Qisadii dhaxmartay Sh: Cabdulqaadir Jeylaani iyo nin sakhraansan

Waxa la weriyay in Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani oo ardadiisa la socdaa ay kusoo bexeen nin sakhraansan oo durdur biyo wasakh ahi maraan dhex fadhiya, dharkiisu aad u wasakhaysan yahay, xaalkiisana laga naxayo.

Sakhraankii ayaa sheekhii u yeeray, isagoo u dhawaaqaya oo leh: “Cabdulqaadirow, Alle ma awoodaa mise ma awoodo?”

Sheekh Cabdulqaadir oo dhoola caddaynaya ayaa ugu jawaabay: “Waa awoodaa”.

Mar kale ayuu u dhawaaqay: “Cabdulqaadirow, Alle ma awoodaa mise ma awoodo?”

Sheekhii oo dhoola caddaynaya ayaa mar kale ugu jawaabay: “Waa awoodaa”.

Mar saddexaad ayuu u dhawaaqay: “Cabdulqaadirow, Alle ma awoodaa mise ma awoodo?”

Markaas, sheekhii inta uu ooyay, buu sujuud la dhacay isagoo leh: “Ilaah baan ku dhaartaye waa awoodaa, waa awoodaa, waa awoodaa”.

Markaas ardadiisii waxa uu ku amray inay xambaaraan, u qubeeyaan, marti sooraan, si wanaagsanna ula dhaqmaan.

Ardadii waa ay la yaabeen falka sheekha, waxana ay weydiiyeen micnaha ka dambeeya hadalka ninka sakhraansan.

Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani waxa uu yiri: “Markii koowaad waxa uu ka waday: Alle ma awoodaa in uu tawbadayda aqbalo mise ma awoodo. Waxan ku iri: Waa awoodaa. Markii labaad waxa uu ka waday: Alle ma awoodaa in uu booskaaga i geeyo mise ma awoodo. Waxan ku iri: Waa awoodaa. Markii saddexaad waxa uu ka waday: Alle ma awoodaa in uu adiga booskayga ku keeno. Markaas baan Alle cabsidiisa la ooyay, waxanan ku iri: Waa awoodaa, waa awoodaa, waa awoodaa. Keddib inta aan sujuuday baan Alle ka baryay in asturaadda iyo caafimaadka uu i siiyay uu igu waariyo.

Alle waxa uu yiri:
[أَفَأَمِنُوا مَكْرَ اللَّهِ فَلا يَأْمَنُ مَكْرَ اللَّهِ إِلا الْقَوْمُ الْخَاسِرُونَ] [الأعراف:99]
(Miyay ka aamin noqdeen dhagarta Alle, waxa keliya oo dhagarta Alle ka aamin noqda qolo khasaartay).
—————————————————-
Dhagarta Alle: Iyagoo macsi ku dhex jira in uu u fududeeyo oo raaxada sii dhex geliyo.

Ka aamin noqda = is dhigta oo aan ka tashan kana digtoonaan.

Sabriye Musse
moqokori@gmail.com

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles