Qaar Kamid Ah Xanta Suuqa Ee Tababarayaasha Kubadda Cagta Yurub

 

Macalin De Zerbi Oo Ahaa Macalinkii Maamulaayey Kooxda Brighton Ayaa Jeclaan Lahaay Inuu Wali Kasii Shaqeeyo Gudaha England Kadib Katagitaankiisa Shaqada Tababarenimo Ee Brighton.

Waxaa Lala Xiriirinayaa Kooxda Facaweyn Ee Man United Laakiin Majirto Wali Wax Go’aan Ah Oo Laga  Gaaray Mustaqbalka Erik Tenhag Sidoo Kale Macalinkaan Wax Wada Hadal Ah Wali Lama Yeelan Chelsea Oo Ayadane Lala Xiriirinaayey Sida Wararka Xanta Ah Ay Sheegayeen Maalmahaan .

Kompany Iyo Bayern Munich Halkee Buu Maraa Wadahadalkoosa?.

Maamulka Guud Ee Bayern Munich Ayaa U Arka In Vicente Kompany Uu Leeyahay Tayo Aad U Weyn Oo  Uu Ku Noqon Karo Macalin Heersare Ah,  Hab Maamulkiisa La Aamini Kado Iyo Aragtiyadiisa Uu Ku Howlgalo.

Warar Wanaagsan Ayaa Kasoo Baxaya Wada Hadalladada U Socda Labada Dhinac Ayadoo Waxyaabo Badan Hormar Laga Gaaray Waliba Waxaa Ladhihi Karaa Inta Ugu Badan Waa La Isku Afgartay Illaa Iyo Xad  Waxyaabo Yar Yar Ayaa Dhiman Kaliya Taasna Waxa Ay Ubadantahay In Isbuucyadaan Ladhameyn Doono .

Frioli Oo Ku Sugan Amsterdam Kuna Biiraya Ajax .

Tababaraha Reer Talyaani Iyo Nice Ee Francesco Farioli Ayaa Hadda Kusugan Magaalada Amsterdam Si Oo U Dhameystiro Kubiiridiisa Kooxda Ajax Asigoo Noqonaya Macalinka Maamuli Doona Fasalka Soocda Ee 2024/25 .

Waxwalba Waa Diyaar Waxaana Laga Sugaa Kaliya Inuu Qandaraaska Saxiixo Islamarkaana Lagu Dhawaaqo .

Maxaa Kajira Heshiiska Lopetegui Iyo West Ham United?.

Julen Lopetegui Ayaa Qalinka Ku Duugay Asigoo Noqonaya Macalinka Cusub Ee Kooxda West Ham United Sida Lagu Cadeeyey Warbixin Aay Kooxda Soo Saartay .

Heshiiska Labo Isbuuc Kahor Ayaa Lasoo Gaaray Balse Maanta Ayaa Official Laga Dhigay Oo Lasoo Bandhigay Sida Uu Yiri Macalinka Reer Spain .

Asigoo Kahadlaya Arrintaas Wuxuu Yiri ” Waa Ku Faraxsanahay In West Ham I Dooratay Maxaa Yeelay Anigaba West Ham Ayaa Doortay Sidaas Daraatees Waxaan Halkaan Lanimid Aragti Iyo Fikir Ku Aadan Sameyn Wax Weyn “.

Enzo Maresca Iyo Sevilla.

Macalin Enzo Maresca Ayaa Helayey Dalb Kaga Imaaday Kooxda Laliga-ha Spain Kasocota Ee Sevilla Isbuucyadii Lasoo Dhaafay Balse Asiga Ma Dooneynin Inuu Hore Udhaqaajiyo Wadahadalladaas .

Maresca Wuxuu Doonayaa Inuu Diirada Saaro Primier League, Inuu Kashaqeeyo Kubadda Cagta England Iyo Inuu England Joogo  Qanadaraaska Heshiiskiisa Waxaa Lagu Burburin Karaa 7M Ilaa Iyo 8M Meelahaas.

Thiago Motta Iyo Juventus.

Macalin Thiago Motta Wuxuu Kuwargelin Doonaa Kooxdiisa Bologna Go’aankiisa Ku’ Aadan Kubiiritaanka Kooxda Juventus Ee Xagaayga Soo Socda Sida La Rajeynaya  Saacadaha Soo Socda Ayuu Arrintaas Ku Dhaqaaqi Doonaa.

Xiisaha Hansi Flick Ee Barcelona.

Barcelona Ayaa Dar Dar Gelineyso Xiisaha Ay Uqabto Macalinkii Hore Ee Bayern Munich Iyo Xulka Germany Ee Hansi Flick Kaasoo In Muddo Ah Isha Ku Haayey Jagada Xavi Hernandez Ee Barcelona .

Flick Marnaba Wax Wada Hadal Ah Lama Yeelan Kooxda Chelsea Oo Wararka Xanta Ah Ay La Xiriirinayeen Wuxuuna Marwalba Diirada Saarayay Xaalada Barcelona Iyo Xavi U Dhaxeyso Hadii Xavi Uu Baxaayo Iyo Hadii Kale Shaqsiyadiisa Wuxuu Jecelyahay Inuu Macalin Unoqdo Barcelona Sidoo Kale Laporta Ayaa U Arka Ninka Ku Haboon Ee Maamuli Kara Barcelona.

Maadaama Barcelona Dhaqaalo Xumo Heysato Waxaa Laga Yaabaa In Ay Isku Keeni Waayaan Bixinta Lacagaha Xavi Uu Karabo Ee Deynta Ah  Iyo Lacagta Lagula Heshiinayo Hansi Flick Taasoo Sababi Karta In Ay Xilka Macallinimo U Dhiibaan Rafael Marquez Oo Maamula Ciyaartoyda Academy-ga Ah Ee Lamasia  , Maalmaha Soo Socda Ayey Walba Kala Cadaan Doonaan .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles