Qubane Sports Oo Kooban: Horyaalada Ingiriiska, Talyaaniga iyo Isbeyn.



Madaxweyne Infantino Oo Ah Ninka Ugu Sarreeyo Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka Ee FIFA Ayaa Ku Gacan Seeray Aqbaalada Ku Aadan Kaarka Buluuga Ah Ee Afka Qalaad Lagu Dhaho (Blue Card) Kaasoo Dhawaantaan Lasoo Saaray Doodiisane Aysocotay Sida Uu U Dhaqan Gali Karo .

” Majirto Fursad Ama Hab Sare Oo Loogu Talagalay Kaarka Buluuga Ah Tani Ma Ahin Mid Dhaceyso Mowqifkeyga Aad Ayuu U Cadyahay” Infantino Ayaa Sidaas Yiri .

Xiddiga Los Blancos Ee Real Madrid Lucas Vazquez Ayaa Qandaraaskiisa Uu Kula Jiro Madrid Dhacayaa June 2024 Waxaana Macalinkiisa Ancelotti Uu Sheegay Ineysan Wali Kawada Hadlin Qandaraas Kordhin Arrintaas Kuwajahan Ayadoo Uu Sheegay In Ay Jiraan Ciyaartooy Badan Oo Asiga Lamid Ah Kuwaasoo Qandaraasyadooda June Sanadkaan Dhacaayaan Wuxuuna Ku Ammaanay Inuu Qaadanayo Xilli Ciyaareed Fiican Taasoo Laga Dareemi Karo In Ayjirto Rajo Ah Inuu Qaato Qandaraas Kordhin .

Macalin Erik Tenhag Oo Ah Macalinka Leyliya Kooxda Faca Weyn Ee Man United Ayaa Lagu Wadaa In Xilli Ciyaareedka Soo Socda La Siin Doono Ruqso Ku Aadan Shaqada Uu Kahaayo United Waxaana Jiraan Macalimiin Badan Oo United Isha Kuhaayaan Kuwaasoo Loo Arko In Ay Badali Karaan Ten Hag Oo Dadka Qaar Qabaan Inuusan United Waxba Kusoo Kordhinin .

Waxaa Kamid Ah Dadkaas Loo Arko In Ay Badali Karaan Graham Potter Macalinkii Chelsea Kufashilmay Iyo Zidane Macalinkii Hore Madrid Ee 3 Champions league Xiriir Ah U Qaaday In Muddo Ahna Aanan Koox Leylin kadib Kulaabashadiisa Madrid Markale .

Aragtidaada Macalinkee Ku Haboon Inuu Badalo Tenhag Macalimiinta Waa Badan Yihiin Labadaan Kaliya Ma Ahin Balse Wararka Maanta Labadaan Ayey Kahadlayaan Adiga Ahaan Fikradaada Hoos Kusoo Qor Macalinkee United Kuhaboon.

Xiddigii Hore Ee Kooxda Barcelona Iyo Xulka Spain Andre’s Iniesta Ayaa Gaaray 1000 Ciyaarood Oo Safasho Ah Guud Ahaan Intuu Kubadda Cagta Ciyaarayey Hubaal Waa Mid Kamid Ah Ciyaartoyda Qadka Dhexe Ee Kubadda Cagta Ciyaaray Kuwooda Ugu Fiican Wuxuuna Ahaay Mid Kubadiisa Lagu Raaxeysto Heerarka Ugu Sar Sareeyo Kubadda Ka Gaaray .

City Ground Waa Garoonka Kooxda Nottingham Frest Waana Garoonka Kaliya Ay Liverpool Ku Ciyaartay Inkabadan Hal Kulan Oo Premier League Islamarkaana Aysan Guul Ku Gaarin Waa Arrin Xiiso Gaar Ah Leh Ayagoo Galabta Kuwada Ballansan Garoonkaas Hadane Liverpool Dhaawacyo Ay Waalayaan Sidoo Kalena Ay Ka Fikirayaan Kulankaan Kan Xiga Ee Man City Anfield Ku Qaabilayaan Kaasoo Laga Yaabo In Horyaalka Lagu Go’aamiyo .

Lazio Ayaa Xalay Qaadatay 3 Rooso Kulan Ay Dhigooda AC Milan Kula Ciyaareen Gigada Olympic Stadium Kulankaasoo Ahaay Mid Taag Taag Ah Oo Leysku Rafaaday Balse Ugu Danbeyn Milan 0-1 Kusuldaartay Lazio Oo 8 Ciyaartooy Ku Dhameysatay Garoonka .
Goorma Ayey Kuugu Danbeysay Inaad Aragto Kulan 3 Rooso Hal Koox Lasiiyey Intaa Daawaneysay Kubadda Cagta Fikirkaaga Dhanka Hoose .

Hoos Kusoo Qor Fikradaada Ku’aadan Qodobadaan Kooban Iyo Sida Aad U Aragto Waa Inoo Muhiim Mahadsanid 🙌🙌🙌

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles