Qadiibki Masjidka Sh: Seylici, Sheekh Axmed Jaa oo geeriyooday (Taariikh Nololeed Kooban)

Innaalillaahi Wa Innaa illeehi Raajicuun, waxa magalaada Muqdisho ku geeriyooday Allaah Unaxariistee Sheekh Axmed Sheekh Maxamuud Suufi Bisle oo ku magac dheeraay Sheekh Axmed Jaa.

Allaah Unaxariisto Sheekh Axmed jaa ayaa ugeeriyooday xanuun mudo kooban hayay iyadoo geerida Marxuumka looga tacsiyeenayo dhamaan ehelka iyo qaraabada marxuumka.

Taariikh nololeed kooban oo ee soo aruurisay shabakada Warsheekh ayaa halkaan idinku soo gudbin doonaa.

Allaah Unaxariistee Sheekh Axmed Sheekh maxamuud Suufi Bisle oo ku magac dheera Sheekh Axmed Jaa ayaa kutilmaanaa uqidmeenta diinta islaamka iyo gar gaarka dadka masaakiinta ah.

Sheekh Axmed Jaa ayaa xiliyadi ugu dambeeyay waxa uu ahaa qadiibka Masjidka Sheekh Cabdiraxman Seylici ee degmada Kaaraan isagoo halkaa kudushin jiray jameecada Masjidka isla markaana aqrin jiray Qudbada Jimcaha.

Sidoo kale Sheekh Axmed Jaa ayaa waxa uu qeyb ka ahaa culimada quudata aqrinta qur’aanka kariimka gaar ahaan waxa uu daa’imi jiray kaqeybgalka subacyada.

Dhanka kale waxa uu sheekha qeyb kamid ah noloshiisa kusoo qaatay ganacsiga isagoo sanado badan kamid ahaa ganacsatada Soomaalida ee ugu magac dheer wadanka Konfur Afrika gaar ahaan Magaalada Capetown, halkaasi oo sidoo kale kutilmaamnaa isku xiraha bulshada gaar ahaan dhalinyarada oo u ahaa dhiire geliya katala siiya kunoolaanshaha qurbaha iyo kudadaalida cibaadada.

Dhamaan tilmaamaha laga bixiyay Sheekh ayaa waxey tilmaamayaan inuu kusuntana, naxariis, dad jaceyl, deeqsinimo, dhiiregeliyaha dhalinyarada soo koreesay iyadoo geeridiisana noqotay mid siweyn loo dareemay.

Markale waxa ee dhamaan bahda Shabakada Warsheekh udirayaan dhambaal tacsi ah ehelka iyo qaraabada Sheekha iyagoo alle uga baryayaa samir iyo Iimaan.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles