Al-Imaam Ad-Dahabi waxa uu kitaabkiisa “Siyaru Aclaami-Nubalaa’” ku weriyay sidatan:
“Sheekh la oran jiray Xaatim Al-Asam oo la dhashay Sheekh Al-Balkhi, kana mid ahaa culumadii waaweynayd ee qarnigii saddexaad ee Hijrada, ayuu sanad sanadaha ka mid ah qalbigiisu u xiisay in uu Xajka tago, jicsinkii Xajka iyo jadiinkii uu carruurta u dhaafi lahaana ma uu haysan.
Sideedaba, ma bannaana in Xaj la aado in carruurta loo dhaafo masruuf ku filan muddada Xajka mooyee, haddii aanay iyagu sidaas raalli ku ahayn.
Markii la gaaray waqtigii Xajka ayaa gabar uu dhalay oo Ahlu diin ahayd, waxay aragtay aabbeheed oo murugaysan oo ilmeynaya.
Gabadhii: “Aabbe maxaa kaa oohinaya?”
Sh. Xaatim: “Xajkii ayaa la gaaray”.
Gabadhii: “Oo marka, maad Xajka aaddid?”
Sh. Xaatim: “Jid mar”.
Gabadhii: “Eebbe ayaa kafaalo qaadaya”.
Sh. Xaatim: “Masruufkiinna maxaan ka yeeli?”
Gabadhii: “Eebbe ayaa ina masruufaya”.
Sh. Xaatim: “Laakiin, talo hooyadaa ayay ka go’daa”.
Gabadhii hooyadeed bay u tagtay, hooyadii iyo carruurtii kalena waxa ay ka dhammaysay in odayga la fasaxo. Waxay ku dheheen: “Alle ayaa ina kafaalo qaadaya, ee Xajkaaga iska aad”.
Waxa uu uga tegay saddex beri masruufkood, isaguna Xajkii ayuu iska aaday, isaga oo aan wadan jid mar ku filan.
Waxa uu gadaal ka socday qaafiladii safarka ahayd ee Xajka u socotay. Intii aan wax badan la socon, ninkii qaafilada hoggaamiyaha u ahaa ayaa waxa qaniinay Dib-qallooc. Waxay dadkii weydiiyeen: “Yaa ku tufi yaqaan oo daweynaya?”
Sheekh Xaatim baa markaas Qur’aan ku aqriyay, isla saacaddiina waa uu bogsooday.
Hoggaamiyihii qaafilada ayaa ku yiri: “Jid markaaga sii socod iyo soo socodba waa xaggayga”.
Sh. Xaatim waxa uu yiri: “Allahayow, waa kaas qqorshihii aad aniga ii dejisay, ee i tusi qirshihii aad reerkayga u dejisay”.
Saddexdii cisho ayaa dhammaatay, masruufkiina carruurtii waa uu ka dhammaaday, gaajo ayaana billowday inay qanjaruufato. Waxay billaabeen inay gabadhii eed kala dul dhacaan, gabadhuse waa ay qoslaysay.
Waxay ku dheheen: Annaguna gaajo ayaan la go’i rabnaa, adiguna waabad qaslaysaa miyaa?
Waxay tiri: “Aabbeheen ma irsaqa isagaa bixiya mise isagaa cuna?”
Waxay dheheen: “Waa uu cunaa, irsaqana Alle ayaa bixiya”.
Waxay tiri: “Haddaba, kii irsaqa cunayay waa uu innaga tegay, waxase inoo haray kii irsaqa bixinayay”.
Iyada oo aan weli hadalkii dhammayn, baa albaabka la soo garaacay.
Reerkii: “Yaa albaabka garaacaya?”
Qofkii garaacayay baa yiri: “Amiirul-Mu’miniinka ayaa biyo uu cabo idin weydiisanaya”.
Wadaan yar bay biyo uga buuxisay, Khaliifkii Muslimiintuna waa uu ka cabay. Waxa uu aad ula dhacay dhadhanka biyaha oo aanu mid la mid ah horay u arag.
Adeegayaashii ayuu weydiiyay: “Biyahan xaggeed ka keenteen?”
Waxa ay dheheen: “Guriga Sh. Xaatim”.
Waxa uu yiri: “Iigu yeera, aan abaal mariyo eh”.
Waxay dheheen: “Xajka ayuu aaday”.
Amiirul-Mu’miniinku waxa uu markaas siibay suun uu xirnaa oo ka samaysnaa maro aad qaali u ah oo lagu xardhay Dahab iyo Luul. Waxa uu yiri: “Tan iyaga ayaa iska leh”. Keddib, inta uu wafdigii la socda eegay, buu ku yiri: “Qofkii i jeceli, wax ha ugu daro”.
Wasiirradii iyo ganacsatadii wafdiga ka midka ahaa oo dhan baa markaas suunankoodii wada siibay. Nin ganacsade ahaa oo wafdiga la socday baa suunankii oo kii Amiirul-Mu’miniinku ku jiro wada iibsaday. Reerkiina waxa la siiyay qiimohoodii oo ah Dahab ku filan inta ay dunida ku nool yihiin, suunankiina dib ayuu wafdigii ugu celiyay.
Reerkii raashin bay soo iibsadeen iyaga oo qoslaya, hase yeeshee gabadhu waa ay ooyaysay.
Hooyadeed baa ku tiri: “Maandhay, yaab baad leedahay! Gaajo ayaannu la ooyaynay, adiguse waa aad qoslaysay, ee hadda oo uu Alle faraj inoo furay, maxaad la ooyaysaa?”
Gabadhii waxa ay tiri: “Aadanahan (Khaliifka) aan naftiisa dheef iyo dhib midna u hayn baa il naxariiseed innagu eegay ilaa iyo geeri ina kaafisay, ee bal ka warrama boqorkii adduunka oo dhan isagu lahaa?”
[#سير_أعلام_النبلاء 11/487
Sabriye Musse
moqokori@gmail.com