Sad-bursi iyo qanac la’aan ma u dhaqan baa! (W/Q. Ubah Aden)

Doorashada Puntland ee sanadkan waa mid ka xiiso badan, ka rajo badan, kana xamaasad badan doorashooyinkii hore ee Puntland soo marey.
Waa marka horee- dhawaan waxa uu maamulka SSC iyo isimadooda ku dhawaaqeen go`aan buuq badan dhaliyay, balse ahaa go`aan la filanayay. Waxey sheegeen in ay isaga baxeen maamulka Puntland, islamarkaana aysan ka qeyb geli doonin doorashada xildhibaanada baarlamaanka ee Puntland oo dhici doonta 8-da bishan Janaayo, 2024. Waxyaalaha buuqa sababey ayaa ka mid ahaa sidee laga yeeli doonaa 17-ka xildhibaano ee liiska doorashada ka baxey mar ay doorashada ka dhiman tahey maalmooyin keliya. Tan ka muhiimsan ee kala go’a SSC iyo Puntland oo weli laga doodin ayaa ah- sidee kala guurka labada maamul loo ajiibi karaa dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo degaan ah? Sidee iyo ilaa xad intee le’eg ayay Puntland ka taageeri kartaa dhisida maamulkaa cusub ee SSC? Sideese labo maamul oo madax-banaan, deris ah, taariikh wadaaga u samaysan karaan isbahaysi xooggan oo dhan walba ah?
Marka labaad- maamulka Puntland ayaa ku guuleystay dhawaan hirgelinta nidaam doorasho oo taariikhi ah, oo aan ka dhicin dalka muddo nus qarni ah. Doorashooyinka golaha degaamada Puntland oo ka kooban 35 gobol ayaa labo gobol mooyee, inta kale looga codeeyay- hal qof iyo hal cod. Waxay taa macquul ka dhigtey in nidaamka 4.5 laga tilaabsan karo loona gudbi karo nidaam loo wada siman yahey oo dadka oo dhan ka wada dhaxeeya. Nasiib xumase, doorashooyinkaa taariikhiga noqdey ma noqon guul waarta, oo mucaaradkaa ka hor yimid. Dad badana ku naf waayay.
Marka sedexaad- qaran ahaan, Soomaaliya waxey dhex-jabaaxeysaa isbedelo waaweyn oo saameyn ku yeelan doona Puntland, siyaasad ahaan, amni ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Isbadalada waxaa ka mid ah deyn cafinta Soomaaliya ku guuleysatey dhawaan, la dagaalanka iyo ciribtirka argagixisada, cunaqabatayntii hubka oo laga qaaday dalka, dastuurkii wax kala hagi lahaa oo aan weli dhameystirneyn, xiriirka u dhaxeeya dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland oo aad u liita, mudo 2 sano ah waxaa dalka ka dhici doona doorashooyin aan la qiyaasi karin jihadeed, nidaamka dowladnimo ee dalka oo weli qabyaalad iyo 4.5 ah.
Caalam ahaan, waxaa socda tartan loogu jiro sidii Afrika loo hanan lahaa, oo Yurubta cusub looga dhigi lahaa umaddo aan umadeed aheyn, umadeedana adoomo looga dhigi lahaa umadahaa. Waa qaarad weyn oo aan dad heysan, hadana ka buuxdo kheyraad dabiici ah iyo mid bini`aadam oo aysan dalalka awoodda leh heysan maantey. Isbedelka cimilada iyo khatarkeed oo sii kordhaya, halis weyna ku ah dadka iyo dalka. Maalmahan waxaa aad loo hadalhayay faa`iidada iyo qasaarada ay yeelan karto aaladan cusub ee AL (caqliga la abuurey ama artificial intelligence) iyo sidii loo maareyn lahaa. Halka soomaali ay halistan ku baraarugsaneyn.
Isbedeladaa aan soo dhiraandhiriyay ee heer deegaan, heer qaran iyo heer caalamba saameyn weyn ayay ku yeelan doonaan dalka iyo degaanka ahaan. Puntland waxey maantey u baahan yahey siyaasiyiin matali kara dadkood, xalin karana baahida jirta, horumarna u hoorseedi kara bulshada. Waxaa loo baahan yahey maamul iyo siyaasiyiin isla shaqeyn kara oo mudo 5 sano ah ku qaban kara waxaan 25-sano sadex beel ku qaban weysey.
Beesha reer Tanade maxaa kala gudboon doorashadan hadda la geli doono?
Shan iyo labaatankii sano ay Puntland soo jirtey waxaa soo maray 5 madaxweyne oo isku beel ah. In kastoo 5-taa maamul mid walbaba sameeyay isbedel aad u yar, haddana Puntland waa maamul goboleedka kaliya, marka laga reebo Somaliland, nabad iyo xasilooni heystey mudo aad u dheer, hadana wax horumar ah oo muuqda aan gaarin. Waxaana lagu aaneynayn karaa dib u dhacaa in markii madaxweyne kastaa xukunka la wareego ay la mid tahay in qabiilkiisu maamulkana la wareego. Qabyaalada sidaan ognahney waxey u hiilisaa, hogaanka daneystaha ah oo aan dal iyo dadba dan ka laheyn. Waana sababta ay Puntland horumar u gaari la`dahey mudadaa 25-ka sano ee ay soo jirtay.
Qabiilka Tanade oo ka mid ah qabiiladii ka soo qayb qaatey dhisida iyo difaacidda Puntland, deganna degmooyin badan, waxuu 25kii sano ay Puntland soo jirtay heystey sad-bursi labo kursi ah. Laga soo bilaabo maamulkii C/rahman Faroole ilaa kan hadda dhisan ee Dani waxay si xushmad iyo xasilooni leh u raadinayeen in awood qaybsiga Puntland cadaalad laga dhigo oo beelaha oo dhammi si siman u wada wadaagaan. Nasiib xumase, maamul kastaa oo arintaa la horkeeno marmarsiinyo aan macquul ahayn bey hordhigayeen. Saciid Deni oo ah kan ugu macquul sanaa maamuladaa baa arinta `awodd-wadaaga` ku xiray in 5,000 cod la keeno si baarlamaanka loo hor geeyo.
Tanade oo la xujeeyay maxaad ka filan? Mudo gaaban gudaheed bay todobo kun oo cod hor keeneen madaxweynaha Deni. Balse arintii leysku ogaa in baarlamaanka la horkeeno oo laga wada doodo, warwareejin ayay ku soo dhamaatey. Qasaarada qaladkeed qeybta ugu weyn waxaa iska leh xildhibaanidii beesha matalayay oo mas`uuliyadood garan waayay.
Waxaa ilaa hadda ognahay in rag badan oo aan kala dhacin doorashadaan tartan ugu jiraan. Nasiib xumo se, waxaad moodaa in musharaxiintu hilmaameen waxa ay isku heystaan in ay tahey oo keliya LABO KURSI. Musharaxiin taasi qaarkood hawsha waa ku cusub yihiin, halka qaarka kale la soo tijaabiyey oo la garan karo waxey goyn karaan. Waxey musharaxiintaa ku kala duwan yihiin oo keliya- waa heerka aqoonta, kalsoonida iyo garashada uu ka heysto bulshada uu matalayo ee degaanka Puntland, iyo khibradda uu u leeyahey xalinta baahidood iyo kartida ay matalaadaa mudan tahey.
Adeeradda Tanade ee soo xuli doona siyaasiyiinta 5ta sano ee soo socda, kuna matalli doona beesha barlamanka Puntland, waa in iyaga marka hore sharuudo lagu xiraa. Isinimaddu waa sharaf iyo kalsooni la muteytso, lana lumin karo. Isamadda Tanade ha yeeshaan marka hore qiyam ka wada dhaxeeya iyaga. Kaas oo ah (1)- Qaybshaa qadaa iyo (2) Bahdilida 2da kursi sidii looga gudbi lahaa. Markaad qiyam leedihiin, talo wadaag idinka dhaxeyso markaas baad dooran kartaan siyaasiga maantey loo baahan yahey oo ah geesi hawshiisa qaban kara, jeebkana aan la gashan karin.
Waxaa nalagu yaqaan in aan leenahney wiil hiilaya, waa in nalagu yaqaanaa sidoo kale in aan leenahney odeyaal taliya oo xil garrad ah qaadi karana guluf dheeraad ah iyo hoggaan siyaasadeed.
Ubah Aden- https://www.ubahaden.com/

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles