Phil Foden Oo Ku Guuleystay Player Of The Season Muxuu Ku Muteystay Abaal Marintaan (Warbixin)

Laacibka Garabka Iyo Number 10-kaba Kaciyaara Ee Reer England Iyo Kooxda Man City Phil Foden Ayaa Ku Guuleystay Laacibka Ugu Fiican Xilli Ciyaareedka 2023/24 Ee EPL .

Abaalmarinta Wuxuu Kaga Guuleystay 7 Shaqsi Oo Ayagane Xilli Ciyaareedkaan U Sharaxnaa Abaalmarintaan Balse Marki Laga Fiiriyo Dhinacyo Badan Foden Qof Kaga Qalantay Malahan Qaabciyaareedka Uu Fasalkaan Soo Bandhigay Wuxuu Mid Aad Cajiib U Ah Kooxdiisana In Ay 1 Dhibic Hogaanka Kaga Haayaan Kooxda Arsenal Oo Dooneysa In Abaarta Horyaalka Muddo 20 Sano Ah Kabaxdo.

Asigoo Kahadlaayo Ku Guuleysiga Abaalmarinta Wuxuu Yiri ” Inaan Ku Guuleysto Abaalmarintaan Waa Darajo Aan Si Qoto Dheer Ah Ugu Faanaayo , Horyaalka EPL Waa Horyaalka Ugu Weyn Caalamka Waana Ii Farxad Inaan La’ Ii Doortay Ayadoo Ay Jireen Laacibiin Badan Oo Kale Oo Ayagane Kooxahooda La Qaatay Xilli Ciyaareed Cajiib Ah Oo Lagu Raaxeystay “.

Dhanka Kale Foden Wuxuu U Socdaa Horyaalkiisa 6-aad Oo EPL Ah Asigoo Jiro Da’da 23-aad Ee Cumrigiisa Waxa Ayna Kooxdiisa Etihad Kusoo Dhaweyneysaa Maalinta Birita Ah Kooxda West Ham United Oo Hadii Ay Kabadiyaan Ku Xaqiijinayaan Horyaalkoodi 4-aad Oo Xiriir Ah Oo Aysan Jirin Koox Hore U Sameysay Taariikhda EPL  Wuxuu Sheegay In Macno Weyn Ugu Fadhido Markoodi 4-aad Oo Xiriir Ah Qaadaan Horyaalka Taasna Ay Kaxigto Maalinta Birrito Kaliya Wuxuuna Kudaray In FA Cup-kaS Sidoo Kale Diirada Saarayaan Si Sanadkaan Uqaadaan 2 Koob Oo Waaweyn Maadaama Champions league Madrid Ka Ciribtirtay.

Foden Guud Ahaan 2023-24 Wuxuu Saftay 51 kulan  Wuxuuna Dhaliyey 25 gool  Halka 11 Gool Uu Caawiyey Asigoo Qaatay 3 Digniino Oo Jaale Ah .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles