Qurba joogtu waa Laf dhabarkii Bulshadda.

Maalmahaan waxaa Baraha Bulshada ku soo batay Dood ka dhalatay Shirkii Madasha maalgashiga Qurba joogta. Markii Wasiirku yiri: Qurba joogtu waa Laf dhabarkii Dalka. Taa oo ka xanaajisay Qaran joogta qaar.
Ha ka xanaaqin waa luuqad siyaasadeed. Wakhtigii kacaanka Xafladda Maalinta shaqaalha ee 1da May waxaa la dhihi jiray Shaqaaluhu waa laf dhabarkii Dalka. Xafladda 8da Maarso waxaa la dhihi jiray Haweenku waa Laf dhabarka Dalka. Xafladda 15 May waxaa la dhihi jiray Dhalinyaradu waa Laf dhabarka Dalka.
Hala yaabin Haddii maanta Walaalaheen Qurba joog loogu laab qaboojiyo waxaa tihiin Lafdhabarkii Dhaqaalaha Dalka.
Qormadan macnaheedu ma ahan in aan Qurba joog u diidaa Amaanta. Laakin waa amaan siyaasadeed.
Qurba joogtu waa keeneen Isbedel la xiriiro Dhaqankii Bulshada, Caadadii iyo Hab nololeedka Bulshada. Wax badanna Caksi ayeey ka dhigeen.
Tusaale: muuqaalkii Waalidka Cagsigiisa ayeey noo keeneen. ( F.S: 1aad)
Walaalaheeyn Qurba joog waa yihiin Laf dhabar. Ogoow Lafta dhabarku iyadaaba Lafa badan ka kooban ee waa laftee Qurba joogtu.
Yac. Xumaan ha u qaadan, kaftan u qaado.
Qore: Yahya Amir

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles