Qubane Sports Oo Goos Goos Ah Iyo Alonso Oo Biyo Qabow Ku Shubay Xiisaha Liverpool Iyo Bayern Munich

Macalinka Bayern Leverkusen Xavi Alonso Ayaa Qalbada Jibiyey Kooxaha Liverpool Iyo Bayern Munich Kuwaasoo Uu Labadaba Hore Ugu Soo Ciyaaray Mudadi Uu Ciyaaryahaanka Ahaay .

“Wax War Ah Kama Dhahaayo  Wararka La Xiriira Liverpool Iyo Bayern Waa Kooxo Waaweyn Anigane Xiriir Adag  Ayaa La Leeyahay Balse Hadda Meel Aan Ku Faraxsanahay Ayaa Joogaa”.

” Ma Ahin Waqtigii Aan Go’aan Ka Gaari Lahaay Mustaqbalkeyga, Hadda Waxaan Rabaa Inaan Hormariyo Bayern Leverkusen”.

Maxaa Kaaga Baxay Hadalka Alonso Ee Ku Aadan Inuu Ku Gacan Seeray Rabitaanka Kooxihiisa Hore.

Klop Oo Ka Warbixiyey Dhaawacyada Robertson Iyo Nunez.

Macalinka Liverpool Klop Ayaa Sheegay Dhaawaca Robertson Ee Xulka Kasoo Gaaray Inuusan Haliis Badneyn Wuxuuna Tilmaamay In Maalinba Maalinta Kadanbeyso Uu Dadaalayo Mana Uxumo Sida La Filayo .

Sidoo Kale Wuxuu Sheegay In Darwin Nunez Uu Fiicanyahay Islamarkaana Uu Team-ka La Tababartay Wax Walbana Ay OK Yihiin .

Haidara Oo Heshiis Cusub Saxiixay.

Amadou Haidara Ayaa U Saxiixay Kooxdiisa RB Leipzig Heshiis Cusub Kaasoo Gaaraya June 2026 Sida Ay Xaqiijisay Kooxda .

Waxaa Ku Xeran Heshiiskaan Release Clause Gaaraya €30m Oo Euro Maanta Ayaana Lasaxiixay .

Saka, Martinelli Iyo Magalhães Diyaar Ma U Yihiin Kulanka City .

Xiddigaha Kala Ah Saka, Gabriel Martinelli Iyo Gabriel Magalhães Ayaa La Sheegay In Ay Jiraan Jaanis Ay Ku Ciyaari Karaan Kulanka Indhaha Caalamka Wada Sugayaan Ee Isbuucsan Arsenal U Martineyso Dhigooda Man City Gigada Etihad Stadium.

Xiddigahaan Ayaa Qaarkood Xulalkooda Kusoo Dhaawacmeen Halka Saka Uusanba Aadin Kulamadi Xulalka Dhaawac Yar Oo Shaki Ah Uu Qabay Uu Uga Haray .

Mar Laweydiiyey Macalin Arteta In Xiddigahaan Ay Jaanis U Heystaan Kulankaas Ayuu Ku Jawaabay “Haa”.

Wuxuu Sidoo Kale Yiri ” Wali Ma Aysan Tababaranin, Fadhi Kale Ayaa Leenahay Laakiin Waxaa Jira Jaanis Waxa Ayna Qeyb Kanoqon Karaan Squad-ka Kooxda”.

Ange Oo Ka Hadlay Xiddigaha Usoo Laabtay Kooxdiisa .

Macalin Ange Postecoglou Oo Kahadlaayey Taam Ahaanshaha Ciyaartoyda Kulamada Kooxdiisa Kusoo Fool Leh Ayaa Sheegay In Bentancur, Micky Van De Ven Iyo Richarlison Aay Dhamaantood Fiica yihiin Islamarkaana La Heli Karo In Ay Kooxda Caawiyaan.

Richarlison Oo Uu Gaar Uga Hadlay Ayuu Tilmaamay Inuu OK Yahay Balse Jiro Xanuun Yar Wuxuuna Sheegay In Ay Qiimeynayaan Fiicnaanna Uu Dareemaayo Xattaa Kadib Tababarka .

Leave a Comment

Array

Related Articles

English News

Facebook Feed

Articles