kooxda Heerka Hoose Ulaabatay Ee Burnley Ee Vincent Kompany Kaasoo Maalmahaan Wadahal Laleh Bayern Munich Si Uu Ubadalo Thomas Tuchel Oo Xilli Qaraw Ah Galiyey Bayern Munich Muddo 11 Sano Ah Kadib .

Guardiola Wuxuu Leeyahay ” Waxba Igama Galin Hadii Uu Heerka Hoose Uceliyey Burnley Balse Fikrad Heersare Ah Ayaa Kaheystaa Shaqadiisa, Shaqsiyadiisa, Aqoonta Uu Kulanka Uleeyahay Iyo Sida Uu Ula Macaamilo Saxaafadda, Waan Ku Farxi Lahaay Hadii Aan Arki Lahaay Kompany Oo Ah Macalinka Bayern Munich “.

Dhanka Kale Wuxuu Sheegay Guardiola In Mustaqbalka Uu Noqon Doono Macalinka Kooxda Man City Wuxuuna Yiri Erayadeeda Meel Kuqoro Oo Xusuuso Marki Lagaaro  “Waan Hubaa Oo Waad Isoo Wici Doontaa Marki Arrinta Sidaas Udhacdo” Waxaa Muuqato In Guardiola Waxbadan Uu Kadhax Arko Kompany Waana Arki Doonnaa Sida Wax U Dhacaan .

Xavi Oo Waxyaabo Badan Kahadlay Kadib Ceyrintiisa .

Kooxda Barcelona Ayaa Ruqsad Siisay Macalinkooda Xavi Waxaana Lagu Wadaa In Lagu Badalo Macalinkii Hore Ee Bayern Munich Hansi Flick Kaasoo Lasiinaayo Qandaraas 2 Sano Ah Oo Dhacaya June 2026 Sida Uu Qorayo Fabrizio Romano .

Macalinka Baxaya Ee Xavi Shirkiisi Jaraa’id Ee Ugu Danbeeyey Wuxuu Kaga Hadlay Waxyaabo Badan Haba Ubadnaadaanee Macsalaameynta Kooxda Iyo Sida Uu Ugu Soo Dhabar Adeegay Muddada Uu Shaqeynaayey Oo Uu Ku Qabtay Waxyaabo Muhiim Ah Wuxuuna Yiri Hadal Dhaxalgal Ah Kaasoo Uu Kumuujinayo Siduu Ujecelyahay Kooxdaan Uu Hore Dhiiga Iyo Dhacaanka Ugu Soo Shubay Asigoo Cayaaryahaan Ah ” Marwalba Waxaan Ahaan Doonaa Taageere Barcelona Ah , Maalin Unna Waan Kusoo Laaban Doonaa Barcelona”.

Marka Uuleeyahay Barcelona Maalin Un Waa Kusoo Laaban Doonaa Wuxuu Kusheegay Inuusan Maamulka Waxba Uga Sasabaneynin Balse Aytahay Wax Kusaabsan Sida Uu Jecelyahay Kooxdaanna Aay Utahay Hooygiisa Oo Kale .

Alx Sandro Iyo Juventus Oo Kalatagaya.

Dambeedka Bidix Ee Juventus Iyo Xulka Brazil Alex Sandro Ayaa Fasalkaan Dhamaadkiisa Katagaya Kooxda Marwada Duqda Ah Ee Juventus Waliba Qaab Beeca Xorta Ah Wuxuuna Maanta Ciyaari Doonaa Kulankiisi Ugu Danbeeyey Ee Uu Juventus Usafto .

Difaacaan Ayaa Heysta Dalabyo Kala Duwan Oo Kaga Imaanayaan Dhankaa Iyo Wadankiisa Brazil Wuxuuna Hadda Diyaar Uyahay Inuu Dhageysto Dalabkasto Oo U Imaanayo Balse Kaliya Ma Ahin Kuwa Waddankiisa Ee Waa Midkii Uu Kuqanco .

Marcos Alonso Oo Macsalaameynaya Camp Nou.

Dambeedka Bidix Ee Spain Iyo Kooxda Barcelona Marcos Alonso Ayaa Katagaya Gigada Caanka Ah Ee Camp Nou Waliba Qaab Beeca Xorta Ah Sanado Yar Uu Halkaas Joogay Balse Guulo Waaweyn Uu Lagaaray .

Bixitaanka Alonso Macelin Karto Ayaa Laleeyahay Xattaa Imaanshaha Hansi Flick Ee Kooxda Barcelona Go’aankaas Hore Ayaa Loo Gaaray Waxna Iskama Badalayaan Sida Ilo Wareedyo Xog Ogaal Ah Tilmaamayaan.

Emery Oo Quudareynaya Ross Barkley.

Macalinka Reer Spain Iyo Kooxda Aston Villa Unai Emery Ayaa Ku Qanciyey Maamulka Kooxda Aston Villa Tayada Uu Leeyahay Laacibkii Hore Ee Everton , Chelsea Iyo Crystal Palace Ee Ross Barkley Oo Hadda Kusugan Kooxda Heerka Hoose Ulaabatay ee Luton Town.

Maamulka Villa Waxa Ay Isku Dayayaan In Ay Soo Xero Galiyaan Laacibkaan Reer England Ee Tayada Leh Si Aay Uxoojiyaan Qadkooda Dhexe Islamarkaana U Qanciyaan Macalinkooda Unai Emery Kaasoo Fasalkaan Kooxda Kaqabtay Shaqo Cajiib Ah Champions League-na Usoo Saaray Sanado Badan Kadib .

Rooney Oo Helay Shaqo Cusub .

Rug Cadaaygii Kooxda United Iyo Xulka England Wayne Rooney Ayaa Noqonaya Macalinka Kooxda Plymouth Argyle Kadib Ceyrintiisa Kooxda Birmingham 4 Bil Kadib Wuxuuna Lagaaray Heshiis 3 Sanadood Ah Oo Uu Kooxdaas Ku Maamulaayo .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles