Ruushka oo sameesanayo Saldhig cusub oo Militari iyo Mareykanka oo ka walaacsan

Taliye ku xigeenka Golaha Milatariga ee maamula dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqay Jimcihii in ay aad u danaynayaan inay xoojiyaan xiriirka kala dhexeeya Ruushka dhinac walba.Jenaraal Malik Aqar ayaa Jimcihii shalay kula kulmay magaalada Saint Petersburg ee dalka Ruushka Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli warbaahinta Sudan ay sheegeyso in Miltariga Sudan iyo dowladda Ruushka ay ka wadahadlayaan sidii Ruushka saldhig military looga siin lahaa xeebaha badda cas ee dalka Sudan iyada oo ciidamada Sudaan ay taas ku bedelanayaan hub ay kula dagaalamaan Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee uu dagaalaku u dhexeeyo. Faahfaahinta warkan waxaa inoo haya Xuseen Barre.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles