Saddex arrimood ka ogow hadalkii Farmaajo iyo falcelinta ka dhalatay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa jeediyey shalay gelinkii dambe jeediyay khudbad uu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka isagoo si gaara farta ugu fiiqay wax ka baddelka dastuurka ee ay dooddiisa hortaallo labada aqal baarlamaan ee Soomaaliya.

Hadallada ku jiray khubdbada Farmaajo ayaa ahaa kuwo ku cusub doorkiisa hadda ee siyaasadda ka dib ku dhowaad labo sano oo uu xafiiska Villa Soomaaliya moog yahay.

Madaxweynihii hore ayaa haatan xubin ka ah Golaha Shacabka isagoo imaanshihiisii Muqdisho sheegay inuu u yimi “sidii uu xal ugu dhex raadin lahaa dastuurka furan ee la doonayo in wax laga baddelo ama la dhamaystiro”.

Qodobka afaraad ee dastuurka oo wax ka baddelkiisu horyaallo labada aqal baarlamaan ayuu Farmaajo ku sheegay in qorshaha socda uusan ahayn mid wax looga baddelayo dastuurka ee sida uu hadalka u dhigay yahay mid lagu qorayo “dastuur cusub.”

Qodobka afaraad ee dastuurka oo wax ka baddelkiisu horyaallo labada aqal baarlamaan ayuu Farmaajo ku sheegay in qorshaha socda uusan ahayn mid wax looga baddelayo dastuurka ee sida uu hadalka u dhigay yahay mid lagu qorayo dastuur cusub.

“Markaad fiiirso cutubka afaraad ayaa sheegay in dastuurku cusub yahay, cutubka afaraad wuxuu ka hadlayaa habka doorashooyinka iyo matalaadda shacabka, wuxuu ka hadlayaa nidaamka baarlamaaniga ah inaan ka guurno oo u guurno nidaamka madaxtooyada, waa nidaam cusub oo aan horey annagu u lahayn, marka laga guurayo System waa nadaam cusub iyo dastuur cusub,” ayuu yiri Farmaajo.

“Dastuurku wuxuu ilaaliyaa dowladnimada, cutubkaani wuxuu ilaaliyaa dastuurka maxaa yeelay waa meesha lagu doorto dadka ilaalinaya dastuurka, marka waa madixii dastuurka ayaan dhihi karaa,” ayuu intaas raaciyey.

2. Beesha Caalamka

Madaxweyihii hore ee Soomaalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbadisa ku soo qaaday hadalo aan hore looga baran xiligii uu xafiiska joogay gaar ahaan marka uu ka hadlayo wadamada beesha caalamka ee taageera Soomaaliya

“Ogaada dhibka taagan wuxuu yahay dalkan wuxuu wali ku jiraa Chabter 7, wali kama aynaan bixin, haddii inagu is qaban wayno, oo xildhibaannadu is qaban waayaan, oo guddoonkii la qaban waayo, oo madaxweynuhu noo qabsoomi waayo oo dowlad goboleedyadu noo qabsoomi waayeen, waxaa khasab ah in beesha caalamku garba duub noo qabato waa hadii dan nalaga leeyahay” ayuu yiri Farmaajo.

Kal xilleedkiisii hore, Farmaajo ayaa dhaliili jiray in beesha caalamku ay door ku yeeshaan siyaasadda gudaha ee Soomaaliya isagoo marar badan fagaarayaal ka sheegay in talada dalka ay u taallo Soomaalida.

3. Xaaladda dalka

Isagoo ka hadlayey xaaladda uu ku jiro dalku ayuu sheegay in loo baahan yahay in wadar oggol lagu dhameeyo arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Hase yeeshee hadal uu adeegsaday Madaxweynihii hore ayaa falcelin weyn ka abuuray dagallada internet-ka ee Soomaalida.

‘‘Waxaan ku talinayaa in arrintan dastuurku ay dadku isku keento ee aysan loo baahnayn inay dadka kala dirto, mana aha laga shaqeeyo wax la isku khilaafi karo, ama khilaafd keeni ama dhibaato keeni kara ama dib noo dhigi kara, haddii beesha caalamku ay na sii dayso in qof walba tuuladiisa iyo xoolihiisii iska raacanayo oo qaranimada sidaas ku baaa’ayso.” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Jawaabta barlamaanka ee hadalkii Farmaajo

Labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaanahan lahaa fadhiyo ay kaga doodayeen qodobbada dastuuurka oo qaybtood la soo jeediyey in wax ka baddel lagu sameeyo.

Isagoo ka jawaabayey su’aal ka dhalatay khudbadii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ahayd inay hadda baarlamaanku wadaan dastuur cusub ayuu BBC-da u sheegay xogahayaha guddiga la socodka dastuurka ee labada gole ee barlamaanka Soomaaliya Siciid Cabdi Xuseen in dastuurka horyaalla goloyasha uu yahay dastuurkii 2012-kii

“Maaha dastuur cusub ee waa dastuurkii 2012-kii oo u baahan dib u eegis farsamo iyo mid siyaasaded ayaan hadda shaqada ku wadnaa, marka ka oron karo dastuur cusub ayaa la alifayaa ama la samaynayaa,” ayuu yiri xoghaye Siciid.

“Dastuurkani ilaa 2012kii ayuu dib u eegis u madlanaa ayna ahayd in la dhamaystiro, barlamaankani wuxuu ku jiraa sanadkiisii labaad oo anagu sanadkii 2023-dii oo dhan waxaan ku wadnay dibu eegis, markaa ma jirto deg deg ku jiraa, hanaanka loo marayana isaga laftiisa ayaa hagaya oo cutub gaara ayaa eegaya sida cutubka 15-aad ayaa sheegaya habka loo samaynayo dib u eegista, cutubkaas hab laga soo min guuriyey ayaa labada gole ansixiyeen bishii Jannaayo, waqtiga iyo habraacuna waa saxan yahay” ayuu yiri Siciid Cabdi.

Siciid, wuxuu BBC-da u sheegay in qodobka wali dooddiisu u taallo barlamaanka aysanna go’aan ka gaarin balse asal ahaan ay qodobka ah in hannaanka baarlamaniga laga guuro uu ka yimid madasha wadatashiga qaran.

Falcelinta siyaasiyiinta iyo bulshada

Hadal hayn badan ayaa ka dhalatay khudbaddan oo dhowr iyo toban daqiiqo ahayd oo jeediyey madaxwweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uuna kaga hadlay wax ka baddelka dastuurka.

Baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan looga falceliyey qaar ka mida hadallada ku jira khudbada, siyaasiyiin ku jira dowladda ayaa dhaliilyey halka siyaasiin kale oo horena ay soo dhaweeyeen.

Mas’uuliyiinta dowlada ee ka jawaabay khudbadii Madaxweynihii hore waxa ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha ee dowlada federalka Axmed Macallin Fiqi oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook.

“Mudane xildhibaan Farmaajo sida aad u hadashay waa ka duwan tahay sida aad u dhaqantey markii aad xilka joogtey iyo sida aad qortay intaba! Dadkuna kuwii guulwadayaasha kuu ahaa ma ahan! Fursad bixi shaqadiii aad qaban weyday lagu dhammaystir!” ayuu yiri Fiqi.

Sida la mida waxaa iyaguna falcelin wayn ka bixiyey qaybaha bulshada oo siyaabo kala aragti duwan barahooda ugu dhiibtay nuxurka khudbada madaxweynihii hore.

BBC

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles