Ra’iisul Wasaarihi Falastiin oo is casilay

Ra’iisul wasaaraha maamulka Falastiin Mohammad Shtayyeh ayaa ku dhawaaqay in xukuumadiisii ay iscasishay xukuumadiisa,waxaa ay xukuumadan maamulaysay qaybo ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto.Mr Shtayyeh ayaa sheegay in loo baahan yahay diyaargarow cusub si loo tixgeliyo xaqiiqda ka soo ifbaxeysa marinka Qasa.

Cabbaas ayaa aqbalay iscasilaada goor dambe oo isniinti ah, sida ay shaacisay wakaalada wararka ee Wafa, balse waxa uu ka tagay ra’iisul wasaare oo ah madaxa xukuumada kumeel gaarka ah ilaa laga soo magacaabayo badaliyihii. Ma jirin wax war ah oo ku saabsan inta ay qaadan karto

Mr Cabbaas ayaa cadaadis kala kulmaya Mareykanka inuu dib u habeyn ku sameeyo PA si ay u maamusho Gaza ka dib marka uu dhamaado dagaalka Israel iyo Xamaas.

Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa ciidamadiisa ay Xamaas ka saareen Gaza sannadkii 2007dii.

Maxamuud Cabbaas ayaa la filayaa in uu ra’iisul wasaare u doorto Mohammad Mustafa, oo ah guddoomiyaha Sanduuqa Maalgashiga Falastiin. Mustafa waa dhaqaale yahan wax ku soo bartay dalka Mareykanka, wuxuuna xilal sare ka soo qabtay Bankiga Adduunka iyo weliba maamulka Falastiin.

Milateriga Israa’iil ayaa olole cir iyo dhul ballaaran ka bilaabay Qaza ka dib markii rag hubaysan oo Xamaas ah ay koonfurta Israa’iil ku dileen ilaa 1,200 oo qof 7-dii Oktoobar, ayna qafaasheen 253 qof oo kale.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in ugu yaraan 29,782 qof lagu dilay dhulka tan iyo markaas, oo ay ku jiraan 90 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles