Cèsar Azpilicueta Oo Ah Xiddig Katirsan Kooxda Atlético Madrid Ayaa Qalinka Ku Duugay iyo warar kale oo dheeri ah.

Cèsar Azpilicueta Oo Ah Xiddig Katirsan Kooxda Atlético Madrid Ayaa Qalinka Ku Duugay Heshiis Hal Sano Oo Dheeri Ah Oo Uu Kusii Joogayo Civitas Metropolitano Waxaana Ay Atlético U Aragtaa Xiddig Muhiim U Ah .

Heshiiskiisa Ayaana Ahaay Mid Sanadkaan June Dhacayo Xiddigaan Chelsea Waayo Qurux Badan Kusoo Qaatay.

Dhanka Kale Richard Hughes Oo Ah Agaasimaha Xagga Suuqa Ee Bournemouth Ayaa Lagu Wadaa Dhamaadka Xilli ciyaareedkan Inuu Katago Shaqada Xilkaas Waxaana Waayadaan Aad Loola Xiriirinaayey Inuu Noqonayo Agaasimaha Cusub Ee Liverpool Iyadoo Midka Hadda Joogo Uu Yahay Kumeel Gaar Ah Waqtigiisa Ku Siman Xilli Ciyaareedkaan.

Hughes Wuxuu Kujiraa Liiska Ay Liverpool Dooneyso Waliba Dadka Ugu Hor Horeeyo Ee Dooqyada Koobaad Waxaana Ay Ku Xernaan Doontaa Imaanshahiisa Sida Ay Kooxda Isku Fahmaan Iyo Sida Ay Wada Hadallada U Billaawdaan .

Dhinaca Kale Maamulka Kooxda Tottenham Ayaa Ku Dhawaaqay In La Kordhiyey Qiimaha Tikidhada Ciyaaraha Ee Xilli ciyaareedka Soo Socda 2024/25 Kaasoo Lagu Daray 6% Boqolkiiba Qiimihii Uu Ewal Ahaay .

Kooxda Ayaa Ka Cabaneyso Koror Xagga Dhaqaalaha Ah Ee Kuwajahan 5-ti Sano Ee Lasoo Dhaafay Halka Taageerayaasha Ay Ka Cabanayaan Arrintaan Soo Korotay Oo Ka Billaabaneyso Dhamaadka Bisha May Ee Sanadkaan .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles