Roy Kean Muxuu Kadhahay Bandhiga United Ee Caawa Kadib Marki Ay Gaareen Final-ka FA Cup-ka

Rugcadaaygii Hore Ee Man United Iyo Xulka Ireland Ayaa Layaab Kutilmaamay Waxa Uu Caawa Daawanaayey In Kooxdiisi Hore Ee United Tahay Iyo Inkale Kulan Ay U Baxayeen Kooxda Heerka Hoose Ee Coventry Kaasoo Katirsanaay Semifinal-ka FA Cup-ka.

Kulankaan United Waxa Ay Kubilaabatay Jawi Dagan Waliba Waxa Ay Ku Hogaaminayeen 3-0 Ilaa Iyo Laga Gaarayo Daqiiqadii 71 Oo Hal Gool Laga Soo Celiyey Kaasoo Uu Dhaliyey Ellis Simms Kadibna United Jahwareer Ubilaawday Waxaana 79 Daqiiqo Gool Kale Kasoo Celiyey Callum O’Hare Gaba Gabadiina 95 Daqiiqo Waxaa Wadnaha Gooyey Haji Wright Sidaasn Lagu Aaday Extra-time.

Kean Oo Kamid Ahaay Falanqeeyaasha Ciyaarta Ee ITV Ayaa Jahwareer Kaqaaday Qaabdarada Ay Kooxdiisa U Ciyaartay Wuxuuna Yiri Sidaan ” Ma Aamini Karo Waxa Aan Daawanaayo Manchester United Waa Jahwareersantahay”

” Waxaad Raadineysaa Hogaan Waxaadna Arkeysaa Goolhaya Oo Booskiisa Kamaqan Ma Aqaano Waxa Aan Dhaho, Coventry Koofida Ayaa U Siibay” Yacni Xushmad Uu Kawadaa Sida Ay U Dhiiranaayeen Iyo Sida Ay U Awoodeen In Ay Kasoo Laabteen 3-0 Taasoo Uu Tilmaamay In Qaladaadka Uu Leeyahay Goolhaye Onana Oo Aanba Isgaarsiintiisa Iska Maqantahay .

Wuxuu Sheegay Keane In Onana Uu Coventry Siiyey Momentum-ka Ay Kusoo Laabatay Ayagoo 3 Gool Iyo Waxba Leh Kuwaasoo Ay Uga Mahdinayaan Scott McTominay,  Harry Miguire Iyo Bruno Fernandes Waxaana Ay Gaba Gabadii U Gudbeen Final-ka FA Cup-ka 2-4 Rigoorayaal Gaaraya Waxaana Wembley Ku Sugaayo Deriskooda Man City Oo Fasalki Hore 2-1 Uga Qaaday Isla Wembley Isla Manchester United.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles