Ramadaan 2024: Sida loola tacaalo madax xanuunka xilliga soonka

Khaliil wuxuu raadiyaa meel aan shanqadh lahayn oo mugdi ahoo uusan haba yaraatee maqlaynin wax sawaxan ama shanqadh ah, iftiin lahayn, waxba uusan u urayn.Sidan wuxuu sameeyaa mar waliba oo uu la kulmo wareentada madax xanuunka loo yaqaan Migraine, si uu uga fogaado in xanuunka madaxu ugasii daro oo mararka qaar xitaa uu la mantago, mararka qaar waxaa u raaca cabsi iyo isbaddel dabeecadeed.

“Markii uu wareenku bilaabmo, waxaan dareemaa in ay ii dhamaatay. Waxaan dareemayaa cadho nafteyda ah, mararka qaarkoodna waxaan dareemaa inaan naftayda nacay,” ayuu yidhi Khaliil, oo ah sawir qaade dhallinyaro ah oo labaatan jir ah.

Wuxuu noo sheegay in uu qabay sannado badan madax xanuunkan goonjabka oo sidoo kale Soomaalidu ugu yeedho wareento iyo dhanjaf, laakiin wuxuu sheegay Khaliil in dhowr sano uun ka hore la ogaaday in uu xanuunkan qabo.

Xanuunkan ayaa Khaliil ku kalifay in uu raaco hab nololeed iyo hab dhaqqan ka caawinaya in uu ka hortago wareenatada oo mararka qaar suuxdin ku dhawaata, sida jadwalka quraacda iyo cabista qaxwada, laakiin markii ay bisha Ramadaan soo dhawaatay, waxa uu bilaabay in uu ka welwelo isbeddelladaas marka uu sooman yahay, taas oo mararka qaarkood ku keenta in uu dayaco soonka bisha oo dhan.

Waa maxay madax xanuunka dhanjaf?

Qofka qaba Madax xanuunka joogatada ah waxuu saameeyaa nolol maalmeedkiisa

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Qofka qaba Madax xanuunka joogatada ah waxuu saameeyaa nolol maalmeedkiisa

La-taliye ku takhasusay qalliinka neerfaha Dr. Axmed Al-Tamii ayaa BBC-da u sheegay in suurtogalnimada in madax xanuunka dhanjafku uu kordho si darnna u qabto qofka inta lagu jiro bisha Ramadaan, sidaa darteed bukaanku waa in uu ogaado hababka cuntada iyo qaab nololeedka ee la raaci karo si loo yareeyo xanuunka, halka khabiir ku takhasusay nafaqada Faten Al. -Nashash ayaa sheegay in qaar ka mid ah diyaargarowga ka hor Bilowga bisha ay ka caawiyaan bukaanada yareynta iyo xaddiga wareenka.

Dhaqtar Al-Tamimi ayaa sheegay in madax xanuunka dhanjafku uu yahay xanuun ku dhaca neerfayaasha oo daba-dheeraada oo lagu garto soo noq-noqoshadiisa, inta badanna waxuu u dhexeeyaa mid dhexdhexaad ah iyo mid daran, waxaana inta badan laga dareemaa hal dhinac oo madaxa ah.

Waxaa lagaga soocaa madax-xanuunnada kale garaaciisa, waxaana laga yaabaa in wareenku uu sii socdo laba saacadood ilaa saddex maalmood oo xiriir ah.

Sida laga soo xigtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ilaa hadda lama garanayo sababta dhabta ah ee xanuunka dhanjafka, inkasta oo uu aad ugu badan yahay dadka, sida ay hay’addu sheegtay, wuxuu saameeyaa madax xanuunkani mid ka mid ah toddobadii qof ee qaan-gaarka ah adduunka, sida lagu sheegay tirooyin la soo saaray 2014-kii oo aan weli la cusbooneysiin.

Waa cudur ilaa 3 jeer ku badan dumarka marka loo eego ragga, maadaama ay sare u qaadaan infekshanka isbeddelka hormoonnada ee haweenka, waxaana inta badan madax xanuunkan la socda la socda lalabo, mantag, iyo dhibsasho iftiinka iyo shanqadha ama sawaxanka.

Al-Tamimi wuxuu sharxayaa in weerarrada madax-xanuunku ay saameeyaan awoodaha feejignaanta bukaanka iyo niyadda shakhsi ahaaneed inta lagu jiro weerarka iyo ka dibba, taas oo saameynaysa shaqadiisa maalinlaha ah iyo wax soo saarka.

Marka lagu daro calaamadaha inta lagu jiro suuxdinta, kuwaas oo laga yaabo in ay gaaraan heerkooda ugu sarreeya ee ‘hemiplegia’, haddii ay tahay wakhti gaaban ama si joogto ah, waxaa sidoo kale jira calaamado ka dib marka suuxdintu dhamaato, sida niyad-jabka, feejignaan la’aanta, iyo dhibaatada hadalka.

Ilaa hadda, ma jirto dawo joogto ah oo loogu talagalay xanuunka dhanjafka, sida uu qabo Al-Tamimi, oo macnaheedu yahay in aanay jirin dawo xanuunkan ka bogsiinaysa bukaanka, laakiin waxaa jira dawooyin badan oo loo qoro bukaanka iyada oo loo eegayo darnaanta weerarrada, kuwaas oo soo dhimi kara kara saamaynta xanuunka iyo calaamadaha la socda, qaarkoodna ay ka qayb qaataan yaraynta soo noqnoqodkiisa iyo darnaanta.

Waxa uu intaa ku daray in ay jiraan arrimo ka caawiya ka hortagga iyaga si loo yareeyo fursadaha caabuqa. Tusaale ahaan, cuntooyinka ay ka midka yihiin shukulaatada, miraha la qalajiyey, iyo hilibka ayaa ah kuwa keena xanuunka, marka lagu daro arrimo kale sida walbahaarka, hurdo la’aanta, iyo niyad-jabka.

Sida uu bukaanka u saameeyo xilliga soonka

Haweenay kiniin cunaysa
 

Kariima Al-Xalafaawi oo la ildaran xanuunka dhanjafka, ayaa bisha Ramadaan oo dhan waxa ay dareemaysaa welwel joogto ah, iyada oo ka cabsi qabta in xanuunku ku dhaco xilli kasta oo ay sooman tahay iyada oo aanay awoodin in ay qaadato dawooyinka xanuunka baabi’iya, taasina ay keento in ay ka sii darto, sidaas awgeedna madaxaaba ugasii dara.

Dr. Al-Tamimi waxa uu sheegay in fursadaha in uu ku dhaco madax-xanuun inta lagu guda jiro bisha Ramadaan ay kor u kacdo, taas oo ay ugu wacan tahay dareere la’aanta jidhka, Sonkorta oo aad u yaraata, waxa u sii dheer kacsanaanta xididdada dhiigga, iyo hoos u dhaca Kafaynta, kuwaas oo dhammaantood ah sababaha keeni kara in qofku la suuxo madax xanuunkan.

Kariima waxa ay qaadataa dhawr kiniin oo xanuun baabiiye ah xilliga suxuurta, waxa ay cabtaa biyo badan marka ay quraacdo, waxa aanay hoos u dhigtaa dhammaan dhaqdhaqaaqyada bulshada iyo xidhiidhka ay la leedahay dadka iyo qaraabada inta lagu jiro bisha Ramadaan, sida ay tidhi. Waxaas oo dhan waa in laga fogaado wax kasta oo kicinaya madaxa, sida buuqa, qaska, iyo soo jeedka goor dambe, iyo in la hubiyo in aad hurdo badan seexato.

Sida loogu diyaar garoobo Ramadaanka

talo-bixin oo uu ugu horreeyo in uu si tartiib-tartiib ah u yareeyo xadiga kafeega iyo waxyaabaha kiciyaneerfaha ee la cabbo, ilaa laga gaaro ugu yaraan marka ay bilato bisha soonka.

Waxa intaa dheer in la dhimo xadiga bunka iyo cunistiisa oo dib loo dhigo, afurka oo dib loo dhigo maalmaha Ramadaan ka horreeya, la dhimo wixii cunto fudud ah ama cuntooyinka aan waqtiyeysnayn inta u dhaxaysa cuntooyinka waaweyn ee maalintii, iyo ilaalinta fuuq-baxa jidhka oo joogto ah iyadoo la cabbayo xaddi biyo ah oo ku filan jidhka. In la hagaajiyo hurdada si loo waafajiyo ramadaanka waqtina aad ugu hesho xilliyada cibaadada.

Waxa kale oo dumarka lagula talinayaa in ay cunaan cuntooyinka hodanka ku ah magnesium-ka, taas oo ka caawisa hurdo fiican iyo nasinta xididdada dhiigga xilliga caadada iyo ka hor, gaar ahaan khudaarta cagaaran, marka lagu daro cunista cuntooyinka hodanka ah ee dufanka leh, oo laga helo kalluunka.

Haddii uu qofku dareemo in uu madax xanuun soo hayo, Al-Nashaash waxa ay ku talinaysaa in laga fogaado cuntooyinka madax-xanuunka keeni kara, sida shukulaatada, caanaha, iyo farmaajada, gaar ahaan xilliga suxuurta iyo in lagu beddelo karbohaydraytyo isku dhafan sida rootiga buniga ah iyo noocyadeeda kal duwan sida tan cagaaran, boorash, iyo rooti shaciir ah, iyo cunto kasta oo ay ku jirto fiber-ka, iyo khudaarta, waxaa kujira potassium, sida timirta iyo muuska.

Dhanka kafeega, Al-Nashash waxa ay sheegtay in uu fiican yahay oo uu ka caawiyo in uu ka yareeyo madax xanuunka, laakiin waa in loo qaataa si macquul ah, si aan loo kordhin qadarka maadada kafeenta ee jidhka oo ay keento calaamadaha kordhiya madax xanuunka.

Al-Nashash waxa ay xaqiijisey in awoodda qofku u leeyahay in uu soomo iyo in kale ay ku xidhan tahay dhakhtarka daawaynaya, taas oo ku xidhan wareenka madax xanuunka, inta jeer ee ay yihiin, iyo darnaanta. Tusaale ahaan, marka ay dhacdo matag joogto ah oo la socda madax-xanuunka, bukaanku wuxuu u baahan yahay dareere iyo biyo, halka Al-Tamimi ay xaqiijisay in bukaannada ay ku dhacaan madax xanuun fudud iyo kuwo fog oo la tacaali kara xanuunka ay si caadi ah u soomi karaan. Si kastaba ha ahaatee, haddii weeraradu soo noqnoqdaan oo darnaantahoodu korodho, dhakhaatiirtu waxay ku talinayaan in bukaanku qaato dawooyin iyo biyo si loo yareeyo xanuunka.

BBC

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles