Pochettino Muxuu Kayiri Dhaawacyada James Iyo Nkunku Iyo Klop Oo Ammaanay Mac Allister

Macalinka Kooxda Chelsea Mauricio Pochettino Ayaa Rajo Xumo Ka Muujiyey Taam Ahaanshaha Laba Kamid Ah Xiddigahiisa Oo Kala Ah Reece James Iyo Christopher Nkunku.

Pochettino Ma Hubo  In Reece James Dib Danbe U Ciyaari Doono Xilli Ciyaareedkaan  Wuxuuna Silamid Ah Sheegay In Nkunku Sidoo Kale Uusan Hubin Inuu Dib U Ciyaari Karo .

” Waa Isku Mid James Iyo Nkunku Waa Arki Doonnaa Xaalada Isbuucba Isbuuca Kadanbeeya Annagoo Lasoconeyno Wixi Soo Kordha”.

” Ma Ogi Hadii James Dib Danbe U Ciyaari Doono Inta Kala Dhiman Xilli Ciyaareedkaan Weyna Adagtahay In Saadaal Laga Bixiyo Xaalada Waqti Xaadirkaan” .

Gaba Gabadii Mar Laweydiiyey Hadii Ayjirto Macquul Ahaanshaha Ah Inuu Wax Un Ka Heli Karo Wuxuu Yiri ” Haa Dabcan Waa Rajeyneynaa Waana Arki Doonaa Isbuucba Isbuuca Kadanbeeya”

Klop Oo Ammaanay Mac Allister .

Macalinka Reds Jurgen Klop Ayaa Ammaan Kala Duldhacay Xiddigiisa Uciyaara Liverpool Ee U Dhashay Dalka Argentina Kaasoo Waddankiisa Kula Guuleystay Koobka Adduunka 2022.

Wuxuu Yiri Klop ” Waa Ciyaaryahaan Heer Sare Ah Oo Aad U Wanaagsan Waxaan Laheynay Dareen Ku’aadan Taas Marki Aan Lasoo Saxiixaneynay Wuuna Kasoo Baxay Wixi Aan Kafileynay Waliba Dheeraad Ayuu Sameynayaa”.

” Waa Mid Cajiib Ah Oo Joogteyn Leh Waa Shaqsi Fiican  Oo Jecel Inuu Liverpool Sida Ugu Wanaagsan Ugu Ciyaaro Waana Inoo Muhiim Waana Farqi Sameeye” Ayuu Hadalkiisa Kusoo Gaba Gabeeyey.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles