Milkiilaha kooxda Manchester United ayaa ku dhawaaqay in uusan la saxiixan doonin xidigaha kala ah Kylian Mbappé iyo Bellingham sababo jiro aawgood.

Milkiilaha kooxda Manchester United Jim Ratcliffe ayaa daaha ka qaaday inuusan bartilmaameedsan doonin xiddigaha kala ah Jude Bellingham iyo Kylian Mbappé isagoo isku dayaya inuu dib u soo nooleeyo hantida kooxdiisa.

Ratcliffe ayaa la wareegay maamulka ciyaaraha kubbada cagta ee United ka dib markii uu dhawaan ku iibsaday £1 bilyan oo u dhiganta ($1.2 bilyan) oo uu ku iibsaday boqolkiiba 25% saamiga kooxda.

Iyadoo United ay ku dhibtooneysay Erik ten Hag xilli ciyaareedkii labaad ee macalin ahaan, bilyaneerka Britishka ee Ratcliffe ayaa la filayay inuu sameeyo saxiixyo kuwaas oo uu ku qarash-gareynaayo lacago badan xilli ciyaareedka soo socda.

United kuma guuleysan Premier League tan iyo 2013-di, waxayna hadda ku jirtaa kaalinta lixaad, inkastoo ay u gudubtay semi-finalka FA Cup ka dib markii ay garaacday Liverpool Axadii.

Isagoo marti ugu ah  Geraint Thomas’ Podcast Club , 71-sano jirkaan ayaa la weydiiyay inuu isku dayi doono inuu la soo wareego xiddiga khadka dhexe ee England Bellingham oo ka tirsan Real Madrid.

“Waa ciyaaryahan aad u wanaagsan balse diiradeydu asiga masaarna, xalku maaha in aan lacag badan ku bixinno laba ciyaartoy oo waaweyn,” ayuu yidhi Ratcliffe.

“Waxa ugu horreeya ee aan u baahanahay inaan sameyno waa inaan helno ciyaartooy waxtar leh, Qarashaad badan-na uusan inooga baxeynin kuwaas oo muhiim ka ah naadigooda”.

Ratcliffe waxaa la siiyay doorashada saxiixa weeraryahanka France Kylian Mbappe ama Cyclist Tadej Pogacar ee kooxdiisa INEOS.

“Waxaan doorbidi lahaa saxiixa Mbappe soo socda intii aan lacag badan ku iibsan lahaa guul,” ayuu yiri Ratcliffe.

Mbappe ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday inuu Real Madrid kaga soo biiro Paris Saint-Germain dhamaadka xilli ciyaareedkan.

“Ma ahan iibsasho aqliyeysan iibsahada Mbappe. Qof kastaa wuu garan karaa taas.” ayuu yidhi Ratcliffe.

Isaga oo samaynaya dib u eegis balaadhan oo ku saabsan hawlgalka kubada cagta ee United, Ratcliffe waxa uu la shaqaynayaa caawiyihiisa Dave Brailsford wakhti dheer.

Ratcliffe waxa uu goolkiisa ka dhigay in uu Manchester City iyo Liverpool ka saaro boosaska ay ka taagan yihiin Premier League iyo awooda ey is bidayaan laakiin waxa uu qiray in yoolkaas la gaadho uu ubaahayahay safar dheer.

“Labada qof ee aan aadka diiradda u saarayo waxay noqon doonaan Dave iyo naftayda, marka la eego sida aan u xallino dhammaan,” Ratcliffe ayaa yidhi.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles