Ra’iisul Wasaare xamse ayaa qabanqaabiyay kulan looga hadlay sare u qaadista wax-soo-saarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka

Ra’iisul Wasaaraha XJF Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa qabtay kulan looga hadlayey sidii sare loogu qaadi lahaa wax-soo-saarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, taas oo ku saleysan qorshaha Xukuumadda DanQaran ee casriyeynta dowladnimada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare xamse ayaa kulanka ka sheegay in Wasaaradaha wax-soo-saarka looga sugaayo sidii ay dalka u gaarsiin lahaayeen isku filnaansho dhaqaale, isaga oo kula dardaarmay in ay yeeshaan wada-shaqeyn dhow, si wada xaqiijiyo hadafka Xukuumadda ee la xiriira isku-filnaansho dhaqaale oo ay Soomaaliya gaarto.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira, barnaamijka istiraatijiyadeed ee Bankiga horumarinta Afrika iyo qorshaha isbeddelka Qaranka iyo Labs’ka Wasaaradaha wax-soo-saara dalka.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles