Qorshe lagu ciribtiraayo Alshabaab bilaha soo socda oo la diyaariyay (Warbixin)

La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macallin ayaa sheegay in qorshihii dowladda ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, aanu ‘waxba iska bedelin’ isaga oo intaas ku daray in qiyaasta dowladda ay tahay in Al-shabaab ‘aysan dhaafi doonin bilaha soo socoda’.

“Horumar aan caadi aheyn ayaa laga gaaray dagaalka Al-shabaab. Dagaal marka lagu jiro waxaa dhici kara waxyaabo gaabis ah ama habac ah oo aan markii hore la qorsheyn, laakiin istiraatiijiyadda dowladda ee dagaalka Al-shabaab waxba iskama bedelin” ayuu Xasan Macallin ku sheegay wareysi uu Jimcihii siiyay warbaahinta dowladda.

Mar uu ka hadlayay marxaladda ay ku sugan yihiin madaxda Al-shabaab ayuu yiri “Dadka Al-shabaab madaxtooda ka warhaya sida ay hadd u fikirayaan waa dad meel raadis ah, laakiin dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la gaarsiiyo wakhtigii is-dhiibi lahaayeen ama ay dalka ka carari lahaayeen”

Waxa uu sheegay inay dowladda u sahlan tahay inay isa soo dhiibaan madaxda Al-shabaab.

Xasan Macallin ayaa intaas ku daray inay jiraan xubno ajnabi ah oo ka tirsan Al-shabaab, oo uu sheegay in la macaamilmooda ay u baahn doonto ‘iskaashi caalami ah.’

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib dib u doorashadiisii ku dhawaaqay dagaal dhawr weji ah oo ka dhan ah Al-shabaab, iyada oo wixii intaas ka dambeeyay deegaanno ka tirsan Galmudug, Hirshabelle, Jubaland iyo Koofur Galbeed ay ka dhaceen kacdoon lagaga soo horjeedo AL-shabaab, waxaana ciidamada dowladda oo kaashanaya maleeshiyaad ka tirsan dadka deegaanka ay Al-shabaab ka xoreeyeen magaalooyiin, tuulooyin iyo deegaanno badan.

Hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab waxaa sidoo kale taageera duqeymaha Mareykanka iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

 

Voa

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles