Qaylodhaanta Musliimiinta wadankooda ku dhex dulman

Lix sano ka hor, wiil Muslim ah ayaa isagoo waji cas ka soo laabtay iskuul caan ah oo ku yaalla magaalada Agra ee waqooyiga dalka Hindiya. “Ardayda aan isku fasalka nahay waxay iigu yeereen argagaxiso Pakistani ah,” ayuu wiilka sagaal sano jirka ah u sheegay hooyadii. Wiilka yar ayaa sheegay in isaga oo ay ku jeesjeesayaan ardaydii ay isku fasalka ahaayeen uu u yimid macallinkoodii.

Waxa uu shaaca ka qaaday in ardaydii ay isku fasalka ahaayeen qaarkood ay ugu yeedheen mid Sharaf darran oo liita. Hooyada wiilka way cabatay, waxaana loo sheegay inay “wax mala awaal yihiin… arrimahan oo kale ma dhicin”.

Reema Axmad ayaa aakhirkii wiilkeeda ka saartay dugsiga. Maanta isagoo 16 jir ah ayayna guriga wax ku bartaa

“Waxaan ku dareemay cadhada bulshada waaya aragnimada wiilkayga, dareenka aanan waligay xasuusan in aan ku jiray dhalinyaranimadayda halkan ku soo koray,” ayay tidhi.

Bimal Thankachan

XIGASHADA SAWIRKA,BIMAL THANKACHAN

Qoraalka sawirka,Reema Axmed wiilkeedii ayay ka saartay Iskuulka oo hadda guriga ayay wax ku bartaa

“Mudnaanteena fasalka ayaa laga yaabaa inay naga ilaalisay inaan dareemno Muslim mar walba. Hadda, waxay u muuqataa fasalka iyo mudnaanta ayaa kaa dhigaysa bartilmaameed muuqda.”

Tan iyo markii Xisbiga Hinduuga mayalka adag adag ee uu hoggaamiyo Narendra Modi ee Bharatiya Janata Party (BJP) uu xukunka qabtay sanadkii 2014tii Muslimiinta ku nool dalka Hindiya oo tiradooda gaadho 200 boqol oo milyan ayay u bilaabatay safar qalafsan.

Qooxo qowlasato ah oo iskood isku abaabulay ayaa marjiyay dad looga shakiyay in ay lo’oda ka ganacsanaan waxayna sidoo kale beegsadeen ganacsiyo yaryar oo ay musliimiintu leeyahiin.

Ol’oleyaal ka dhan ah masaajidda ayaana laga bilaabay Internet-ka kooxo warxumo tashiil ah ayaana online-ka ku sameeyay xaraash haweenka muslimiinta ah. Kooxahaan ayaana sii huriyay nacaybka ka dhanka ah muslimiinta iyagoo sheegay in ay musliimiintu jihaad doon yahiin.

Waxayna ku been abuurteen in ragga musliimiinta ah ee guursada dumarka Hinduuga ah ay muslimiyaan. Hadalada ka dhanka ah Muslimiinta ayaana kor u kacay. Saddex meelood dhacdooyinkaas lasoo tabiyay ayaana ka dhacay gobolada uu maamulo xisbiga BJP.

“Muslimiintu waxay noqdeen muwaadiniin heerka labaad ah, dad laga tiro badan yahay oo aan la arki karin oo dalkooda ku nool,” ayay tiri Ziya Us Salam, oo ah qoraa buug cusub, ‘Muslim ku ah Indiyada Hinduuga’.

Laakiin xisbiga BJP iyo hoggaamiyahooda Ra’iisul Wasaare Nerandra Modi – waxay inkireen in dadka laga tirada badan yahay si xun loola dhaqmo Hindiya.

“Kuwani waa hadalada caadiga ah ee dadka qaar [qabaan] kuwaas oo aan isku dhibin inay la kulmaan dadka [aragtiyaha] ka baxsan adduunkooda yar. Xitaa dadka laga tirada badan yahay ee Hindiya ma iibsanayaan sheekadan mar dambe,” ra’iisul wasaaraha ayaa u sheegay majaladda Newsweek.

Kaleem Axmed Qureshi

XIGASHADA SAWIRKA,BIMAL THANKACHAN

Qoraalka sawirka,Kaleem Axmed Qureshi

Kaleem Axmed Qureshi, oo ah injineer-software-ka haddeerse isu rogay nashqadeeyaha dahabka iyo muusigiistan ah, waa jiilka toddobaad ee magaalada Agra, kaas oo sidoo kale hoggaamiya socdaalada dhaqan ee magaalada

Isaga oo sita Rubab, oo ah qalab muusig oo sida caadiga ah looga ciyaaro Afgaanistaan, waxa uu raacay taksi wadaag ah oo uu la socday qof Hinduuga ah oo ka yimi Delhi una socday Agra dhawaan. “Markii uu arkay waxaan watay, wuxuu iga codsaday inaan furo, isagoo ka baqaya inuu qori yahay. Waxaan dareemay falcelintiisa magacayga [in ay keentay magacayga uu maqlay],” ayuu yidhi Qureshi.

“Waxaa jira welwelkan [oo aan la noolnahay]. Marka aan hadda safrayo, waa inaan aad uga warqabaa meesha aan joogo, waxaan dhaho iyo waxaan sameeyo. Culeys ayaan ku dareemaa xiitaa in aan magacayga sheego markaan tigidhka tareenka goosanayo”

Qureshi waxaa uu si cad ugu arkaa sababta dhibaatada: “Siyaasaddu waxay leedahay noocyo [marka la eego] xidhiidhka ka dhexeeya bulshooyinka”.

Mudaharaadayaal muslimiin ah u doodaya xuquuqdooda magaalada Kolkata sanadkii 2022

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Qoraalka sawirka,Mudaharaadayaal muslimiin ah u doodaya xuquuqdooda magaalada Kolkata sanadkii 2022

“Ma jirto sabab ay Muslimiintu u welwelaan,” Syed Zafar Islam, oo ah afhayeenka qaranka ee xisbiga BJP, ayaa yidhi isagoo u aaneynaya Islaam nacaybka “xarumo warbaahineed oo aan mas’uuliyad [qaadi Karin]”.

“Dhacdo yar ayaa meel ka dhacda, saxaafadduna waxay u sii weynaysaa sidii in ayna waligeed dhicin [oo kale], waddan ay ku nool yihiin 1.4 bilyan oo qof, dhowr shil oo noocan oo kale ah ayaa ka dhex dhici kara bulshooyinka dhexdooda,” ayuu raaciyay.

“Ma soo koobi kartaan hal ama laba dhacdo [oo ma dhihi kartaan xisbiga talada haya waa Muslim naceyb.

Weriyaha BBC-da Soutik Biswas ayaa weydiiyey sida uu ka yeeli doono haddii u ilmihiisu dugsiga ka yimaado, isagoo leh ardaydii ay isku fasalka ahaayeen waxay ku calaamadiyeen “argagixiso Pakistani ah” diinta qoyska awgeed. Afhayeenkii hore oo xisbiga kusoo biiray sanadkii 2014-kii ayaa waxa uu dhalay labo caruur ah oo mid kamid ah uu hadda ku jiro iskuul.

“Sida waalid kasta oo kale, waxaan dareemi lahaa xumaan. Waa mas’uuliyadda dugsiga si loo hubiyo inaysan dhicin waxyaabahan oo kale, waalidiintu waa inay hubiyaan inaysan dhihin waxyaalahan oo kale,” ayuu yidhi.

Erum oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha deegaanka ahna jiilka shanaad ee degan Agra, ayaa sidoo kale dareentay isbedel ku yimaaday wada sheekaysiga dhexmara carruurta magaalada markay ka shaqaynaysay dugsiyada deegaanka.

“Ha ila hadlin, hooyaday waxay igu tidhi in aana [hadal],” ayay maqashay ilmo u sheegaya arday ay isku fasal ahaayeen oo Muslim ah.

“Tani waxay ka tarjumaysaa nacaybka qoto dheer ee Muslimiinta. Waxayna noqon doontaa wax aan si fudud u bogsan,” Erum ayaa tiri.

BBC Somalia

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles