Ruben Amorim Oo Kahadlay Mustaqbalkiisa, Bayern Oo Dhaawacyada Kubadanayaan Iyo Qodobo Kale

Ruben Amorim Oo Ah Tababaraha Sporting Lisbon Wacdarahana Ka Dhigaya Horyaalka Portugal Kaasoo Lala Xiriirinaayo Kooxo Badan Oo Ay Ugu Horreyso Liverpool Ayaa Sheegay Inuusan Hubin Mustaqbalkiisa Fasalka Soo Socda .

Wuxuu Yiri” Ma Ballan Qaadi Karo Inaan Sporting Joogayo Xilliga Ciyaareedla Soo Socda , Mana Dhihi Karo Sida Xabi Alonso Sameeyey Oo Kale”.

” Waxaan Heysanaa Waqti Aan Kawada Hadalno Mustaqbalkeyga, Waana Sameyn Doonnaa Waqtiga Uga Haboon Ee Arrintaas, Hadda Waxaa Diirada Saareynaa Inaan Koobab Ku Guuleysanno Kadib Waa Arki Doonnaa Wixi Dhaca” .

Maxaa Kaaga Baxay Hadalka Amorim Ee Uu Kumuujiyey Inuu Baxayo Fasalkaan Midka Xigo Asigoo Si Dadban U Hadlaya.

Dhaawaca Richarlison.

Macalinka Spurs Ayaa Sheegay In Weeraryahaanka Kooxdiisa Ee Reer Brazil Richarlison Uu Maqnaanayo Kulanka Ay Wajahayaan Kooxda Nottingham Forest Wuxuuna Rajo Kamuujiyey In Kulanka Newcastle Uu Diyaar Noqon Karo .

” Richarlison Wuu Seegayaa Kulanka Nottingham Forest Dhaawac Jilibka Kasoo Gaaray Dartiis” Ange Ayaa Yiri Balse Kulanka Newcastle Waxaa La Rajeynayaa Inuu Diyaar Noqon Karo Sida Uu Isaga Xaqiijiyey .

Burnley Iyo Saxiix Cusub .

Kooxda Burnley Ayaa Ogolaatay In Ay Lasoo Saxiixato Xiddiga Reer Holland Ee Garabka Difaaca Kaciyaara Ee Shurandy Sambo Ayagoo Ku Qaadanaya Qaab Beeca Xorta Ah .

Sambo Wuxuu Saxiixi Doonaa 4 Sano Heshiis Ah Sida Lafahamsanyahay Asigoo Macsalaameynaya Kooxdiisa PSV Eindhoven Wuxuuna Waayo Cusub Kabilaabanayaa England.

Dhaawacyada Bayern .

Macalinka Reer Jarmal Iyo Kooxda Bayern Munich Thomas Tuchel Ayaa Xaqiijiyey In Kooxdiisa Kamaqnaanayaan Dhoor Xiddig Oo Seegayaan Kulanka Isbuucan Ee Horyaalka Iyo Waliba Kulanka Weyn Ee Bartamaha Isbuuca U Martinayaan Arsenal.

” Manuel Neuer, Kingsley Coman, Leroy Sanè  Aleks Pavlović Iyo Mazraoui Dhammaantood Squad-ka Kooxda Kuma Jiraan”

” Dhammaantood Dhibaatooyin Ayey Qabaan Sidaas Daraateed Shakki Ayaa Kujiro Ina Ay Ciyaaraan Kulanka Arsenal” Sidaas Waxaa Yiri Thomas Tuchel.

  1. Mala Dhihi Karaa Arrintaan Waxa Ay Fursad Utahay Arsenal Oo Marki Ugu Danbeysay Champions Ay Is Arkaan Bayern 10-2 Celcelis Ahaan Looga Reebay Wareega Bugbaxda Ma Aarsan Doontaa Arsenal Bayern Waqtigaan Aad Ayey U Liidataa Horyaalka 13 Dhiboocd Looga Haayaa Dhaawacyo Wey Haayaan Fikirkaaga Hoos Noogu Reeb .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles